ONLF claims to have killed 100 Ethiopian troops
Posted: Tue Jul 07, 2009 8:42 am
Jabhada Xoreynta ee ONLF ayaa waxa ay sheegeen in dagaalo shalay galinkii danbe ka dhacay deegaanada Qabridahare iyo Jigjiga ay ku dileen ilaa 90-askari oo Ethiopian ah isalmarkaana ay ka gubeen baabuur kuwa ciidanka ah,iyadoo dowladda Ethiopiana ay arrintaasi beenisay.
Warbixintan ay soo saartay Jabhadda Xoreynta ONLF ayaa waxaa la gu sheegay in maalintii isniinta ee aynu ka soo gudubnay dagaalo xoog leh oo jabhada iyo Ciidamada Ethiopia ku dhaxmaray dhulka Soomaalida ee ay dagaan dadka Soomaalida in ay ku dileen ilaa iyo 90-askari oo kamid ah Ciidamda Ethiopia ka dib markii dagaalo culisi ay halkaasi ku dhaxmareen ,inkastoo warkaasi uu noqday mid sida ugu dhaqsiyaha badan ay ku beenisay Xukuumada dhaxe ee ADIS Ababa.
Jabhada Xoreynta ONLF ayaa war bixin ay soo saartay waxaa ay ku sheegtay in weeraro xoogleh oo dhinaca militariga oo ay ku qaadeen ciidamada Ethiopia ay ku dileen ilaa 90-asakri halka ay ku dhaawaceen Boqol Kale,iyadoo sidoo kale sheegtay Jabhaduu in dagaaladaasi ay ka dhaceen deegaano u dhow Deegaanka Qabri Dahare iyo kuwa kale oo Caasimadda Ethiopia u jira boqolaal KM oo dhina Koofur Bari ah.
Afhayeen u hadlay Ethiopia oo lagu magacaabo Barat Simon ayaa beeniyay in uu jiro weerarkaasi Wallow uu qiray Shil Soo gaaray Ciidamada Ethiopia,waxaana uu xusay in kooxaha Falaagada ee ka soo horjeeda Ethiopia ay qarinayaan qasaarooyinka soo gaara sida uu hadalka u dhigay.
Waxaa uu Tilmaamauy Simon in uu arkay 80-ka mid ah askartii u dagaalamaysay Jabahadaha kula dagaalama Ethiopia wallow aysan jirin ilo madax banaan oo xaqiijinaya arinkaasi.
http://www.shabelle.net/