
Hargeysa(HWN):-Taageerayaasha Xisbiga Mucaaridka Ah ee KULMIYE ayaa maanta loo diiday inay galaan Gudaha Madaarka Caasimada Somaliland ee Hargeysa,si ay u soo dhaweeyaan Guddoomiyaha Xisbiga Xisbigaasi Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo] oo ka soo laabtay Socdaal uu ku maqnaa dalalka Ingiriiska, Sweden Iyo Norway, kaas oo qaatay muddo laba bilood ah.


Talaabadan ay Xukuummada Madaxweyne Rayaale ugu diiday inay taageerayaasha Xisbiga KULMIYE galaan gudaha Madaarka, ayaa la garanayn waxa wakhtigan keenay. U jeedada laga leeyahayba.
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo] ayaa si kulul u canbaareeyey talaabadaas taageerayaashisa loogu diiday inay galaan Gudaha Madaarka Hargeysa, waxaanu yidhi “Arrintaas aad iyo aad baan uga xumahay, markaan isa soo taagay baa lay sheegay in taageerayaashii badnaa iyo shacbigii aan arkayay in laga joojiyay in loo ogolaado inay gudaha nagaga horyimaadaan, taasi xaq maaha waa gardarro aad iyo aad umutaxan, waa mid muujinaysa dareenka ay dawladu qabto iyo waxa ay doonayso inay ka muujiso, waa arrimihii laga hadlayay.”


Uma muuqata dawlada inaan maanta ahay musharax u taagan Madaxweyne oo aan leeyahay oo aan leeyahay sharciyada iyo distoorka uu leeyahay qof madaxweyne u sharaxan. Xaq baan u leeyahay in taageerayaashayda iyo masuuliyiinta xisbiga inta Ina Rayaale ka horimanaysaa inay halkaas igaga hortimaado, sida isaga oo loogu ogolaaday in laygu ogolaado ayaan xaq u leeyahay aad iyo aad baan u dhaleecaynaynaa, waanuna ka xunahay, waanuna ka hadli doonaa arrintaas.waxay tusaale u tahay waxyaalaha mar walba arkayo ee laga qaylinayo ee aanay dawladaasi marnaba daacada ka noqonayn inay doorasho loo siman yahay oo cadaalad ah, shaki wayn bay ka bixinaysaa in aanay musharaxiintu u sinaan Karin Hay’adaha qaranka ee ay ahayd inay u sinaadaan, arrintaas meel wayn baanu iska taagaynaa, dacwad adagna waanu ka galaynaa.”


Af-hayeenka Xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed, oo isna ka hadlayey Sida uu u rako diidmada loo diiday inay taageerayaashu gudaha Madaarka ku soo dhaweeyaan Guddoomiyaha Xisbigooda, ayaa waxa uu yidhi,“Sababta naloogu diiday madaarka waa la garanayaa,Xisbiga KULMIYE wuxuu saaxiibadayadan xukuumada uu ula macaamilaa dad qarankan madax ka ah, waanu ognahay inay dhaqan nabad suguddeed ay leeyihiin oo waxaanu is lahayn malaa wax baa u kordhay mudadii badnayd ee ay meesha joogeen.”
Maxamed Kaahin waxa uu ku eedeeyey Dawlada Madaxweyne Rayaale inay masuul ka tahay sababta loogu diiday inay galaan madaarka Hargeysa, waxaanu yidhi Arrinkan maanta halkan ka jira ee naloogu diiday madaarku waa arrin ay siyaasada dawladu masuul ka tahay Madaxweynaha, Wasiirka Duulista Hawada iy Taliyaha Ciidanka Booliska.”