Source:http://horseedmedia.net/portal/somali/25526/Horseed Media
Bosaso, Puntland
Ciidamada Amniga ee gobalka Bari ayaa maanta xeebta ku gubay Daroogo badan oo la sheegay inay tahay mid loo adeegsado weerarada ismiidaaminta, sida ay sheegeen saraakiisha amniga.
Daroogadan ayaa gaareysa 5005 (shan kun iyo shan Xabo) isla markaana ah nooca Cirbada oo xididka laga qaato. Waxaa la sheegay in Ciidamada ay qabteen 2 sano kahor oo intaas ay maxkamadu heysay.
Daroogadan ayaa la qabtay xili la rabay in dalka lasoo gasho, ayadoo lagu soo dhex qariyey Jeeg laga soo buuxiyey OODKAC. Waxaana la sheegay in loo waday dalka Yemen lagana keenay koonfurta Soomaaliya.
Axmed Taaran Xeer illaaliyaha gobalka Bari ayaa warbaahinta uga waramay amar kasoo baxay Maxkamada Bosaaso ayaa sheegay in xukunka maxkamada ahaa labo sano oo xariga ah isla markaana ninkii arrintan lagu qabtay uu xabsigiisa dhameystay. Hase yeeshee daroogadan ayaa maanta la gubay ayadoo ay goob joog ka ahaayeen mas’ uuliyiinta gobalka Bari iyo saraakiisha Ciidamada Amniga.
Maxamed Siciid Jaqanaf Taliye xigeenka Booliiska Puntland oo asaguna ka hadlay arrimahan ayaa sheegay in khatar ahaa oo mushtamaca ku cusub, asagoo sheegay in daroogadan xididka laga qaato isla markaana uu dareenka tagayo, asagoo intaasi raaciyey in laga qaado in qofka uu ku waasho daroogadan, iyo in u baahdo isticmaalka daroogadaasi si joogto ah.
Cirbadaha xididka laga qaato, ayey saraakiisha ku tilmaameen inay xog ku hayaan in loo adeegsado dadka ismiidaamiya laguna duro kahor weerarada inteysan fulin ayadoo uu dareenka ka tago, sida ay mas’ uuliyiinta saxaafada u sheegeen.
Horseed Media
Strange story huh?
