Sarkaal sare oo ka mid ahaa howlwadeenada Cusbitaal Madiina ee Magaalada Muqdisho oo Maanta ku geeriyoodey gudaha Cusbitaalkaasi.
Posted: 7/5/2009 9:56:00 PM
Shabelle: MUQDISHO
Cali Max’ed Xuseen (Cali Cadde)oo ka mid ahaa howlwadeenada Cusbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ku geeriyooday Maanta Gudaha Cisbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.
Geerida Cali Cadde ayaa ka dambaysay kadib markii la sheegay in Xanuun uu uga soo boday dhinaca Wadnaha waxaana daqiiqado kadib markii saalada loola caray uu halkaasi ku geeriyooday.
Dhimashada Alle ha u naxariistee Cali Cadde ayaa Idaacada Shabelle waxaa u sheegay Agaasime ku xigeenka Cusbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho Daahir Max’ed Max’uud Daahir Dheere,waxaana uu sheegay in marxumka maydkiisu uu Yaalo Gudaha Cisbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.
Cali Cadde Waxaa uu si weyn uga soo qeyb qaatay dadaaladii lagu baxnaaniyay dadka ku waxyeelooba dagaalada aan joosiga laheyn ee ka socda Magaalada Muqdisho ee la geyn jiray Cusbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.
Waxaa uu ahaa nin si weyn wararka ku saabsan Dhaawacyada la geeyo Cusbitaalkaasi ugu Xaqiijin jiray Bahda Warbaahinta,waxaana Geeridiisu ay naxdin ku beertay dad fara badan oo Muuqaal ahaan iyo Waxtar ahaamba u garanayay.
Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya
Ali White did good job
