Ahmed Godane !!!!!
Moderator: Moderators
Ahmed Godane !!!!!
Axmed Godane, oo lagu naanaysi jiray "Hanfade". Waxuu ku dhashay Laanqeyrta Kililka 5aad Ethiopia. Waxa uu ka dhashay qoys xoolo-dhaqato ah oo ka kooban 4 gabdhood iyo 5 wiil. Markuu ahaa 12 jirka, ayaa magaalada Hargeisa waxa soo galay ciidamadii SNM. By: Dharaar.
Sida laga warqabo waxa afartii sanadood ee ugu danbeeyay soo xoogaysanayay unug hubaysan oo isku magacaabay Al-Shabaab, kuwaas oo sanadadahii ugu danbeeyay hadal heyntoodu badnayd, kooxdan oo bilawgii gabood ka dhiganayay inay la dagaalamayaan ciidamadii Itoobiyaanka ahaa, hase ahaatee, markii ay ka baxeen uu bulshada soomaaliyeed u muuqday wajigoodii dhabta ahaa, iyagoo bilaabay burburinta intii ka taagnayd burburka dhexdiisa, waxay ku kaceen inay laayaan hanbadii ka sii hartay boqolaalkii kun ee ku dhintay dagaaladii sokeeye ee mudada 19 sanadood ah ka socday Somalia, oo markay intii noolayd dhaafeen meydkii xabaalaha ku jiray ka baxsan waayay.
Hadaba su’aasha isweydiinta mudani waxay tahay waa kuma ninka hogaanka u haya kooxahaa dooxatada ah ee Al-Shabaab ama sida magacooda dhabta ah yahay Mujrimiinta Al-Shayaadiin?
Axmed Cabdi Godane, oo yaraantiisii lagu naanaysi jiray Hanfade, waxuu ku dhashay miyiga magaalada Laanqeyrta ee dalka Itoobiya, waxa uu ka dhashay qoys xoolo-dhaqato ah oo ka soo jeeda Aadan-Waraabe oo ka tirsan qabiilka Arab oo ka mid ah Isaaq, waxu dhashay sida la aaminsayahay 2 sano ka hor intii aanay dhicin abaartii Daba-Dheer oo dalka ku habsatay sanadkii 1974 kii. Reer Cabdi-Godane markii xoolahu kaga dhamaadeen abaarta waxay u soo guureen magaalada Hargeisa gaar ahaan xaafada Siinaay.
Axmed oo ah guri-danbeyska ilma Cabdi Godane oo ka kooban 9 caruura(4 gabdhood iyo 5 wiil) waxa dhintay aabahii, ka dib waxa hooyadii dumaaley adeerkii Cismaan Godane, marka laga reebo isaga iyo laba wiil, waxay dib ugu noqdeen intii kale miyi, oo mar labaad xoolo-dhaqato ka noqdeen, Axmed waxa isaga iyo labada wiil ay la joogeen Edadood. Waxa uu malcaamada ka bilaabay xaafada Siinaay, malcaamadaa oo uu macalin ka ahaa sheekh la odhan jiray Macalin Cumar.
Markuu ahaa 12 jir, ayaa magaalada Hargeisa waxa soo galay ciidamadii SNM oo la dagaalamayay nidaamkii Siyaad Barre, taasi waxay ku qasabtay isaga iyo qoyskii ededii inay u qaxaan magaalada Bali-Gubadle oo ku taala xadka dalka Itoobiya oo xarun u ahayd Ciidamadii SNM. Waxyar ka dibna waxuu ku biiray qoyskiisii oo daganaa meel u dhaw magaalada Laanqayrta.
Markii dalka dib loogu soo noqday 1991 kii, Axmed waxuu ka shaqaysan jiray gurida dhuxusha oo magaalooyinka Hargeisa iyo Berbera loo iibgeeyo, isaga oo la socon jiray gaadhi weyn oo uu lahaa nin ay qaraabo yahiin oo la odhan jiray Faduul.
Intaa ka dib, Axmed waxuu baxsad ku soo galay magaalada Hargeisa, ka dib markii uu ka qayb galay koox ay isku qabiil yahiin dil ay ku toogteen rag ka soo jeeda deegaanka Yoocaale ee dalka Itoobiya ama Ogaadeen ahaa, markii muran ku dhex baray dhul daaqsimeed ay dhir ka rabeen inay ka gooyaan, Waxaanu mar labaad Hargeisa dib u bilaabay barashada quraanka, isaga oo galay madarasad la odhan jiray Madrastul Falaax, waxaana la tilmaamaa inay ahayd halkii ay ka bilaabmatay noloshiisa xag-jirnimada ahi, halkaas oo uu macalimiin u ahaayeen rag ka tirsanaa xarakadii dabarg’day ee la odhan Al-Itaxaad, waxii intaas ka danbeeyay sida la sheego Hanfade waxay kala go’een reerkoodii, oo waxu noqday qof ku suntan balwada iyo dagaal joogto ah oo isaga iyo dhalinyaro uu wataa weerar ku qaadin jireen da’ yarta xaafadaha kale, markii danbe waxuu bilaabay Axmed ama Hanfade inuu had iyo jeer ka sheekeyo jihaad lagu qaado haayadaha samafalka ee dalka ka hawlgala.
Sanadkii 2003 dii Axmed waxa la tilmaamaa inuu gacan ku lahaa fal afduub ah oo lagula kacay gaadhi ay lahayd haayada WFP oo ciidamada Bilayska Somaliland ay ku soo qabteen meel u dhaw magaalada Salaxley.
2004 tii waxa isku day dil ah oo fashilmay uu koox uu amrayay ku fuliyeen nin ay dhalashadiisu ahayd Swedish oo muslim ah isla markaana qabay gabadh Soomaaliyad ah oo daganaa xaafada Caalamadaha. Inkastoo Axmed-Hanfade uu lug ku lahaa falalkaas oo dhan hadana gacanta laguma dhigin iyada uu inta badan aanu ka qayb-qaadasho toos ah uga qayb-qaadan jirin falalkaas oo dhan, oo kaalinta uu ku lahaa ay ahayd kuwo xadidan, oo inta badan cida uu ka amar qaataa ay ahayd ninka La yidhaahdo Ibraahim-Afqaani oo haatan isna ka tirsan mujrimiinta Alshabaab, waxa xigay intaas hawlgalo kale oo lagu dilay gabadhii haysatay cisbitaalka TB da magaalada Boorama iyo dugsiga sare ee Sheekh.
Sanadkii 2005 tii markii la gaadhay doorashadii baarlamaanka Somaliland ayaa kooxo laga soo abaabulay maqaalada Muqdisho oo ay horkacayo ninka la odhan jiray Laba-Qumacle –oo ku dhintay magaalada muqdisho –Indhacadde iyo Jaamac-Kuutiye oo rabay inay falal qaraxyo ah ka fuliyaan magaalada Hargeisa ay soo galeen xaafada New-Hargeisa, taas oo ciidamada sirdoonka Somaliland ay ka warhayeen ilaa iyo markii la soo dirayay ka dibna gacanta lagu dhigay dhamaan xubnahii lugta ku lahaa. Waa markii Ibraahim-Afqaani la ogaaday balse uu faro-cididood ku baxsaday, qabashada kooxahaasi waxay keentay in la ogaado in Axmed-Hanfade ama hadaynu ugu yeedhno magaca dadka uu ku qaldo Abu Zubeyr uu yahay xubin firfircoon oo ku nool degmada Axmed-Dhagax ee magaalada Hargeisa. Waa markii uu cagaha wax ka dayay Axmed Cabdi Godane ee uu tagay magaalada Wajaale, halkaas oo dabadeed uu lacag isaga iyo 4 nin oo la socday ay ka dhaceen xafiiska cashuuraha barigga magaalada Wajaale. Axmed waxuu tagay magaalada Caraancarey ee dalka Itoobiya oo ku sugnaa mudo todobaadyo ah intii aanu tagin una talaabin dalka Somalia gaar ahaan maqaalada Muqdisho.
Waxii intaas ka danbeeyay waxuu ka mid noqday garabka hubaysan ee Maxaakimta, waxaanu taladda iyo hogaanka Al-Shayaadiin la wareegay ka dib markii la dilay Cayraw. Waxa la tilmaamaa inuu dhuumasho ku soo galay magaalada Hargeisa sanadkii 2006 dii, isagoo kaxeeyay koox dhalinyaro ahayd oo ka mid ahaa kuwii uu naxliga ka buuxin jiray intii uu halkaas joogay, waxaanay dhalinyartaas oo tiradoodu ahayd 12, waxay 7 ka mid ahi ku dhinteen dagaalkii lagu hoobtay ee Daynuunaay, halka intii kale ka soo goosatay iyagoo ku eedeeya inuu khiyaameeyay oo been u sheegay isla markaana ay isyeelan waayeen waxu u sheegay iyo xaqiiqada ay meesha ugu tageen.
Hadal iyo dhamaan horaa loo yidhi bahal ceedhin ma daayo nina caadadii ma baajo, Fili maayo in Axmed-Hanfade kolna joojin doono dhibaatada uu ku hayo umada soomaaliyeed, ilaa laga baal mariyo waxu geystay.
Hadaba waxa la yaab leh hadii dhiigya-cabkii qaatilka ahaa, tuugii hantida umada xalaalaystay, kii dhirta iyo dugaaguba ka nabad gali waayeen ee qaadicu-dariiqa ahaa uu sheegto inuu gudayo oo oogayo xadkii ilaahay ama qisaastii, isagoo waliba sii wada waxii uu caadaystay, Isagu ma macsuum danbi lahaynbaa??? Ma waxu u haystaa inaan taariikhdiisa la ogaan Karin oo dadka masaakiinta ah khiyaameeyo? Habar ayaa hore inankeedii ugu tidhi “hooyo ku qariyay oo ku qariyay ee labaatan gaadh” maanta Axmed-Hanfade inkastoo la qariyay oo la qariyay, isaga ayaa is sheegay markii intuu kuwii noolaa madhiyey dadkii dhintay xabaalaha ugu tagay.
Waxa la gudboon umada soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto in lala jihaado isaga iyo kuwa la midka ah ee deegaanadooda inta laga soo caydhiyay iyaga foolxumadooda kula soo dhex dhuuntay.

- Rightwing
- SomaliNet Super
- Posts: 9248
- Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
- Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
- Contact:
Re: Ahmed Godane !!!!!
Very interesting article, Show ninku wuxuu ahaan jiray DHUXULE 

- Voltage
- SomaliNet Super
- Posts: 29214
- Joined: Tue Oct 23, 2007 11:33 pm
- Location: Sheikh Voltage ibn Guleid-Shire al-Garbaharawi, Oil Baron
Re: Ahmed Godane !!!!!
Amirul Mu'minuun, Waaliga WIlayada Waqooyi Galbeed 

Re: Ahmed Godane !!!!!
Rightwing wrote:Very interesting article, Show ninku wuxuu ahaan jiray DHUXULE
ha ku qoslin ee ka cabso, Nin Faqash ahaan jire ayaa madaxweyne maanta ku aah.

- Rightwing
- SomaliNet Super
- Posts: 9248
- Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
- Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
- Contact:
Re: Ahmed Godane !!!!!
Voltage
Sxb, articleka ma wada akhriday? Ina godane wuxuu ahaa reer miyi kadibna dhuxule kadibna dayday,"Dad buu kusoo dilay kilidhka shanaad" ugu danbaytii arday malcaamad quraankii alitaxaad...halkaasna wuxuu ka bilaabay xagjirnimadiisa.
*************AMIIR DHUXULE

Executive
Nothing wrong for been Faqash
Sxb, articleka ma wada akhriday? Ina godane wuxuu ahaa reer miyi kadibna dhuxule kadibna dayday,"Dad buu kusoo dilay kilidhka shanaad" ugu danbaytii arday malcaamad quraankii alitaxaad...halkaasna wuxuu ka bilaabay xagjirnimadiisa.
*************AMIIR DHUXULE

Executive
Nothing wrong for been Faqash

- Voltage
- SomaliNet Super
- Posts: 29214
- Joined: Tue Oct 23, 2007 11:33 pm
- Location: Sheikh Voltage ibn Guleid-Shire al-Garbaharawi, Oil Baron
Re: Ahmed Godane !!!!!
What is dhuxule? Ma dhuxul ayuu ka beecmushtari jiray?
- abdikarim86
- SomaliNet Super
- Posts: 12077
- Joined: Sun Sep 14, 2008 7:21 am
- Location: Bristol
Re: Ahmed Godane !!!!!
after killing people he all of a sudden became religous

Re: Ahmed Godane !!!!!
Yo that article is full of shit, I just read it. 

- Rightwing
- SomaliNet Super
- Posts: 9248
- Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
- Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
- Contact:
Re: Ahmed Godane !!!!!
Voltage wrote:What is dhuxule? Ma dhuxul ayuu ka beecmushtari jiray?
Haa dhuxul ayuu ka soo guri jiray kilidhka 5. Ilaa maalintii danbe ay dhulkii dhuxusha isku qabsadeen beelo ogaadeena. Markii dad ku soo laayey ayuu Hargeisa oo quraanka bilaabay

- Voltage
- SomaliNet Super
- Posts: 29214
- Joined: Tue Oct 23, 2007 11:33 pm
- Location: Sheikh Voltage ibn Guleid-Shire al-Garbaharawi, Oil Baron
Re: Ahmed Godane !!!!!
Sxb hadaad ku caayaysid wuu shaqaysan jiray taas waan kasoo horjeeda. We are the only people oo are ignorant and illiterate enough inay ka faanaan productivity..maya kani waa kabo shaagle, maya waa tumaal, maya waa dhuxule, yacni kaan aan geelaha wasin ninba maaha.
As for waxa kale ee taariiqdiisu, the artilce is from waagacusub, waana iyo iyada iyo waxa war ka doonto
As for waxa kale ee taariiqdiisu, the artilce is from waagacusub, waana iyo iyada iyo waxa war ka doonto
- Rightwing
- SomaliNet Super
- Posts: 9248
- Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
- Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
- Contact:
Re: Ahmed Godane !!!!!
Voltage,
I understand your sadness, this dude is the new commander in chief Gedo and many Marehan enlcaves so you didn't like to heard his passt e.g ex robber and Dhuxule

- Ina Baxar
- SomaliNet Super
- Posts: 10796
- Joined: Mon Dec 13, 2004 12:54 pm
- Location: Arabsiyo, Somaliland
Re: Ahmed Godane !!!!!
Rightwing wrote:Voltage,
I understand your sadness, this dude is the new commander in chief Gedo and many Marehan enlcaves so you didn't like to heard his passt e.g ex robber and Dhuxule![]()

- Rightwing
- SomaliNet Super
- Posts: 9248
- Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
- Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
- Contact:
Re: Ahmed Godane !!!!!
Ina-Baxar
Axmed Cabdi Godane, oo yaraantiisii lagu naanaysi jiray Hanfade, waxuu ku dhashay miyiga magaalada Laanqeyrta ee dalka Itoobiya, waxa uu ka dhashay qoys xoolo-dhaqato ah oo ka soo jeeda Aadan-Waraabe oo ka tirsan qabiilka Arab oo ka mid ah Isaaq, waxu dhashay sida la aaminsayahay 2 sano ka hor intii aanay dhicin abaartii Daba-Dheer oo dalka ku habsatay sanadkii 1974 kii. Reer Cabdi-Godane markii xoolahu kaga dhamaadeen abaarta waxay u soo guureen magaalada Hargeisa gaar ahaan xaafada Siinaay.
Axmed oo ah guri-danbeyska ilma Cabdi Godane oo ka kooban 9 caruura(4 gabdhood iyo 5 wiil) waxa dhintay aabahii, ka dib waxa hooyadii dumaaley adeerkii Cismaan Godane, marka laga reebo isaga iyo laba wiil, waxay dib ugu noqdeen intii kale miyi, oo mar labaad xoolo-dhaqato ka noqdeen, Axmed waxa isaga iyo labada wiil ay la joogeen Edadood. Waxa uu malcaamada ka bilaabay xaafada Siinaay, malcaamadaa oo uu macalin ka ahaa sheekh la odhan jiray Macalin Cumar.
Markuu ahaa 12 jir, ayaa magaalada Hargeisa waxa soo galay ciidamadii SNM oo la dagaalamayay nidaamkii Siyaad Barre, taasi waxay ku qasabtay isaga iyo qoyskii ededii inay u qaxaan magaalada Bali-Gubadle oo ku taala xadka dalka Itoobiya oo xarun u ahayd Ciidamadii SNM. Waxyar ka dibna waxuu ku biiray qoyskiisii oo daganaa meel u dhaw magaalada Laanqayrta.
Markii dalka dib loogu soo noqday 1991 kii, Axmed waxuu ka shaqaysan jiray gurida dhuxusha oo magaalooyinka Hargeisa iyo Berbera loo iibgeeyo, isaga oo la socon jiray gaadhi weyn oo uu lahaa nin ay qaraabo yahiin oo la odhan jiray Faduul.
Intaa ka dib, Axmed waxuu baxsad ku soo galay magaalada Hargeisa, ka dib markii uu ka qayb galay koox ay isku qabiil yahiin dil ay ku toogteen rag ka soo jeeda deegaanka Yoocaale ee dalka Itoobiya ama Ogaadeen ahaa, markii muran ku dhex baray dhul daaqsimeed ay dhir ka rabeen inay ka gooyaan, Waxaanu mar labaad Hargeisa dib u bilaabay barashada quraanka, isaga oo galay madarasad la odhan jiray Madrastul Falaax, waxaana la tilmaamaa inay ahayd halkii ay ka bilaabmatay noloshiisa xag-jirnimada ahi, halkaas oo uu macalimiin u ahaayeen rag ka tirsanaa xarakadii dabarg’day ee la odhan Al-Itaxaad, waxii intaas ka danbeeyay sida la sheego Hanfade waxay kala go’een reerkoodii, oo waxu noqday qof ku suntan balwada iyo dagaal joogto ah oo isaga iyo dhalinyaro uu wataa weerar ku qaadin jireen da’ yarta xaafadaha kale, markii danbe waxuu bilaabay Axmed ama Hanfade inuu had iyo jeer ka sheekeyo jihaad lagu qaado haayadaha samafalka ee dalka ka hawlgala.
Sanadkii 2003 dii Axmed waxa la tilmaamaa inuu gacan ku lahaa fal afduub ah oo lagula kacay gaadhi ay lahayd haayada WFP oo ciidamada Bilayska Somaliland ay ku soo qabteen meel u dhaw magaalada Salaxley.
2004 tii waxa isku day dil ah oo fashilmay uu koox uu amrayay ku fuliyeen nin ay dhalashadiisu ahayd Swedish oo muslim ah isla markaana qabay gabadh Soomaaliyad ah oo daganaa xaafada Caalamadaha. Inkastoo Axmed-Hanfade uu lug ku lahaa falalkaas oo dhan hadana gacanta laguma dhigin iyada uu inta badan aanu ka qayb-qaadasho toos ah uga qayb-qaadan jirin falalkaas oo dhan, oo kaalinta uu ku lahaa ay ahayd kuwo xadidan, oo inta badan cida uu ka amar qaataa ay ahayd ninka La yidhaahdo Ibraahim-Afqaani oo haatan isna ka tirsan mujrimiinta Alshabaab, waxa xigay intaas hawlgalo kale oo lagu dilay gabadhii haysatay cisbitaalka TB da magaalada Boorama iyo dugsiga sare ee Sheekh.
Sanadkii 2005 in Axmed-Hanfade ama hadaynu ugu yeedhno magaca dadka uu ku qaldo Abu Zubeyr uu yahay xubin firfircoon oo ku nool degmada Axmed-Dhagax ee magaalada Hargeisa. Waa markii uu cagaha wax ka dayay Axmed Cabdi Godane ee uu tagay magaalada Wajaale, halkaas oo dabadeed uu lacag isaga iyo 4 nin oo la socday ay ka dhaceen xafiiska cashuuraha barigga magaalada Wajaale. Axmed waxuu tagay magaalada Caraancarey ee dalka Itoobiya oo ku sugnaa mudo todobaadyo ah intii aanu tagin una talaabin dalka Somalia gaar ahaan maqaalada Muqdisho.
Waxii intaas ka danbeeyay waxuu ka mid noqday garabka hubaysan ee Maxaakimta, waxaanu taladda iyo hogaanka Al-Shayaadiin la wareegay ka dib markii la dilay Cayraw. Waxa la tilmaamaa inuu dhuumasho ku soo galay magaalada Hargeisa sanadkii 2006 dii, isagoo kaxeeyay koox dhalinyaro ahayd oo ka mid ahaa kuwii uu naxliga ka buuxin jiray intii uu halkaas joogay, waxaanay dhalinyartaas oo tiradoodu ahayd 12, waxay 7 ka mid ahi ku dhinteen dagaalkii lagu hoobtay ee Daynuunaay, halka intii kale ka soo goosatay iyagoo ku eedeeya inuu khiyaameeyay oo been u sheegay isla markaana ay isyeelan waayeen waxu u sheegay iyo xaqiiqada ay meesha ugu tageen.
- Ina Baxar
- SomaliNet Super
- Posts: 10796
- Joined: Mon Dec 13, 2004 12:54 pm
- Location: Arabsiyo, Somaliland
Re: Ahmed Godane !!!!!
Rightwing , walle sharaf ma laha , aabaha dhuxulaha ka was , gaadhiga ina faduul buu saarna bay yidhahdeen , day-day foqaal day-day . kaasa gudhuuda u amiir al qudhun ah 

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 29 Replies
- 208 Views
-
Last post by Harti55
-
- 3 Replies
- 25 Views
-
Last post by Sugule_Navyman
-
- 7 Replies
- 997 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 51 Replies
- 6286 Views
-
Last post by Hawdian
-
- 1 Replies
- 713 Views
-
Last post by SomaliDefenceCouncil
-
- 10 Replies
- 1068 Views
-
Last post by Cirwaaq
-
- 24 Replies
- 2156 Views
-
Last post by Hyperactive
-
- 47 Replies
- 342 Views
-
Last post by udun
-
- 35 Replies
- 7678 Views
-
Last post by Mustafee101
-
- 52 Replies
- 5075 Views
-
Last post by ibrahimcw