Ahlu Sade Wal Jama takes over Galkayo
Posted: Sun Jul 05, 2009 11:44 am
Maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca oo sheegay in ay la wareegeen Maamulkii Koofurta Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.
Shabelle: GAALKACYO
Maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa sheegay in ay la wareegeen Maamulkii Koofurta Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.
Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegay in ay la wareegeen Maamulkii ka ariminayay koofurta Magaalada Gaalkacyo ee Galmudug kaasoo dhawaan loo magacaabay madaxweyne Cusub kadib markii madaxweynihii hore uu xilka ka tagay.
Sheekh Axmed Sheekh Yuusuf (Ilka Dahab) oo ah Masuul ka tirsan Culumaa’udiinka Ahlu Sunna ee koofurta Magaalada Gaalkacyo ayaa saakay waxaa uu warbaahinta u sheegay isagoo ku sugan Magaalada Gaalkacyo in ay kala wareegeen magaalada Gaalkacyo Koofurteeda Maamulkii ka ariminayay Galmudug haatan wixii ka dambeeyana ay ku shaqeynayaan Amarka culumada Ahlu Sunna Waljamaca.
Waxaa uu intaasi ku daray in culumaa’udiinka deegaanada haatan ay ka arimiyaan ay guud ahaan doonayaan in ay ku dhaqaan Sunadda Rashuulka NNKH,waxaana uu xusay in arintaani ay timid kadib markii maamulkii hore iyo kii dhawaan la magacabay uu dhex maray is qab qabsi Xoogan oo dhanka Maamulka ah taasoo sababtay in aaqirkii ay culumadu la wareegeen maamulkaasi.
Waa markii ugu horaysay oo si buuxda ay u shaaciyaan maamulka Ahlu Sunna ee gobolka Galgaduud in ay si buuxda uga arimiyaan Koofurta Magaalada Gaalkacyo ee Baratamaha dalka Soomaaliya.