Dawladda Sh.Sharif oo Shuruud ku xidhay Aqoonsiga Somaliland

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
Rightwing
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9248
Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
Contact:

Dawladda Sh.Sharif oo Shuruud ku xidhay Aqoonsiga Somaliland

Post by Rightwing »

DJibouti(Bnn)- Waxa beryahaaba si qarsoodi ah u socday wada hadalo dhex marayay qaar ka mid ah madaxda sare ee Jamhuuriyada Somaliland iyo dawladda Sheekh Shariif ee Somaliya oo ay si buuxda u daadihinaysay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Dalka Maraykanka (US State Department), Shirarkan oo lagu kala qabtay meelo kala duwan sida Djibouti, iyo Washington DC ayaa waxa ka kala qayb galay kooxo kala duwan oo ka kala socday labada dhinac.

Hadaba wada hadaladaas oo illaa hadda meel fiican maraya ayaa haddana waxa jira ama ka muuqata woxogaa aamin darro ah oo ku kala dhex jirta labada dhinac. Tusaale ahaan maamulka S/land waxa uu shuruud uga dhigay in uu maamulka Sh. Shariif ku dhawaaqo aqoonsiga S/land ka hor inta aan wax kale laga wada hadal, halka maamulka dawladda Sh. Shariif ay sal uga dhigtay in ay Somaliland marka hore gacan weyn ka geysato lugo isu taagga dawladda ku-meel gaadhka ah, kadibna marka uu dhamaan dalka Somaliya ( Ex. Southeren Somalia ) gacanta ku wada dhigto awoodda maamulka ay aqoonsan doonto gooni-isu-taaga S/land.

Ku-xigeenka Wasiirka Koowaad ee Dawladda Ku Meel-gaadhka ah, isla markaana ah Wasiirka Maaliyadda, Mudane Shariif Xasan Sh. Aden oo hogaaminayay kooxda matalaysa dawladda ku-meelgaadhka ah ayaa sheegay in Somaliland ay ka awood badan tahay inta ay moodayso, isla markaana ay ku haboonaan lahayd in ay ka ciyaarto arrimaha geeska Afrika kaalin hogaamiyenimo. Waxa uu sheegay in uu isagu aaminsan yahay in S/land ay xaq u leedahay in ay danaheeda ka tashato, laakiin aanay illaa hadda marin siddii ay taas ku heli lahayd. Illaa hadda S/land waxa la moodaa in ay cid marti uga tahay arrimaha mandaqadda, ayuu yidhi wasiirkaasu.



Dhinaca J. Somaliland, Gudoomiyaha Xisbiga Udub ee USA, Mudane Mj. Yusuf Budle oo ka mid ahaa kooxda matalaysa Somaliland ayaa sheegay in aanay marnaba suurto gal ahayn in ay siddii lixdameeyaddii S/land ku saxeexdo heshiis indho la'aan ah oo aan laga fiirsan.

Waanu isku baahanahay, laakiin iyagaa naga baahi badan. S/land sideeda ayay ahaanaysaa mana baaba'ayso haddii aanaan aqoonsi ka helin dawladda Somaliya, laakiin toodu (dawladda ku-meelgaadhka ah ee Sh. Shariif) halkii kuwii ka horeeyay mareen ayay maraysaa haddii aanaan anagu aqoonsan/rabin. Yusuf Isaga oo ka jawaabaya arrinta qayb ka ciyaarka arrimaha mandaqaddana waxa uu yidhi, "Awoodayadu waa mid aanu u isticmaalno oo keli ah wixii dalkayaga iyo dadkayaga u dan ah, kumana lumino heshiisyo macnmo daro ah. Haddii ay maanta dawladda Sh. Shariif ku dhawaaqdo aqoonsiga S/land, dalalka kalena ictiraafaan heshiiskaas, waxa naga ballan ah in Muqdisho ay ku degi doonto muddo bil gudaheed ka yar".

Shirarkan isdabojoogga ahaa oo si qarsoodi ah u socday beryahaas ayaa la moodaa in ay marayaan meel ay iskaga soo dhawaadeen intii hore, laakiin ay weli u dhiman tahay in laga gudbo xaaladda cakiran ee is aaminaadd darrada ah.

Waxa lagu wadaa in qaar ka mid ah mas'uuliyiinta ugu saraysa ee dawladda ku-meel gaadhka Somalia ay soo booqdaan Caasimadda Magaaladda Hargeysa muddo aan fogayn, in kasta oo ay jirto cabsi ah in ay ka faa'iidaystaan mucaaridka Somaliland oo mar kasta ku sheega xidhiidhada noocan ah in ay xukuumadda S/land gadayso qadiyadda iyo madaxbanaanida S/land.

Mr. Budle oo arrintan ka hadlayaana waxa uu yidhi, "JSL mar kasta danteeda u lumin mayso Cali-baa odhan iyo Caashaa odhan. Waxa aanu rumaysanahay in aanu wax wada qabsan karno dawladdan Somalia ee Sh. Sharif annaga oo isku danaysanayna, waa haddii ay gartaane. Aqoonsiga JSL waxaanu ku raadinaynaa si kasta oo suurto gal ah, diblomaasiyad, xoog, maal/lacag iyo la shaqayn dalalka danaha ka leh geeska afrikaba.

Source somalilandlinfo
User avatar
AbdiWahab252
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 56715
Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
Location: Unity. Strength. Capital.

Re: Dawladda Sh.Sharif oo Shuruud ku xidhay Aqoonsiga Somaliland

Post by AbdiWahab252 »

Haji LAFO LAFO,

Why aren't you sending troops to discipline the out of control AntiJSL elements in Borame ? Riyaale is strong enough to send troops to discipline people demonstrating for Well Water in Hargeisa but not antiJSL elements in Borame.
User avatar
salafi_student
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2223
Joined: Mon Dec 19, 2005 3:47 pm
Location: If you would only listen, I can educate you!

Re: Dawladda Sh.Sharif oo Shuruud ku xidhay Aqoonsiga Somaliland

Post by salafi_student »

lol

PLz disregard that as false hopes.. is been going on far too long, lies after lies. Might as well give up and work on uniting the Muslims.


Yr Brother
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”