Wasiir Indha cadde oo Amiirka Xarakatul Alshabaab ku tilmaamay shaqsi fulay ah oo derbiyada gadaashooda cajalado ka soo duuba dharka dumarkana xidha.
(06-07-2009)Wasiiru dowlaha gaashaandhiga Dowladda soomaaliya Shiikh Yuusuf Maxamed siyaad Indha cadde oo shir jaraa'id deg deg ah u qabtay warbaahinta kadib fariin maqal aheyd ee uu soo diray Amii Xarakatu Al-Shabab ayaa waxaa uu fariintiisa ka bixiyey jawaad kulul,waxaana uu sheegay in marka hore Amiirka Xarakatu Al-Shabab uu soo bandhigo muuqaalkiisa dhabta ah.
Shiikh Yuusuf Indha Cadde ayaa si kulul u weeraray shaqsiyada Amiirka Al-Shabab isagoona sheegay inuu aqoon fiican u leeyahay, isla markaana uu dadka kale ku qaldayo magacyo been abuur ah oo uu isugu ekeysiinayo inuu wadaad dhab ah yahay.
Wasiir Indha cadde ayaa sheegay in ninka la dhaho Abuu Zubeyr uu isago u yaqaan Axmed cabdi Godane waxaa uu ku tilmaamay nin aan isku kalsooneyn oo wajigiisa qariya, islamarkaasna ka dhuunta goobaha dagaalka isagoo soo adeegsada caruur yar yar oo maskaxda laga xaday.
"Axmed Godane hadii uu rabo in la isu soo dhiibo ha isa soo bandhigo si raganimo ah, Waxaan ogahay inuu yahay nin aan maskaxdiisu Fiyoobeyn, waa nin wixii uu ku qarwo habeenkii maalintii raba inuu sameeyo"ayuu si kulul u yiri Shiikh Yuusuf Indha Cadde
Shiikh Yuusuf Indha Cadde ayaa intaa ku daray amiirka alshabaab uu isku qariyo waxyaabo ka reeban dhaqanka islaamka, wuxuuna Xidhaa buu yiri dharka durmarka sida; jalbaabta, indha shareer, cabbaayado Malqabado iyo goono, sida uu hadalka u dhigay.
Waxaa uu ku eedeeyay in Xarakatu Al-Shabab ay ka leexatay Sunada Rasuulka CSW isla markaana ay wax walba iska sameystaan isagoona ku tilmaamay kuwo khawaarij ah oo dadka muslimiinta gaaleysiiya oo dila sida uu yiri.
Hadalka ka soo yeeray Wasiiru dowlaha gaashaandhiga ayaa ku soo beegmaya xilli fariin maqal ee uu soo duubay Amiirka Xarakatu Al-Shabaab uu ugu qabtay ciidamada dowladda muddo shan cisho inay isku soo dhiibaan taasoo keentay in Dowladda soomaaliya ay si kulul uga jawaabto
Godane X Indha Cadde !!!!
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 61 Replies
- 2877 Views
-
Last post by Gedo_Boy
-
- 7 Replies
- 63 Views
-
Last post by Jam Street
-
- 11 Replies
- 789 Views
-
Last post by eyes-only
-
- 52 Replies
- 2971 Views
-
Last post by xoogSADE14
-
- 0 Replies
- 745 Views
-
Last post by Amirsade
-
- 0 Replies
- 11 Views
-
Last post by Amirsade
-
- 8 Replies
- 975 Views
-
Last post by AbdiWahab252
-
- 0 Replies
- 214 Views
-
Last post by Kees70