Xildhibaanadan oo ka mid ah hablaha Baarlamaanka ku jira kuwooda ugu carabka dheer ayaa ku dhaleeceysay madaxda Dowladda dalbashada ciidamo shisheeye, waxaana ay tilmaantay in go'aankaas aanay iskood qaadan karin.
"Waa maxay sharciga u fasaxay inay ciidamo keenaan, waa nasiib daro in xilligan madaxdii Dowladda ay u ololeeyaan ciidamo shisheeye"ayay tiri Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdalla.
Caasha Axmed Cabdalla ayaa sidoo kale ku eedeysay Gudoomiyaha Baarlamaanka inuusan laheyn go'aanka uu ku weydiistay 20-kii bishii hore inay soo galaan Ciidamada safka hore, waxaana ay sheegtay inuusan xaq u laheyn inuu keligiis go'aan qaato.
Xildhibaanadan ayaa lagu tilmaamay mid hadba wixii maskaxdeeda ka soo maagta ku mucaarada Madaxda dowladda iyadoo lagu xusuusto sidii ay u dhaleeceyn jirtay Madaxdii hore ee dowladihii hore, iyadoona siyaasadeeda tahay mid la jaan-qaada hadba dhinaca siyaasadeeda taageera.
She must be the most pathetic member of this parliament filled with qabilism. Everyone remembers how she used to entertain high ranking tigray generals in mogadishu,while bringing tea for caasho yusuf
