Taliyihii Saldhiga Booliska Magaalada Beledweyn Shiikh Ibraahim Yusuf maxamuud iyo Taliyihii Nabadsugida Beledweyn ayaa habeenkii xalay u galay Kooxda ka soo horjeeda Dawladda ee Xisbul Islaam kuwaas oo ku sugan dhanka Galbeed ee magaalada Beledweyn, Taliyaasha ayaa waxaa la socdey koox ka tirsan ciidanka Maxkamadaha ee maamulka Saldhiga Booliska Beledweyn.
Shiikh Ibraahim Yusuf ayaa mar uu la hadlaayey saxaafadda sheegay in sababta uu uga baxay Maxkmadaha taageersan Dawladda ay tahay in ciidamo Itoobiyaan ah ay ku sugan yihiin Gobolka, taasna aysan ahayn mid ay qaadan karaan, waxaan jihaadka u galney in aan dalka ka xoreyno Itoobiyaanka ee maaha in aan dib ugu soo celino ayuu yiri haddana waxaan bilaabayaa in aan la dagaalamo dalkana ka saaro.
Is casilaada iyo Goosashada Taliyaasha la bahoobey Dawladda Soomaaliya ayaa imaanaysa xili maalintii shalay uu is casiley Gudoomiyihii Maxkamadda Rafcaanka ee Hiiraan Shiikh Maxamed Warsame, waxaana uu ku macneeyay is casilaadiisa xaaladda uu dalku maraayo oo ah mid aad u xun oo aanu sii wadan karin shaqadiisa.
Magaalada Beledweyn ayaa waxaa kuwada sugan Ciidamo maxkamadaha Islaamiga ah ee taageersan dawladda Soomaaliya, iyo ururka Xisbul Islaam ee uu hogaamiyo Shiikh Xassan Daahir Aways.
Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay 18.06.2009 ayaa lagu diley dad gaaraya 70 qof kuwaas oo ay ku jireen wasiiro denjirayaal iyo saraakiisha ciidamada Dawladda iyo Maxaakiimta iyo Nabadoono, qaraxaas waxaa sheegtay ururka Al-shabaab.
http://horseedmedia.net/portal/somali/25116/