Dhalinta reer Puntland oo aad ugu tahriibaya Talyaaniga oo ku soo badanaya magaalooyinka.
Magaalooyinka waa weyn ee Puntland, ayaa in dhaweyd waxaa ku soo badanayey dhalinyaradda degaanka ah oo tahriibta galay, iyaga oo doonaya in ay maraan wadadda dhibta badan ee Beriga, Bacaadka iyo Badda isugu jirta ee ka bilaabta Soomaaliya illaa Talyaaniga.
Tahriibayaasha tagay iyo kuwa hadda diyaargarowga ku jira, ayaa waxa ay u badan yihiin dhalinyaro, waloow ayna jiraan Rag waa weyn oo Aabayaal ah, isla markaana shaqooyin haystay in ay ka mid yihiin Tahriibayaasha.
Arrinta ayaa waxa ay aheyd mid Puntland ka bilaabtay 2 sanno ka hor, balse hadda wax ay gaartay intii sanadkan bilowgiisa aheyd meeshii ugu sareeysay.
Iyadoo iminka dhalinyaradda Puntland ku sugan hadal hayntooda ugu weyn ay tahay tahriibta , iyago hadal haya “Saxaraha iyo Suudaan” iyo “Liibiya iyo Lambaduusa”.
Wax ayna ka mid yihiin meelaha ay sida weyn u hadal hayaan, Markaad tagto meelaha ay dhalinta u badan yihiin waxaad hadal hayntoodu tahay arinta tahriibta iyaga oo leh “ Hebel wax war ah lagama hayo mudo saddex bilood ah” “ Cali ayaa xalay doonta ku qornaa u duceeya in illaahay u fududeeyo badda, maadama beriga dhib badan uu ku soo arkay”
Waxaa kaloo ka mid ah waxyaabahay ay leeyihiin “ Ilko Case ayaa xalay talyaaniga galay balse nasiib xumo fariihii baa laga qaaday isaga oo halkaas fadhiyi doona shan sanno oo aan sharci iyo shaqo toona aan helayn”. sida ku dhacdey kuwii hore.
Waxaa jirta in dhalinyaraddu aad u hadal hayso safarkaas halista badan kuwo badan ayaa niyadda ka jecel in ay naftooda baqtiyaanasiibka ay geliyaan ,hasse yeeshee waxaa u saamaxeen Kharashka faraha badan oo ku baxaya.
Picture taken March 13, 2008. REUTERS/Stringer (SOMALIA)
Picture taken March 13, 2008. REUTERS/Stringer (SOMALIA)
Dhalinta baxda ayaa waxa ay isugu jiraan kuwo si qarsoodi ah ku baxday oo waalidoontoodu ka dhuuntay iyo Kuwo ay waalidiintoodu ay raali uga ahaayeen safarka in ay galaan ka dib markii ay cadaadis ku hayeen mudo dheer si ay ugu ogolaadaan safarka, isla markaana u jicsimaan iyaga oo waalidiinta qaarkood u iibiyaan Bogcaddo iyo Dahab una sameeyaan Alla Bari iyo Quraan lagu aqriyo inta aysan tagin si Alle ugu fududeeyo jidka halista badan.
Balse marka dambe waalidiintii u ogolaaday caruurtooda iyo kuwa laga dhuuntay waxaa wada saameeya wel wel iyo walbahaar ka dib markii ay ka war waayaan muddo, isla markaana ay warbaahinta soomaalida ka maqlaan Shilala ka dhacay badda iyo Beriga oo Tahriibayaal soomaali ah wax ku noqdeen.
Safarku waa Sideeh? Bal wax yar aynu ka taabano
Marka cid kasta waa la fudud yahay waxaa la maraa dhowr meelood marka soomaaliya laga tago Ethiopia,Kenya,Eritrea iyo Ugadan oo dhammaantood Xuduud la leh Sudan.
Jidka waayadan dambe aadka loo maro waxaa weeye Kenya- Uganda-Sudan iyadoo la sii maro goboladda koonfureed ee Sudan halkaas oo ay degan yihiin dad cawaan ah, si xuna ula dhaqma dadka, soomaalida waxa ay halkaas kula kulmaan dhac, Dil iyo xarig.
Rafaadka ka dib markii gaaraan Khartuum ayeey misana u howl galaan sidii ay u raadsan lahaayeen rag ka shaqeeya Tahriibta saxaraha u dhaxeeya Sudan iyo Libiya.
Inta ay Khartoum joogaan ayaa qaarkood lacag laga qaataa oo lagu dhahaa Dhaqso ayaad u tageysaan balse marka ay u cadaato in lacagtoodii la cunay, ayaa waxa ay noqotaa in mar kale ay Lacag bixiyaan si ay Tahriibta u sii wataan. Iyadoo mar labaad ay ku dhacdo qaarkood in intii baabuur la saaro oo la soo wareejiyo haddana lagu soo celiyo isla meeshii laga qaaday iyaga oo looga dhigayo Xuduudka Libiya iyo Sudan.
Intii Nasiib u yeelatay in ay maraan Wadda saxaraha oo dhowrka kun oo KM ah ayaa waxa ay kula kulmaan dhib weyn gaajo iyo haraad sababa dhimasho Silic ah, ka dib markii Baabuurta ay la socdaan oo maraya Saxaraha ay galaan Shilal.
Markii ay gaaraan xuduudka liibiya iyo Sudan ayaa si qarsoodi ah waxa ay uga gudbaan Liibiya wax halkaa ku ugaarsado soomaalida BADOW Libiyaan ah oo intii Soomaalida Xirxiraan haddana sheegta madax Furasho, isla markaana lala soo hadal siiyo Eheladooda si ay lacag madax furasho ah u bixiyaan taas oo mar labaad cadaadis iyo dhib ku noqta waaridiinta.
Inta ay Libiya ku sugan yihiin ayaa waxa ay kula kulmaan xarig iyo Jirdil, iyadda oo weli u dhima tahay Jidkii Mugdiga iyo Barafka badnaa ee Badda.
Arrinta ka jira Puntland oo Dhalinta ka baxeyso ayaa lagu soo waramayaa in ay iyidana ka jirto Somaliland.
Sanadkii hore ayeey aheyd warkii naxdinta lahaa markii 40 Dhalinyaro reer Boorama ah ay ku dhinteen Biyaha u dhaxeeya Libiya iyo Talyaaniga. waxaana arrinta oo kale mudoo dheer ka jirtay Koofurta soomaaliya, balse hadda waxay wada noqotey mid guu ahaan wadanka oo dhan wada saamaysay.
Dhallinta Soomaalida oo tahriibayaasha ah ayaa waxa ay cagta ku sii qaateen Arday Soomaaliyeed oo wax ka baranayey Sudan,Masar, iyo Libya oo intii waxbarshadda ka tageena ka doorbiday Tahriib.
waxaa wax lala yaabo ah in ay ogyihiin dhalinta soomaaliyeed dhibaatada ka horeesa, hadana maniyad jebiso oo way baxayaan, waxaana fararkodu siisiyaadaa marka ay maqlaa qof ay yaqaaniin si dhib badan ugalah wadamada Yurub, isla markaana ka badbaada faraha talyaaniga.
Ciidii Dooneysa in ay hadda ka baxdo Soomaaliya Fadlan sheeg wixii kugu kalifay in aad ka baxdo, Wadanka isla markana aad Naftaada halistan aad ugelinayso?
Cidii horey tahriibta wadda ugu martay Fadlan Sheeg wixii aad ku soo aragtay iyo wax aad hadda hayso, iyo waxaadku kula talin lahayd dhalinta soo baxaysa oo Boorsooyinka xirxirnaya.
source






