K-(GMN) Dhulkii la oran jiray Jubbaland oo ka koobnaa Gobolada Gedo, Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose waxay galeen qaybtii uu Ingiriisku ku yeeshay kala boobkii dalalka Africada Bari, maamulkoodana waxaa loo dhiibay shirkaddii Imbradooriyadda Ingiriiska u qaabilsanayd Afrikada Bari, gacantana ku dhigtay sanadku markuu ahaa 1891.
Sida caadadaba u ahayd dadka Soomaaliyeed, waxay gumeystaha kala hortageen dagaal. Sannadkii u horeeysay dagaallo ayaa dhexmaray Soomaalida iyo Ingiriiska dagaaladaas oo dhaawac halisa lagu gaarsiyey ninkii magaalada Kismaayo u talinayey, laguna dilay W.G. Hamilton oo ahaa taliyihii Ciidamada. Markab Ingiriisa oo la oran jiray H.M.S. Widgeon oo xeebta fadhiyey ayaa magaalada duqeeyey. Sanadku markuu ahaa 1895 ayaa markii Shirkaddii maamulkii wadi wayday dawladdu la wareegtay. Muddaddii u dhexeysay 1905-1914 Ingiriisku wuxuu isku dayaayey had iyo jeer in uu dadka Soomaaliyeed oggolaysiiyo Taliskiisa, kumase uusan guulaysan Siyaasadiisa, inkastoo uu xoog isticmaalayey.
Sanadku markuu ahaa 1905ayaa Ingiriiska fariin u diray odayaal iyo saraakiil ka so jeedo Beelaha Sade, fariintaas oo ahayd inay heshiis maxmiyadeed (Treaty of Protectorate) la galaan Dawlada Ingiriiska.
Odayaasha ayaa ka diiday, wacadna ku maray inay si ba’an ula dagaalamayaan Ciidamada Ingiriiska. Waxayna iclaamiyeen Jihaad ka dhan Ingiriiska isla markaana codsi u direen walaalahooda deggan gobolada dhexe iyo hawd.
Dr. Enrico Cerulli wuxuu qoray:
“Mareexaanka ku dhaqan Gobolada Konfureed ayaa ergo u diray Gobolada Dhexe (Ximan) say u la socodsiiyaan waxa ka socda Jubbaland, tageerona ka helan walaalahooda. Mareexaanka degan Ximan ayaa gurmad ciidan u diray Gobolada Konfureed. Ciidankaas oo maray dhul ka badan 800 kilomitir. “ (Testi di diritto consuetudinario dei Somali Marrehan (Customary law texts of the Marrehan Somali))
Ingiriisku waxay go’aansadeen inay Jubbaland ka sifeeyaan Qabaa’ilada Mucaraadka ku ah, waxayna kula taliyeen saraakiishooda inay la socdaan dhaqdhaqaaqa ay wadaan Beesha Sade.
Sanadku markuu ahaa 1910 ayuu Major Gwynn, oo ka mid ahaa saraakiishii ilaalinaysay xuduuduhii mustacmaradda, welwel ka muujiyey dhaqdhaqaayo iyo abaabul ka socday degmada Diihara. Ciidamo Galti ah badankooduna ahayeen Daraawiish ayaa hub iyo saanad ka keenay gobolada dhexe. Waxayna bilaaween qaabka dagaalka ku-dhufoo-ka-dhaqaaq (hit and run).
Ingiriiska oo u adkeysan waayey dagaaladaas ayey waxay la so baxeen barnaamij dagaal oo lagu magac daray “Marehan Operation”. Waxaana loo xilsaaray Saraakiil Ingiriis oo leh khibrad dagaal.
Waxaana saraakiishaas ka mid aha:
1) Lieutant-Colonel Breading
2) Colonel A. R. Hoskins
3) Major Hickson
4) Captain J. M. Mackenzie
5) Lieutenant G.J. Giffard
6) Captain T.O. Fitzgerald
7) Captain W.G. Stonor
Iyo saraakiil kale oo Afrikaan ah.
Ciidanka loogu tala galay barnaamijkaas waxay ka koobnaayeen 7 guuto. 3 Guuto (Kenya colony) oo laga keenay Kenya, 2 laga keenay Nyasaland (Malawi) iyo 2 laga keenay Uganda.
Beesha Sade oo ka war helay duulaanka qorsheysan oo lagu gumeysanayo Carro Soomaali ayaa diyaariyey Ciidan xoog leh. Rag badan oo ka tirsan Beesha Sade ayaa loo xilsaaray fulinta difaaca.
Raggaas oo ahayeen:
1) Maxamuud Dhoore
2) Xasan Dheeba
3) Shire Jaamac oo ahaa Abaandulihi Ciidanka Beesha Sade
4) Diini Jaamac
5) Jero Cali
iyo kuwa kale.
Sanadkii 1914 ayeey ciidamada labada dhinac isaga horyimaadeen magaalada Sereenley. Dagaalka oo mudo 12 sacadood socday ayaa jab xoogan la gaarsiyey Ciidanka Ingiriiska waxaana halkaas ku ruux waayeen 850 qof oo u badan Ciidanka Gumeysiga Ingiriiska.
Sir. Kirk oo ahaa qunsulkii u fadhiyay dowladda Ingiriiska jasiiradda Sansibaar xilligii uu gumeysigu i imanayay dalkeena, ayaa waraaq uu Soomaalida kaga hadlayay wuxuu ku qoray sidan
“Soomaalida ku nool Jubbaland waxay la dhaqan yihiin kuwa waqooyiga deggan. Waa dad urursan, dagaal yahanno ah geesinimona u dheertahay oo islawayn. Sidaa darteed waa howl adag in aanu ka dhaadhicinno in aanu nahay dad ka sarreeya “. (Kirk to Granville)
1919 ayaa Ingiriiska oon dhulka tan iyo waqtigaa dagaal mooyee aan wax kale kala kulmin ayuu wuxuu goostay in uu gobolkii loo yiqiin Jubbaland ku wareejiyo Talyaaniga, oo uu horey uga ballanqaaday. 1925kii ayaa Kismaayo lagu wareejiyey Talyaaniga.
George L. Simpson, Jr. ayaa qoray,
“Mucaraadka ka yimaada Beesha Sade oo Ingiriiska la kulmay, waxay daliil iyo tusaale u tahay inaan Gobolka Jubbaland ka jirin wax gumeysi ah. Jiritaanka Ummaddaas gumeysi diidka ah ayaa ku qasbay Ingiriiska inuu Gobolka iska wareejiyaan.”(Somali Unrest)
Bibliography:
1) Moyse-Bartlett, Lieutenant -Colonel H. “The King’s African Rifles A Study In The Military History of East and Central Africa, 1890-1945”, Aldershot, [England] : Gale & Polden, 1956.
2) Wakaalada The Times, 1913 and 1914
3) Italy. Esercito. Corpo di stato maggiore. Ufficio storico, “Somalia: Dal 1914 al 1934, con appendice sul Corpo di sciurezza italino nell”, Tipografia regionale, 1960
4) University of East Africa Social Science Council, “Annual Conference Proceedings” , 1968
5) I. M. Lewis, “The modern history of Somaliland”, 1965
6) Dr. Enrico Cerulli, “Texts of the consuetudinary law of the Marrehan Somali”, 1936
7) Wakaalada The Guardian, 1914
Appendix (Sawirro):
1) Map of Jubbaland:
http://i166.photobucket.com/albums/u111 ... baland.jpg
2) Ciidamada Afrikaanka (Colonial troops)
http://i166.photobucket.com/albums/u111 ... kaanka.jpg
3) Dhowr qori oo laga qabsaday Ciidan Mareexaan oo sahan ahaa
http://i166.photobucket.com/albums/u111 ... Rifles.jpg
Warsame101@gmail.com
Maxaad ka taqaana Halgankii Jubbaland by Warsame101
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- CoolPoisons
- SomaliNet Super
- Posts: 10533
- Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 3 Replies
- 914 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 1 Replies
- 25632 Views
-
Last post by THE_TRUTH1
-
- 6 Replies
- 667 Views
-
Last post by technogc
-
- 2 Replies
- 345 Views
-
Last post by Xamari_76
-
- 6 Replies
- 1695 Views
-
Last post by KingWaslawi
-
- 1 Replies
- 2034 Views
-
Last post by siciid harti
-
- 56 Replies
- 3443 Views
-
Last post by X.Playa
-
- 9 Replies
- 9908 Views
-
Last post by XKeyse_
-
- 14 Replies
- 1506 Views
-
Last post by Advocatar
-
- 1 Replies
- 421 Views
-
Last post by Luq_Ganane