Suldaan xiirey iyo socdaalkiisii Uk Muxu ka dhahay kuul care

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Bohol iyo karaman
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1060
Joined: Sat Dec 03, 2005 12:37 pm
Location: Is'argoof> Inta Sacad Yoonis dhaqaan yahay Sidaan falaaba ii furan

Suldaan xiirey iyo socdaalkiisii Uk Muxu ka dhahay kuul care

Post by Bohol iyo karaman »

Suldaan Xiiray iyo Farxaan Adan Haybe oo maanta u socdaqalay UK
Written by Qarannews
Jul 06, 2009 at 10:56 AM
Hargaysa,(Qarannews)-Waxa maanta madaarka Hargaysa ka dhoofay Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray iyo mudane Farxaan Adan Haybe, labadan masuul ayaa maanta u socdaalay dalka Ingriiska iyaga oo maalinta bari ah subaxnimada ku beegan magaalada London.

Suldaan Xiiray ayaa socdaalkiisa ku macneeyay mid booqasho ah oo uu ku booqan doono dalka Ingriiska waxa aanu xusay in uu la kulmi doono hadii ay u suurto gasho dhamaan jaaliyadaha Somaliland ee ku dhaqan dalka Ingriiska, sidoo kale waxa uu suldaanku sheegay in aanu socdaalkiisu ahayn mid siyaasdeed isla markaasna uu isagu yahay hogaamiye dhaqameed.

Suldaan Yuusuf Maxamuud Xiiray oo ka mid ah salaadiinta Habaryoonis, oo aanu wax ka waydiinay halka uu Suldaan ahaan ka taaganyahay arinka Kuul Care, ayaa waxa uu ku jawaabay oo sheegay in uu arinkaasi aanu taageero u baahnayn isla markaasina ay yihiin walaaladeen waana sida uu hadalka u dhigaye waxa uu sheegay in Hargaysa uu joogo caaqil Kuul Care ahi isla markaasna loo aqoonsayahay in uu yahay caaqil ka mid ah cuqaasha Habaryoonis, arinkaasna aad ayaanu uga shaqaynay, waana mid jira oo xaqiiq ah loomana baahna in laga wada hadlo, hadaan kuu sheego Kuul Care waa is yaqaanaan Habaryoonisna way ogtahay ayuu yidhi Suldaanku, waxa kale oo uu suldaanku taageeray dhaq dhaqaaqyada ay arintani beeshu gudo iyo dibadaba ugu jirto

Suldaan Xiiray waxa kale oo uu ka hadlay arimaha doorashooyinka fooda inagu soo haya waxa aanu sheegay in aan sinaba loo aqbali karin in mar danbe dib loo dhigo doorashada waxa aanu ka codsaday dhamaan dadka ay khusayso in ay dar dar galiyaan hawlaha sidii ay doorasho dalka uga qabsoomi lahayd.

Socdaalka suldaanka ayaa waxa ku weheliya mudane Farxaan Adan Haybe oo ka mid ah xildhibaanadii u tartamaayay xubin ka mid noqoshada golaha wakiilada Somaliland, Farxaan oo ah siyaasi , aqoonyahan,dhalinyaro ah waxa uu hadana ka mid yahay raga ugu culus ee laga qadariyo siyaasiyiinta Somaliland, Mudane Farxaan oo ka mid ah golayaasha xisbiga UDUB, waxa uu kulama la yeelan doonaa xisbiga UDUB/UK iyo madaxda dawlada ee ku sugan dalka Ingriiska, iyo jaaliyadaha Somaliland ee degan magaalooyinka kala gadisan ee UK.

Dhanka kalena sida uu sheegaayo wariyaha qarannews ee magaalada London, waxa UK, ka socda abaabul xoogan oo lagu soo dhawaynaayo Suldaanka iyo mudane Farxaan, iyada oo boqolaal qof ay isu diyaariyeen in ay kaga hor tagaan garoonka diyaarada ee Gatwick Ariport ee magaalada London
User avatar
Ducaysane_87
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3997
Joined: Sat Jun 06, 2009 1:38 pm
Location: Financing the Handcutter Company of Ina Godane

Re: Suldaan xiirey iyo socdaalkiisii Uk Muxu ka dhahay kuul care

Post by Ducaysane_87 »

lol i already posted this havent you seen it below?
User avatar
Bohol iyo karaman
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1060
Joined: Sat Dec 03, 2005 12:37 pm
Location: Is'argoof> Inta Sacad Yoonis dhaqaan yahay Sidaan falaaba ii furan

Re: Suldaan xiirey iyo socdaalkiisii Uk Muxu ka dhahay kuul care

Post by Bohol iyo karaman »

[quote="Ducaysane_87"]lol i already posted this havent you seen it below?[/quote]

Ducaysane u are too fast>> Goormad gelisey, dee ninyohow meeshan snet adaa iskaa leh hada :lol:
User avatar
Rightwing
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9248
Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
Contact:

Re: Suldaan xiirey iyo socdaalkiisii Uk Muxu ka dhahay kuul care

Post by Rightwing »

Bohol iyo karaman wrote:
Ducaysane_87 wrote:lol i already posted this havent you seen it below?
Ducaysane u are too fast>> Goormad gelisey, dee ninyohow meeshan snet adaa iskaa leh hada :lol:



Nin yahow adiga SY way kugu khasaareen, waxaa fiican in lagu masaafuriyo si'aad Dhoonbir u noqotid...geela SY ee karamaan daaqa kolay dhoonbir wuu u baahanyahay. :lol:
User avatar
Ducaysane_87
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3997
Joined: Sat Jun 06, 2009 1:38 pm
Location: Financing the Handcutter Company of Ina Godane

Re: Suldaan xiirey iyo socdaalkiisii Uk Muxu ka dhahay kuul care

Post by Ducaysane_87 »

:lol: Karaman - i post all the Latest updates news -Usually under the Nick Abduqadir - - look for more in the somaliland section -whenever you come on
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”