Construction of Emir Nuur High School in Garbahareey.
Posted: Mon Jul 06, 2009 5:46 pm
Dugsiga Sare ee Amiir-nuur oo dhismihiisa dhawaan la dhagax digay degmada G/haarey ee xarunta G/Gedo
Jul 06,2009
byG/Haarey-Gedo-News
Xilli bishii aynu soo dhaafnay ey arday ku dhow 200 oo arday ay u fariisteen Imtixaankii fasalka 8aad ayaa waxaa haatan la bilaabay dhismaha dugsi Sare oo laga bilaabay magaalada G/haarey. Dugsigani Sare ee Amiir-nuur oo horey ogu jirey dhismayaal kira ah ayaa haatan wuxuu dhismihiisa ka soconayaa gudaha degmada G/haarey.
Dugsigani Amiie-nuur ayaa waxaa dhismihiisa haatan iska kaashaday Ururka SEDO iyo Hay’ada NCA, sida uu noo xaqiijiyay Wali Maxamuud Cigaal oo ah wakiilka Ururka SEDO ufadhiyo degmada G/haarey, waxaana lagu qiyaasay qarashaka haatan ku baxayo dhismahani dugsiga Sare $71’500 Dollar (todobaata iyo kow kun iyo shanboqol oo Doolarka Mareykanka ah) lacagtani ayaa 61.5% waxaa bixinayo Ururka SEDO, Xafiiskeeda Norway iyo kan G/haarey, halka 38.5% ay bixnayso Hay’ada NCA. Waxayna sidoo kale dugsiga Sare u balanqaaday Hayadda NCA in ay ka garab istaagi doonto Qalabka Sheybaarka iyo Mushaarka macalimiinta in ay ka kaabayso.
Dugsigani Sare ee Amiir-nuur ayaa markii igu horeysay laga furey bilowgii 2008-dii ayaa ardayda waxkabarato waxay haatan ku guda jiro sanad dugsiyeedkiisii labaad, iyada oo Manhajka lagu dhaga uu yahay Manhajka Dalka Kenya ee aynu daraska nahay. Iyada oo uu haatan dalka Soomaalya ku jiro ku dhawaad 20-sano oo Dowlad la’aan ah ayaa hadana waxa dhanka kale garab socdo diiri galinta kaabayaasha Waxbarasha, inkastoo dhinaca kale ay weli dagaalo ay Dadbadani ku dhinteen uu ka soconayo meelo badan oo ka mid ah Dalka Somaliya.
Wali Sheikh Cabdi
Gedo ews Network
G/haarey Gedo Somalia