Mayor Of Bosasso Meets Foreign Minister Of Sweden And SIDA

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Osman-NZ
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 606
Joined: Thu Jul 02, 2009 8:50 pm

Mayor Of Bosasso Meets Foreign Minister Of Sweden And SIDA

Post by Osman-NZ »

Image

Horseed Media
Bosaso, Puntland

Duqa Magaalada Bosaaso Md.Cabdirisaaq Xareed oo kamid ah wafdi ka socda Dowlad Gobaleedka Puntland oo hada ku sugan dalka Sweden.

Cabdirisaaq Xareed ayaa sheegay in hada kahor uu xiriir dheer dhexmaray dalka Sweden iyo Puntland, hadana ay u joogaan sidii loo sii xoojin lahaa xiriirkaasi.

Wafdiga ka socda Puntland ee hada ku sugan Sweden ayaa ka kooban sadex xubnood oo uu ku jiro Duqa magaalada Bosaaso, Wasiir kuxigeenka arrimaha guddaha iyo Dowladaha hoose Cali Yusuf Cal xoosh iyo Kuxigeenka madaxa Jaamacada Bariga Afrika ee Bosaaso Prof.Cabqudlqaadir Siciid Shiino.

Duqa Magaalada Bosaso oo wareysi siiyey Horseed Media ayaa sheegay in hawlaha uu asagu u joogo Sweden ay xiriir la leeyihiin sidii magaalada Boosaaso loola mataaneyn lahaa magaalooyin kamid ah dalka Sweden.

Mudane Cabdirisaaq Xareed ayaa sheegay in la mataaneeyey magaalada Bosaaso iyo magaalo la yiraaho Örebro oo ku taal Galbeedka magaalada Caasimada ah ee Stockholm.

Wuxuu sidoo kale Duqa Bosaaso sheegay in la mataaneyeey Jaamacahada Boosaso ee Bariga Afrika iyo Jaamacada magaalada Örebro ee Sweden in la mataaneeyey, arrimahaasina lagu guuleystay.

Duqa magaalada Bosaaso ayaa sidoo kale sheegay inay la kulmeen Wasaarada Arrimaha Dibada ee Sweden iyo hay’adaha mucaawinada ee fadhigoodu yahay dalka Sweden.

duqa bosasoCabdirisaaq Xareed ayaa sheegay in sidoo kale la kulmeen Jaaliyadda Puntland iyo Soomaalida ku sugan dalkaasi Sweden.

Duqa magaalada Bosaaso ayaa sheegay in Jaaliyadda Soomaaliyeed oo ay la kulmeen ay kala hadleen sidii ay dalka ugu soo noqon lahaayeen oo ay u maalgashan lahaayeen.

Duqa magaalada Bosaaso ayaa beeniyey warar lagu faafiyey magaalada Bosaaso oo uu sheegay inay been abuur yihiin oo lagu sheegay inaysan dib dalka ugu soo noqon doonin.

Duqa Bosaso ayaa sheegay in casumaada rasmiga ah loo fidiyey asaga oo ay u fidiyeen maamulka Dowladaha hoose ee magaalada Örebro isla markaana ay la xisaabtami doonaan cidii ka faafisay wararka beenta ah ee dadka Bosaso isla dhexmarayaan.

Duqa Bosaso ayaa sheegay in hay’adaha ay wada hadleen ka dhaadhiciyeen xaalada Puntland gaar ahaan magaalada Bosaaso, asagoo sheegay in dadka ajaanibta ah uun maqlaan dhibaatooyinka ka dhaca dalka Soomaaliya, oo aysan la socon horumarka ay qeybaha kale ee dalka gaareen.

Cabdirisaaq Xareed ayaa sheegay maaha waxa ay u tageen Sweden inay mucaawino kaliya weydiistaan, balse ahmiyada koowaad ay tahay sidii ay u muujin lahaayeen horumarka gobalka uu gaaray.

Duqa magaalada Bosaso ayaa ku talaabsadey tan iyo markii xilka loo doortay horumar la taaban karo, bilicda magaalada ayuu wax weyn ka qabtey, sidoo kale jídad waaweyn oo horey u xirmay ayuu baneeyay, waxaana lagu tilmaamaa muddadii uu xilka hayey waqtigii ugu wanaagsanaa ee soo mara magaalada Bosaso.

Horseed Media
Source:http://horseedmedia.net/portal/somali/25265/

You can read about the other puntland delegation in sweden overe here. There is pics of it also...http://horseedmedia.net/portal/somali/25205/


Bosasso mayor has arrived in sweden and is apart of puntland state government delegation in Sweden. Abdi-Razak Xareed has said Puntland State and Sweden have had ties before and he is here now to streghten those ties further.

The mayor is apart of an extended delagation that consist of deputy minister of domestic affairs of puntland state Ali Yusuf Hosh and vice-president of east african university of Bossasso Abdul Qaddir Said Shino.

The Mayor gave an interview to horseed media stating that he was in sweden to make Bossaso a twin city of a city that is apart of sweden. He wants to make orebro and bosasso sister cities.

The mayor of Bossaso met with Foreign Minister of sweden and also SIDA (State Donor And Development Organization) that is based in sweden regarding visiting puntland. There is also developments of creating a law school in east african university.

Anyways i can't translate it all but that is the summary of it all. But the ppl who are saying Bosasso is dangerous in sweden are trying to give puntland a bad image, and also are trying to keep it from progressing. Wallahi sad ppl bey wada yihin ka waran. But Puntland will progress and develop whether you like it or not.

Bossaso mayor has invited sida to come and see the excellent work that is occuring there rather then just the bad news which gets displayed. Another great visit by bosasso mayor and all the puntland delegation working hard behind the scenes to get puntland advancing forward. :clap:
User avatar
gemini07
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7100
Joined: Fri Jan 18, 2008 9:44 am
Location: president of amiir faroole's fan club

Re: Mayor Of Bosasso Meets Foreign Minister Of Sweden And SIDA

Post by gemini07 »

:som: GUUL
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”