Finally the government is doing something right in making Amisom fight in the frontlines.
http://www.somalimirror.com/2009/07/12/ ... kaysaneey/Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa u sheegay Shabakadda Somalimirror in Ciidamada DKMG ah oo Kaashanaya Taangiyadda Ciidamada AMISOM ay la wareegeen Isgoyska Sanca oo ay horey ugu sugnaayeen Xoogaga Xisbul Islaam.
Sidoo kale Ciidamo ka tirsan DKMG ah ayaa iyagana la wareegay Gacan ku haynta Isbitaalka Kaysaneey iyo Nawaaxigiisa oo horey looga Qabsaday.
2 Taangi oo ay leeyihiin Ciidamada AMISOM ayay Dad Goob joogayaal ahi sheegeen inay Taaganyihiin Isgoyska Sanca iyo Nawaaxigiisa.
Dhanka kale Ilo Wareedyo lagu Kalsoonyahay ayaa u sheegay Shabakadda Somalimirror in Saldhiga Degmadda Kaaraan ay wali joogaan Xarakadda Al-Shabaab Al-Mujaahidiin.
DKMG ah ayaa maanta si Buuxda ula wareegtay Degmooyinka C/Casiis, Shibis, Boondheere iyo Qeybo ka mid ah Degmadda Kaaraan.
Wixii warar ah ee ku soo kordha dib ayaan idinkaga soo gudbinaynaa Insha Allaah.
http://www.somalimirror.com/2009/07/12/ ... oobo-kale/Ciidamada DKMG ah oo ay Hor socdaan Taangiyadda AMISOM ayaa la wareegay Gacan ku haynta Hotel Global, Jiiro Wacbudhan iyo Gurigii hore ee Cali maxamed Geede oo ku kala yaala Degmooyinka C/Casiis iyo Kaaraan.
ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa u sheegay Shabakadda Somalimirror in 4 Tangi oo ay leeyihiin Ciidamada AMISOM ay Dagaalka ka qeyb qaadanayaan isla markaana ay qaarkood ku Suganyihiin Dhismaha Shirkadda Nation link ee ka sokeysa Hotel Global.
Dagaal Xoogan ayaa hadda la sheegayaa in uu ka socda Sii-sii iyo Nawaaxiga Isgoyska Sanca iyada Wadooyinka Waaweyna lagu arkayo Taangiyadda Ciidamada AMISOM oo kolba dhinac u socda.
Ciidamada DKMG ah oo kaashanaysa AMISOM ayaa la wareegay Gacan ku haynta Degmooyinka C/Casiis iyo Shibis.
Sidoo kale Ciidamada DKMG ah ayaa Qeybo ka mid ah Degmadda Kaaraan la wareegay, iyada oo Sarkaal ka mid ah Xarakadda Shabaab Al-Mujaahidiin uu sheegay inay ku suganyihiin Saldhiga Degmadda Kaaraan.
Xoogaga Xisbul Islaam iyo Xarakadda Shabaab Al-Mujaahidiin ayaa u muuqda kuwo dib uga gurtay Goobihii ay shalay iyo Maalmo ka hor kala wareegeen Gacanta DKMG ah taas oo ay dadka Qaar u sababaynayaan Taangiyada AMISOM ee sida Tooska ah ugu soo biiray Dagaalka.
Lama sheegi karo illaa iyo hadda Khasaaraha Rasmiga ah ee ka dhashay Dagaalkani balse waxa ay Duqeyn Xoogani ku socotaan Qeybo ka mid ah Degmooyinka Wardhiigleey iyo Howl-wadaag gaar ahaa Xaafadda Cali-Kamiin, iyo Suuqa Weyn ee Bakaaraha.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay labadda dhinac oo ku aadan Dagaalkan cusub iyo goobaha la kala qabsaday.
Wixii warar ah ee ku soo kordha dib ayaan idinkaga soo gudbinaynaa insha allaah.

