











well done somaliland election is on course inshallha may allha acept this to be a peacfull and a change,
for the good of the people amin.
Hargeysa (Somaliland.Org)- Axsaabta Qaranka Somaliland ayaa maanta kala saxeexday Heshiis ku aaddan arrrimaha Doorashooyinka, gaar ahaan Xeerka Anshaxa Doorashada Madaxtooyada.
Munaasibad maanta lagu qabtay Hutel Maansoor ee Magaalada Hargeysa, isla markaana ay ka qayb galeen Hoggaanka sare ee Axsaabta Qaranka, Komishanka iyo marti-sharaf kale, ayaa waxa halkaa ka hadlay guddoomiye-xigeenka Komishanka Doorashooyinka Cali Maxamed Cabdlla (Biikalo) oo si qoto-dheer uga xog waramay ujeedada kulanka oo uu sheegay in ay tahay munaasibad wada-jir loogu saxeexayo heshiiska Axsaabta oo ay weheliyaan Komishanku, kaas oo uu ugu horreeyo xeerka Anshaxa Doorashada.
Xoghayaha guud ee Xisbiga Kulmiye oo intaa ka dib hadalka la wareegay ayaa Komishanka kula dardaarmay in ay hubiyaan sidii ay u fuli lahaayeen Heshiisyada la gaadhay, isla markaana wuxuu ugu baaqay in aanu heshiiskani la mid noqonin heshiisyo hore loo galay oo uu sheegay in ay ka fuli wayday dhinaca Xukuumadda iyo Xisbiga UDUB.
Guddoomiye-xigeenka Xisbiga UCID Aadan Maxamed Mire (Waqaf) oo isna halkaa ka hadlay, ayaa Komishanka ku eedeeyay awood-darro uu sheegay in ay ka muuqato hawlahooda, waxaanu farta ku fiiqay in Xisbiga UDUB uu ahaa ka mar kasta hor taagnaa in heshiis la gaadho. Mr. Waqaf wuxuu sheegay inay magacaabeen Xubintii Komishanka ee la doonayay inay ku soo bedelaan Axmed Maxamed X. Bidaar oo hore xilka Komishanka looga qaaday.
Xoghayaha guud ee UDUB Jaamac Yaasiin Faarax oo intaa ka dib Mikirifoonka loo dhiibay, ayaa dhinacooda iska difaacay eedaha loo jeediyay, waxaanu sidoo kale eedayn u jeediyay Axsaabta Mucaaradka ah oo uu sheegay in ay waxyaabo badan uga tanaasuleen UDUB ahaan. Waxa kale oo uuu Jaamac Yaasiin dedafeeyay in aanay jirin meel Xukuumaddu Olole uga gashay sidii ay magac iyo olole siyaasadeed uga dayi lahayd Raashinka Hay’adda WFP bixiso ee caawimada ah.
Gebo-gebadii, Guddoomiyaha Komishanka Doorashada Jaamac Maxamed Cumar (Sweden) oo halkaa ka hadlay ayaa shacabka Somaliland ugu baaqay in ay dedaalkooda halkaa ka sii wadaan, isla markaana wuxuu mahad-naq u jeediyay Masuuliyiintii Axsaabta u metelaysay wada-hadalladii muddooyinkii u dambeeyay socday.
Ugu dambayn, heshiiska oo ay saddexda Xisbi halkaa wada-jir ugu saxeexdeen, ayaa waxa Xisbiga KUlmiye u saxeexay Xoghayaha guud Keyse Xasan Cige, halka UCID-na uu u saxeexay Guddoomiye-xigeenka Aadan Waqaf, isla markaana waxa UDUB u saxeexay Xoghayaha guud Jaamac Yaasiin Faarax.
Somaliland.Org
Hargeisa News Desk