Source:http://allidamaale.com/jun/Dhameystirkawaxbarasho.htmArbaco 01 Jul 2009
Kulan Looga Hadlayo Dhamaystirka Heerka Waxbarasho ee Jaamacadaha Puntland oo Maanta Lagu Qabtay Magaalada Goteborg
Goteborg-(Allidamaale):-Waxaa Magaalada Goteborg lagu qabtay kulan balaaran oo looga hadlayey dhismaha iyo kor u qaadista heerka wax-barasho ee Jaamacadaha Puntland, kulankan oo ay kasoo qayb galeen aqoonyahano ka socday Puntland, ayaa waxaa ay kulamo la qaateen qaar ka tirsan mas,uuliyiinta Jaamacadaha Dalka Sweden.
Waftigan aqoonyahanada Puntland oo uu horkacayeen Pr, Max'ed Jaamac Salaad iyo Pr, Cumar Xaji Xuseen "Kowtame" ayaa waxaa booqashooyin hawleed ku kal bixinayaan wadamada Qaarada Yurub, waxaana waftigan oo ka kala yimid Somaliya, Waqooyiga America, iyo Yurub, ay ujeedadoodu tahay sidii loo horu marin lahaa nidaamka wax-barasho ee heer jaamacdeed loona dhamaystiri lahaa mashaariicda wali qabyada ka ah Jaamacadaha Puntland.
Ugu horayn waxaa halkaasi hadlo soo dhoweyn iyo warbixin kasoo jeediyey Pr, Gesa Nagy oo ah madax Interkulturellt Resurs Centrum, waxaana Pr, Nagy uu soo dhoweeyey imaanshiyahay waftigan, sidoo kalana waxaa uu sheegay inay dhinacooda diyaar u yihiin sidii loo horumarin lahaa mashaariicda wax-barasho ee Puntland.
Kulankan ayaa waxaa warbixino uu uga hadlayey hawlaha ay doonayaan in laqabto kasoo jeediyey Pr, Max'd Jaamac Salaad. oo ah madaxa waftiga aqoonyaana Puntland uga qayb galay Kulankan, waxaana Pr, max'ed Jaamac uu si hufan uga hadlay heerka waxbarasho ee Jamacadaha Puntland iyo qaabka uga haboon ee ay u doonayaan in looga caawiyo dhismaha iyo waliba qalabaynta Jaamacadaahaasi, oo ah sida uu "Prof-Ku" sheegay ah lafshabarta sare u qaadida aqoonyahanka Soomaaliyeed.
Waxaa kaloo hakaasi asaguna ka hadlay Pr, Cumar xaaji Xuseen "kawtame" oo asagu kamid ah aqoonyahanada Puntland ee waqooyiga America, waxaana Pr, "kowtame" waxaa uu si aad ah ugu Nuux-nuuxsaday baahida maanta loo qabo manhaj wax-barasho oo tayeysan, islamarkaasna loo heli lahaa xiriir ay wada yeeshaan Jaamacada Puntland iyo kuwa Caalamku.
Waxaana dhamaan kulankan oo ahaa mid loogu gogol xaarayey dar-dar gelinta sidii loo horumarin ahaa hawlaha wax-barashada Jaamacadaha Puntland, ayna ardayda wax kabarataa ay fursad buuxda u heli lahaayeen ayaa gaba-gabadii kulanka aqoonyahanada iskaashiga Jaamacadaha Puntland, iyo Sweden ayey si buuxda isugu afgarteen dhamaan waxyaabihii ay kawada hadleen.
Ka qayb galayaasha kulanka:
Pr:max'ed Jaamac Salaad
Pr:Cumar Xaji Xuseen "kowtame"
Inj:Mursal Axmed
Inj:Omar Ali "Sabtiye"
Aqoonyahan: C/casiis "Geeraare"
Aqoonyahan:Max'ed Cumar "Xoosh"
Aqoonyahan:Abshir Max'ed "dari"
Aqoonyahan: C/risaaq Aden Mohamed.
C/casiis "sanku-bayo"
Allidamaale.com
Your Reliable Sources
Pretty much puntland professors have met with swedish professor to complete puntland state university and swedish university relationship, to help build 1st world standard to puntland state university curriculum and help develop the university further to international standards.
Not bad idea to build ties with other higher learning institutes in foreign world, because puntlanders will have first class education system in university and also is good for exposure to lift puntland state university reputation in africa.
