cujmaan(radiolaascaanood)Degaanada putlan oo laga haqabtiri doono dhanka sportska
Wakiilka barnaamijka hoyga horumarinta asboortiga puntlan mudane maxed xaaji aadan (uureey)ayaa isagoo jooga dalka isutaga imaaraadka carabta gaar ahaan magaalada cujmaan u sheegay radio laascaanood inay wadaan barnaamij ku salaysan dhanka isboortiga ee degaanada putlan kaasoo loogu magic daray barnaamijka hoyga horumarinta isbooriga putlan waxaan uu sheegay inay dhawaan bilaha soo socda u kicitimi doonaan dawlad goboleedka putlan
Maxed xaaji waxaa safarkiisa ku weheliya cabdi faarax cali oo ku magic dheer macalin geela ahna tababaraha xulka kubada qaranka ee soomaaliya
Mashruucan kor u qaadida ispoortiga putlan ayaa sida uu sheegay mr uurey waxaa uu ka soo aas aasmay dalka keneda kaasoo mudo aad u farabadan ay aas aaskiisa ka wadeen dalkaas keneda iyadoo ugu dambayntii ay ku guuleysteen inay degaanada putlan ay ka bilaabidoonaan hawlaha kor u qaadida kubada noocyadeeda kala duwan waxaana uu isugu jiraa qaybaha ay ka mid yihiin
Tababarida macalimiinta degaanada putlan
Tababarida macalimiinta kubada kolayga
Tababarka dhinaca garsoorka kubada
Maamulida ciyaaraha
Tababarka first aidka
Dhismaha kooxaha gobolada putlan
Dhismaha xiriirka debeda iyo gudaha
Wakiilka mashruucan sida uu sheegay waxaa gacan weyn ka geystey jaaliyada degaanada putlan iyo weliba ganacsatada dalka debediisa ku dhaqan
Weftidan mashruuca isboortiga putlan waxaa ay soo mareen dalal fara badan oo ka mid ah yurub iyagoo kulamo badan la soo yeeshay dhamaan bahda xiisaysa dhanka ispoortiga waxaana ay sheegeen inay si fiican isugu waafaqeen dhismaha kor u qaadida ispoortiga putlan
Horumarinta isportiga putlan ee iminka loo soo wado ayaa ku soo beegmaya iyadoo ispoortiga putlan uu yahay bilihii ugu dambeeyey mid aad u liita marka laga reebo kooxo yar yar oo iyagu gobolada ka jira kuwaas oo aan xirfad aad u weyn u lahayn aqoonta dhanka sharciyada ispoortiga sidoo kale waxaa ay soo noolaynaysaa kubada kolayga oo iyadu hawada ka baxday oo dib loogu soo noolaynaayo degaanada putlan todobada gobo lee ay ka kooban tahay
Waa markii ugu horeysey ee degaanada putlan gaar ahaan bahda isportisku helaan jaanis ay kaga faaiidaysan karaan mustaqbalkooda ciyaareed kaasoo sida y sheegeen weftigan horumarinta isportisku dhawaan gaadhsiin doonaan putlan
C.M,SAID
RADIOLAASCAANOOD
Source:
http://www.radiolaascaanood1.com/page_v ... cleid=2339
