Qurbo Jooga Degmada Sallaxley oo Qalab Caafimaad ugu Deeqday MCH-ka Degmada Sallaxley. Daawo Sawirad
Hargeysa/Sallaxleynews-Xubno kamida Qurba-jooga Somaliland ee ku dhaqan wadanka dibadiisa ayaa qalab caafimaad ugu deeqay Xarunta Caafimaadka (MCH) ee Degmada Sallaxley.
Md. Cabdikariim Axmed Mooge: Xubin ka Mida Ururka samo falka ee Gaaroodi
Qalabkan Caafimaad oo isugu jira Dawooyin iyo Waxyaabo kale ayaa Marwo Safiya Yuusuf Daa’uud oo ka mida Qurba jooga Degmadda Sallaxley oo Deeqdan Caafimaad ku wareejisay Gudoomiyaha Degmadda Sallaxley sheegtay inay ugu talo galeen in wax lagaga qabto Baahiyaha Caafimaad ee Degmadaasi.
Gudoomiyaha Degmadda Sallaxley Md. Cabdirashiid Macalin Muuse oo Munaasibadii Gudoonsiinta Deeqdaasi ka hadlay ayaa uga Mahad Celiyay Muwaadinadan Marwo Safiya Qalabkan ay soo gaadhsiisay si wax loogu qabto guud ahaan bulshada ku dhaqan Degmada Sallaxley, Waxaana uu tilmaamay in ay baahi weyn u qabeen Dawooyinkan gaar ahaan Dhalinyarada ku jira Dugsiyada Degmada iyo kuwa Boodhinka ah.
Gudoomiyaha Sallaxley Md. Cabdirashiid Macalin Muuse
Gudoomiyaha Degmada Sallaxley waxa uu Tibaaxay in Tallaabada ay Marwo Safiya Yuusuf Daa’uud Qaaday ay tahay mid ku dayasho mudan isla markaana ay Qurba jooga kale looga baahan yahay inay doorkooda ka qaataan wax tarka bulshada Jilicda san.
Sidoo kale Md. Cabdirashiid Macalin Muuse waxa uu u Mahad naqay Hay’addo kale oo Samo Fal oo dhinaca Raashinka ka taakuleeya Degmada. Waxaanu ku dheeraaday Dadka iyo duunyadda ku dhaqan Degmadda Sallaxley oo ay wakhtigan soo food saartay Xaalad Abaareed oo Ba’ani .
muwaadinada Qalabka Caafimaad ugu Deeqday MCH-ka sallaxley Marwo Safiya Yuusuf Daauud
Xubno kamida Ururka Samo Falka ee Gaaroodi oo iyaguna hore tallaabooyinkan oo kale ugu adeegay Degmadda Sallaxley oo halkaasi ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyay Sida loogu baahan yahay in Dadka iyo duunyadda Jicilsan ee ku dhaqan Somaliland Gaar ahaan Sallaxley ay u baahan yihiin in taakulayn iyo caawimoyin dhinacyo kala duwan ah loo sameeyo iyagoo Ganacsatada dalka iyo Xukuumaddana ugu baaqay inay xog ogaal u ahaadaan baahiyahooda.
Md. Cabdikariim Axmed Mooge Liibaan oo kamida Xubnaha Ururka Gaaroodi oo masuuliyiintii Halkaasi ka hadashay kamid ahaa ayaa sharaxaad ka bixiyay waxqabadka ururka Gaaroodi iyo Maraaxilkii kala duwanaa ee uu soo maray kuwaasi oo uu sheegay in ujeedada ugu weyn ee loo aasaasay ay ahayd markii la arkay baahiyaha kala duwan ee Degmadda oo hooseeya si taasi wax looga qabtana ay lagama maarmaan noqotay in la isu yimaado oo la sameeyo barnaamijyo lagu horumarinayo bulshada ku dhaqan degmadaasi sida Caafimaadka iyo waxbarashada. Gebogabadiina waxa uu u mahad naqay Gabadha Muwaadinada ah ee Deeqda Caafimaad soo gaadhsiisay Degmada Sallaxley.
Sallaxleynews Desk
Hargeysa Somaliland
Editor@sallaxleynews.comThis e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it
la soco Daawashada Video-ga Deeqdan laga duubay
http://sallaxleynews.com/index.php?opti ... 9&Itemid=1
Qurbo Jooga Degmada Sallaxley oo Qalab Caafimaad ugu Deeqday
Moderator: Moderators
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 9 Replies
- 841 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 2 Replies
- 314 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 1 Replies
- 380 Views
-
Last post by Dhaga Bacayl
-
- 0 Replies
- 297 Views
-
Last post by Adan_1
-
- 2 Replies
- 531 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 6 Replies
- 885 Views
-
Last post by Thuganomics
-
- 0 Replies
- 342 Views
-
Last post by sheekh-Farax-zero
-
- 2 Replies
- 9255 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 624 Views
-
Last post by Daanyeer
-
- 8 Replies
- 635 Views
-
Last post by xiimaaya