Source:http://www.allpuntland.com/article/anmv ... a=5539&z=2
Garoowe: Maamulka Puntland oo masaafuriyay Labo Wariye oo si sharci daro ah ku soo galay dalka
4. July 2009
Garoowe(AllPuntland)- Maamulka Goboleedka Puntland ayaa dalka ka masaafururiyay laba wariye oo u dhashay dalka Faransiiska kuwaasoo u shaqeeya TV laga leeyahay dalkaasi, kadib markii laga qabtay Wariyeyaashaasi caasimada Puntland ee Garoowe xili ay saarnaayeen gaari yar oo dhinaca Hargeysa ka yimid.
Wariyeyaashan ayaa lagu eedeeyay in aysan wadan ama amar ruqsad u heysan in ay dalka soo galaan sida uu Warbaahinta u sheegay Cabdisalaan Xasan Ducaale oo ah Agaasimaha Batroolka Madaxtooyada Puntland oo sheegay in markii danbe xiriir la soo sameeyay Safiirka Dowladda Faranca u fadhiya Kenya isla markaana isku afgartay in Wariyeyaashaan loo tarxiilo wadanka Jabuuti.
Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Muuse Axmed Saalax ayaa isna sheegay in wariyeyaashan ay ku socdeen dhinaca xeebta degmada Eyl oo ay doonayeen in ay filimaan ka soo qaataan, inkastoo uu xusay in Booliska ay weydiiyeen warqada ogolaanshaha soo gelitaanka Puntland iyo cida amaankooda damaanad qaadeysa, sidaasi darteedna ay u qabteen.
Maamulka Puntland ayaa mudooyinkii danbe waday howlo la xariira wax ka qabashada amaanka ajaaniibta soo galeysa Puntland, iyadoo aan la ogoleyn in dalka iska soo galaan cid aan warqad ruqso ah ka wadan Maamulka Puntland gaar ahaan Wasaaradda Amniga.
Summary: Puntland Authorities have arrested two french reporters that were travelling from Hargeysa and entered puntland in order to do film on the town of eyl. The Local Authorities arressted them due to not having visa entering Puntland. The Puntland Authorities contacted the French Embassy in Nairobi regarding their nationals who are inprisoned in Puntland and the French Authorities asked if they can deport the illegals to djbouti. The Puntland Authorities accepted that resolution and have deported the illegal refugees to djibouti.
Excellent for Puntland administration lock up anyone who enters Puntland without visa approval, we must send a message to the international community that Puntland is sovereign state within federal somalia and u can not just enter the region illegally. Anyways excellent job puntland authorities and keep up the security crack-down which has been going on for quite a while this year since president farole was elected.


