Page 1 of 1

Marxuum Cali Cadde Passes away INA LILLAHI

Posted: Sun Jul 05, 2009 10:38 am
by AhlulbaytSoldier



Sarkaal sare oo ka mid ahaa howlwadeenada Cusbitaal Madiina ee Magaalada Muqdisho oo Maanta ku geeriyoodey gudaha Cusbitaalkaasi.
Posted: 7/5/2009 9:56:00 PM
Shabelle: MUQDISHO
Cali Max’ed Xuseen (Cali Cadde)oo ka mid ahaa howlwadeenada Cusbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ku geeriyooday Maanta Gudaha Cisbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.



Geerida Cali Cadde ayaa ka dambaysay kadib markii la sheegay in Xanuun uu uga soo boday dhinaca Wadnaha waxaana daqiiqado kadib markii saalada loola caray uu halkaasi ku geeriyooday.



Dhimashada Alle ha u naxariistee Cali Cadde ayaa Idaacada Shabelle waxaa u sheegay Agaasime ku xigeenka Cusbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho Daahir Max’ed Max’uud Daahir Dheere,waxaana uu sheegay in marxumka maydkiisu uu Yaalo Gudaha Cisbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.



Cali Cadde Waxaa uu si weyn uga soo qeyb qaatay dadaaladii lagu baxnaaniyay dadka ku waxyeelooba dagaalada aan joosiga laheyn ee ka socda Magaalada Muqdisho ee la geyn jiray Cusbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.



Waxaa uu ahaa nin si weyn wararka ku saabsan Dhaawacyada la geeyo Cusbitaalkaasi ugu Xaqiijin jiray Bahda Warbaahinta,waxaana Geeridiisu ay naxdin ku beertay dad fara badan oo Muuqaal ahaan iyo Waxtar ahaamba u garanayay.



Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya

Ali White did good job :up:

Re: Marxuum Cali Cadde Passes away INA LILLAHI

Posted: Sun Jul 05, 2009 10:40 am
by COSTA
Let him rott in hell

Re: Marxuum Cali Cadde Passes away INA LILLAHI

Posted: Sun Jul 05, 2009 10:42 am
by AhlulbaytSoldier
admins delete the post of apostate costa :down:

Re: Marxuum Cali Cadde Passes away INA LILLAHI

Posted: Sun Jul 05, 2009 10:42 am
by Rightwing
Allah ha u naxariisto. ninkaasi 24/7 wuxuu ku jiray qaliin iyo dawayn aan kala go'lahayn. Waxaa laga yaabaa in culayskii dhaawaca iyo dhimashadii faraha badan ee cusbatalka la keeni jiray maalin walba sabab u yihiin dhimashadiisa. Faataxada ha loo amro AAMIIN.

Re: Marxuum Cali Cadde Passes away INA LILLAHI

Posted: Sun Jul 05, 2009 10:45 am
by Goljano Lion
Rightwing wrote:Allah ha u naxariisto. ninkaasi 24/7 wuxuu ku jiray qaliin iyo dawayn aan kala go'lahayn. Waxaa laga yaabaa in culayskii dhaawaca iyo dhimashadii faraha badan ee cusbatalka la keeni jiray maalin walba sabab u yihiin dhimashadiisa. Faataxada ha loo amro AAMIIN.
who was he?

Re: Marxuum Cali Cadde Passes away INA LILLAHI

Posted: Sun Jul 05, 2009 10:48 am
by Rightwing
Goljano Lion wrote:
Rightwing wrote:Allah ha u naxariisto. ninkaasi 24/7 wuxuu ku jiray qaliin iyo dawayn aan kala go'lahayn. Waxaa laga yaabaa in culayskii dhaawaca iyo dhimashadii faraha badan ee cusbatalka la keeni jiray maalin walba sabab u yihiin dhimashadiisa. Faataxada ha loo amro AAMIIN.
who was he?


Cali Cade Cusbitaal Madiina ayuu maalinkasta dhaawaca la keeno dawayn jiray. Hawl adag ayuu hayey allah ha u naxariistee.

Re: Marxuum Cali Cadde Passes away INA LILLAHI

Posted: Sun Jul 05, 2009 10:49 am
by Goljano Lion
Rightwing wrote:
Goljano Lion wrote:
Rightwing wrote:Allah ha u naxariisto. ninkaasi 24/7 wuxuu ku jiray qaliin iyo dawayn aan kala go'lahayn. Waxaa laga yaabaa in culayskii dhaawaca iyo dhimashadii faraha badan ee cusbatalka la keeni jiray maalin walba sabab u yihiin dhimashadiisa. Faataxada ha loo amro AAMIIN.
who was he?


Cali Cade Cusbitaal Madiina ayuu maalinkasta dhaawaca la keeno dawayn jiray. Hawl adag ayuu hayey allah ha u naxariistee.

did Al-kalaabta kill him AUN?

Re: Marxuum Cali Cadde Passes away INA LILLAHI

Posted: Sun Jul 05, 2009 10:52 am
by Rightwing
Heart attack probably killed Dr. Cali

Re: Marxuum Cali Cadde Passes away INA LILLAHI

Posted: Sun Jul 05, 2009 6:06 pm
by Somaliman50
Allaha unnaxariisto. Qofkii kaalmeeya shaqsiga dhibaateysan, isagu Ilaahay baa u gargaaraya aakhiraha.

Re: Marxuum Cali Cadde Passes away INA LILLAHI

Posted: Sun Jul 05, 2009 6:08 pm
by abdikarim86
aun ...and somebody please ban costa