25 June, 2009 By _Dowladnimo
Waxaa Dekadda weyn ee magaalada Muqdisho ku xiran ugu yaraan labo Markab ay dowlada Maraykanka u soo dirtay Dowlada Federalka Somaliya. Markabkaas oo sida saanado hub ah, waxaana hakad la geliyey dhamaan shaqooyinkii caadiga ahaa ee ka socday dekadda magaalada Muqdisho.
Warar aanu ka helnay qaar ka mid ah howlwadeenada dekadda Muqdisho ayaa inoo sheegaya in markabka uu sido hub iyo gaadiid dagaal oo ay leeyihiin Ciidanka dowladda Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa la xaqiijiyay in markabka ay saran yihiin saanado ay kamid yihiin Kaarayaal, Beebeyaal, Madaafiicda Hoobiyaha, Baasuukalaal, RPG, Gaadiidka Cabdi bilaha iyo gaadiidka wax lagu daad gureeyo ee BG-ga loo yaqaan.
Markabkan ayaa ku soo xirtay Magaalada Caasumada u ah dalka Somaliya ee Mogadisho, kaas oo qeyb weyn ka noqoyana Siyaasad cusub oo ay iminka xukmada Obama ku taageerayso Dowlada Somaliya waa sida uu hadalka u dhigay sargaal Maraykanka u hadlay oo aan magiciisa la Sheeegina.
‘‘Go’aankan waxaa gaaray Golaha sare ee Maraykanka si anan xukunka looga tuurin dowlada Somaliya darted, wax kasta waxaa loo sameeyay in la tayeeyo quwada ciidamada dowlda si ay isaga difaacaan mucaaradka,’’ sidaas waxaa yiri sargaalka arintan sheegay.
Sida la wada ogsoon yahay waxaa jirey mudooyinkii ugu danbeeyay Abaabul Dagaal oo ay doeladda dooneysay in ay kusoo celiso Amaanka gobolka Banaadir iyo goobihii lagala wareegay, kaas oo ay ku dooneyso inay ku cirib tirto Xoogaga Mucaaradka, sida dhowr jeer ay Saxaafada ka sheegeen qaar ka tirsan Madaxda sare ee dowlada Soomaaliya.
Balse wali lama sheegin war rasmiya oo ka soo baxay dhinaca dowladda Soomaaliya oo ku saabsan hubkan uga soo degay dekadda magaalada Muqdisho, arrintan ayaa kusoo aadaysa xilli dhawaan dowladda Soomaaliya loo ogolaatay in ay soo iibsan karto saanado Military.
Hadalka Sarkalkan ka tirsan Dowlada Mareykanka ayaa waxa uu yimid xilli Dowlada Somaliya aay Codsiyo kala duwan u dirtay Beesha Caalamka si looga Bad Baadiyo Kooxaha Mucaaradka ee Islaamiyiinta.





Should they lose it to the mucaarad,sh.sharif must step down directly.