Baarlamanka Maamul Goboleedka Puntland ayaa waxaa uu ansixyay maanta Dastuurka cusub ee Maamul Goboleedka Puntland.
Kulanka maanta lagu ansixiyay Dasturka oo ka dhacay Xurunta Baarlamaanka ee magaalada Garoowe ayaa waxaa goob joog ahaa Xildhibaano ay tiradoodu gaarayso 54 xildhibaan,Waxaana kulanka maanta aan soo xaadirin 13 xildhibaan.
Codbixinta ayaa u dhacdey habka gacan taag ah, waxaa ogolaadey dastuurka cusub 49 Xildhibaan waxaana ka soo horjeestey 2 xildhibaan , waxaana ka aamusay 3 xildhibaan
Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamul Goboleedka Puntland C/ Rashiid Maxamed Xirsi ayaa ansixintaasi markii ay dhacday ka dib waxaa u sheegay in maanta oo ku beegan Sagaal iyo Labaatanka bisha lixaad (29.06) ay meel mariyeen Xildhibaanadu dastuurkii lagu dhaqi lahaa Maamul Goboleedka Puntland.
Guddoomiayaha Baarlamaanka ayaa waxa uu iclaamiyay kulan ay maalinta bari ah isugu yimaadaan xildhibaanadu ,kaasi oo lagu wado in looga doodo xisaab xirka miisaaniyada sanadkii 2008-dii.
Waa markii labaad oo xildhaabanadu ay meel mariyaan dastuurka Puntland, 15.06.2009 ayey cod aqlibay ah ku meel mariyeen kalfadhi aan caadiga ahayn ee u furmey bishii May dhamaadkeedi, kadib markii ay dood dheer ka yeesheen, codeyntan ayaa lagu macneeyay mid kama danbeys ah isla markaasna lagu ansixiyey kalfadhigii caadiga ahaa ee baarlamaanka Puntland.
Puntland parlimant approves the new constitution
Moderator: Moderators
- sheekh-Farax-zero
- SomaliNet Super
- Posts: 7590
- Joined: Sat Apr 05, 2008 9:04 am
- Location: pppppppp
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 442 Views
-
Last post by RebelLion1
-
- 21 Replies
- 2124 Views
-
Last post by Based
-
- 39 Replies
- 2115 Views
-
Last post by union
-
- 28 Replies
- 1632 Views
-
Last post by Mr_Alfaas
-
- 6 Replies
- 1003 Views
-
Last post by Sakhraan
-
- 2 Replies
- 716 Views
-
Last post by CismanMaxamud1
-
- 0 Replies
- 315 Views
-
Last post by gemini07
-
- 0 Replies
- 421 Views
-
Last post by Cusmano