“Waan Tartamayaa,Haddii Layga Guulaysto Iyo Haddii Kaleba Wa

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Ducaysane_87
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3997
Joined: Sat Jun 06, 2009 1:38 pm
Location: Financing the Handcutter Company of Ina Godane

“Waan Tartamayaa,Haddii Layga Guulaysto Iyo Haddii Kaleba Wa

Post by Ducaysane_87 »

“Waan Tartamayaa,Haddii Layga Guulaysto Iyo Haddii Kaleba Waan Aqbalaya Natiijada”Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin



hadhwanaag 2009-06-28 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(NewStatesman)-Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin,ayaa mar kale ku celiyay in uu ka degayo xilka, isla markaana uu ku qancayo natiijada Doorashada la filayo inay dalka ka dhacdo 27-ka bisha September haddii laga guulaysto.

Sida lagu sheegay Warbixin lagu faafiyay Shabakadda Wararka ee New Statesman ee Maraykanka, oo laga qoray Somaliland iyo geedi-socodkeeda Dimuqraadiyadeed, Madaxweyne Rayaale wuxuu sheegay in uu u tartamayo Jagada Madaxweynenimo, hase ahaatee, uu ku qancayo natiijada ka soo baxda Doorashada oo uu xilka isaga degayo hadii laga guulaysto.

Warbixintaas oo Wargeyska Ogaal idiin soo turjumay, ayaa waxay u dhignayd sidan;

“Bishan September ayaa la filayaaa in boqollaal kun oo qof ay ka qayb-galaan Doorasho, iyaga oo goobaha Codaynta oo ay ilaalin doonaan Ciidamo Boolis ah istaagi doona safaf ka hor inta aanay cadceeddu soo bixin, si ay u sugaan in ay u codeeyaan hoggaamiyahooda cusub. Badi dalka Soomaaliya waxa ka socda qalalaase iyo dilal. Laakiin, Somaliland oo ah qaybta waqooyi-bari ee dalkaas ayaa 18-kii sanadood ee u dambeeyay u halgamaysay inay ka xorowdo Soomaaliya. Waxaanay sheegtay inay ka madax-bannaan tahay ka dib markii dawladdii u dambaysay ee Soomaaliya ay burburtay sanadkii 1991-kii.

Ka dib saddex doorasho oo si nabad ah u dhacay, ma jirto cid filaysa qas bishan September. Laakiin, dib-u-dhacyo badan oo yimi ayaa shaki gelisay geeddi-socodka Dimuqraadiyadda Somaliland. halka Soomaaliya jagadii uu banneeyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Siyad Barre laysku dilayo awoodda iyo Lacagta, iyagu waxay samaysteen dawlad buuxisay booskaas, ka dib markii ay galeen dib-u-heshiisiin ay hirgelinayeen Madax-dhaqameedka iyo hoggaamiyayaasha Diintu. Maleeshiyooyinkii waa la qarameeyay, waxaana bilaabmay in la sameeyo qaran casri ah. maanta waxa jira Baarlamaan la doortay oo ka kooban Aqalka Wakiilada iyo Odayaal qabaa’ilku u doortaan Aqalka Odayaasha. Si nabad ah ayaa loo dhex socdaa Dariiqyada, waxaan isa-soo taraya ganacsiga ay maal-geliyaan dadka qurba-joogga ahi. Somaliland waxay leedahay Lacag u gaar ah, inkasta oo dadka badankoodu ay isticmaalaan Lacagta Dollar-ka, haddaad waydiisana waxay dadku kuu sheegayaan inay reer Somaliland yihiin.

Somaliland ma jiro dal weli aqoonsaday oo Caalamka ah. ‘Somaliland maanta waa dal shaqaynaya. Waxa naga maqani waxa weeyey Aqoonsi.’ Sidaa waxa yidhi Wasiirka firfircoon ee Arrimaha Dibedda. ‘Waa waqtigii Beesha Caalamku ay na aqoonsan lahaayeen.’ Ayuu yidhi. Somaliland waxay sheegaan in shuruudaha aqoonsigu ay yihiin nabad iyo Dimuqraadiyad…Doorashadii u dambaysay ee Somaliland waxa codeeyay 675,000 oo qof, afar sanno ka dib Komishanka Doorashooyinku waxay diiwaangeliyeen in ka badan Milyan iyo saddex boqol oo qof.

Weli waxa jirta rejo. Daahir Rayaale Kaahin, Madaxweynaha 57-jirka ah wuxuu ku kalsoon yahay guusha uu ka helay ninkii tartanka kula jiray ee Axmed Maxamed (Siilaanyo). Laakiin, wuxuu leeyahay, ‘Waan tartamayaa, haddii layga guulaysto iyo haddii aan guulaystaba waan aqbalaya natiijada’

..Si kastaba ha ahaatee, natiijada Doorashooyinkan, reer Somaliland waxay rejayn karaan wanaag, inkasta oo in ka badan ay sugayeen ka hor.”

Wargeyska Ogaal






http://hadhwanaag.com/newsdetail.jsp?selectid=21838



Submited By hadhwanaag : 2009-06-28
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”