Calankii Somaliya Ee Shalay Mid Aanan Meeshiisii Joogin.Post

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
MALMAHA
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 960
Joined: Mon Apr 27, 2009 11:16 pm

Calankii Somaliya Ee Shalay Mid Aanan Meeshiisii Joogin.Post

Post by MALMAHA »

http://lughaya.com/2009/07/13/salaadiin ... baareeyey-

:sland: :sland:
Salaadiinta Iyo Cuqaasha Beelaha Maxamed Case Oo Cambaareeyey Jid-Gooyadii Raga Lagu Dilay, Baaq Nabadeey U Jeediyay Beelaha Ku Dirirsan Ceel Bardaale, Kuna Tilmaamay Calankii Somaliya Ee Shalay Mid Aanan Meeshiisii Joogin
.Posted in July 13th, 2009 by lug in NewsBoorama- :sland: :sland: :sland: (Lug)-
Salaadiin, Cuqaal iyo Waxgarad tiro badan oo Beelaha Maxamed Case ka socday ayaa si kulul u cambaareeyay dhacdadii lagu qafaashay 4ta nin ee daraad,
isla markaana baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee ku dirirsan jiida Ceel-bardaale. sidoo kale waxa ay salaadiintani cambaareeyeen mudaharaadayaashii shalay ee lulayay calanka Somaliya oo ay tilmaameen in uu tahay mid aanan meeshiisi joogin isla markaana ah maro aanan waxba ka badalikari qadiyada Somaliland.

Sul. Cabdiraxmaan Muuse Geele oo ugu horaynii ka hadlay shirkan Jaraa’id ayaa si kulul u cambaareeyey waxa uu ugu yeedhay Qaadicu-dariiq ka baxsan dhaqanka islaamka oo ay ku kaceen kooxdii sida naxariisdarada ah u dishay afra qof ee aanan waxba galabsan. suldaanku waxa uu guud ahaanba ka tacsiyadeeyay eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen ragii gardarada lagu dilay. sidoo kale waxa uu suldaanku baaq nabadeed u soo jeediyay beeelaha ku dirirsan Ceel-bardaale waxana uu yidhi ” Walaalayaal dagaalka jooja oo ogaadain aanu dagaal wiil ku dhalan ee uu wiil ku dhinto, isla markaana ogaada intuu doono dagaalku ha qaatee”. Waxa kale oo uu Sul. Cabdiraxmaan Sheegay in Guurtida, Salaadiinta, Aqoonyahanka, Cuqaasha iyo Xukuumaduba in looga baahan yahay in ay xil iska saaraan soo qaqabashada budhacadii jidka gashay iyo nabad ka aslaaxiinta beelaha wali dirirsan. Suldaanku waxa kale oo uu xusay in loo baahan yahay in maanta xil la iska saaro sidii lookala dhex galilahaa beelahan walaalaha ah maanta, waxa kale oo uu tacsi u diray eheladii wiilkii shalay galainkii dambe ku dhintay mudaharaadadii Boorama.



Cheif Caaqil Daahir Cismaan Cilmi oo isaguna ka hadlay madashashan ayaa xusay in aan mudaharaadadii shalay ka dhacay Boorama lagu tilmaami karin kuwo ay cidi ka dambayso waxana uu yidhi ” Majirto cid ka dambaysaa, waxa ay ahjayeen dhaliyaro qiirootay, waxanan u sheegayaa in loo baahnaa mudaharaad nabdoon”. Mar uu ka waramayay calamadii maalintii shalay ay mudaharaadayaasha qaar siteen aya yidhi ” waan cambaaraynayaa calankii Buluuga ahaa ee shalay la qaatay, waxa aan leeeyahay calanku waa maro mana taal sabab uu u waxyeeleeyo go’aanka qaranimada Somaliland. hana la ogaado in calankaas intii lahaydba anay waxba ku hayn lama huraankuna uu yahay calanka midabada leh ee Somaliland. Ch. Caaqilku waxa kale oo uu si kulul ugu tilmaamay dhacdo ka baxsan dhaqankii Soomaaliyi lahaan jirtay falkii foosha xuma ee ay ku kaceen koox waxma garato ah oo jidka u galay dad safar ah mid aanan la aqbali karin loona baahan yahay in sharciga la horkeeno cidii ka dambaysay. Cheif Caaqil Daahir mar uu ka waramayay xaalada dagaalka Jiida Ceel-bardaale waxa uu yidhi ” Waa lama huraan in nabada la qaato lana soo afjaro colaada waxana uu yidhi ” ninbaa bari la yidhi ma dhamaaday dagaalkii oo yaa laga adkaaday, waxana uu ku jawaabay INTA CID CIIL QABTAA JIRTO CIDNA LAGAMA ADKAAN sidaas aawadeed walalayaal nabada qaata oo dagaalka jooja. Waxa kale oo uu ugu baaqay dhamaan cid kasta oo lug ku leh dagaalka jiida Ceel-bardaale in ay isku noqoto, ka waantawdo waxa ay faraha kula jirto isla markaana Caqlifayoow ku fikirto.



Waxgarad Cismaan Barkhad Xirsi oo isaguna ka hadlay shirkan ayaa yidhi ” Waxa ku soo kordhay ilaa daraad dhaqanka umada in wadooyinka loo galo safarka lana laayo, waxana hubaal ah in ay tahay dhacdo naxdin badan oo aanan loo baahnayn soo noqnoqodkeeda waxana uu intaas raaciyay hadii la iska soo afjari waayo waa hubaal oo way faafaysaa ee haloo guntado sidii loo soo afjari lahaam, Waxana oo markale ku celiyay in aanay dhjacdadaas qafaalashada ahi xidhiidh la lahayn colaadii Ceel-Bardaale. Waxa uu ugu baaqay beelaha colaada Ceel-bardaale ay dhex taalo in ay nabada qaataan, waxana uu u sheegay in umada reer Somaliland ay tahay mida uu xilku ka saaran yahay doondoonida nabada beelaha Ceel-Bardaale.




CaaqilMuuse Xuseen Saxane oo isaguna ka hadlay shirkan Jaraa’id ayaa tacsiyeeyay umada reer Somaliland iyo gaar ahaanba intii ay ka geeriyoodeen dadkii ku dhinta y shaqaaqadii Jidgooyada ahyd iyo guud ahaanba dagaalada Ceel-bardaale, waxa uu xusay Caaqilku in ay wali gaabis yihiin talaabooyinkii loobaahnaa in ay xukuumadu ka qaado kooxdaas Budhcada ah, waxa uuisaga oo sii hadlaya uu yidhi ” Somaliland nabad ayay iibin jirtay imikana amaantii nabada ayaa ka badatay umada oo waa gaabis sida loogu gurmaday colaada Ceel-Bardaale waxana loo baahan yahay in loogu gurmado beelahaas Walalaha ah si la mid sidii loogu gurmaday meelihii Bariga Somaliland. Caaqilku mar uu ka hadlay mudaharaadadii shalay waxa uu yidhi ” Dhalinyarooy qaab nabdoon aya loo abaabulaa mudaharaadka, Marada shalay la sitayna meesheedii ma jirto daganaantuna waa mid haboon Somaliland-na waa muqadas jiritaankeedu. :sland: :sland:
Shirkan jaraa’id ayaa waxa akle oo ka hadlay salaadiin, cuqaal iyo waxgarad kale oo ka tirsan beelaha Maxamed case waxana ay intuba cambaareeyeen Dhacdadii jidgooyda ahayd, waxana ay u taciyadeeyeen dhamanba eheladii ay baxeen intii dhimatay sidoo kale waxa ay Somaliland wax garadkeeda ugu baaqeen in nabada loo dagdago.

Lughayanews-
Office/Borama
User avatar
Keyse_0208
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9898
Joined: Thu Apr 10, 2008 11:42 am
Location: L D N
Contact:

Re: Calankii Somaliya Ee Shalay Mid Aanan Meeshiisii Joogin.Post

Post by Keyse_0208 »

MALMAHA wrote:salaadiintani cambaareeyeen mudaharaadayaashii shalay ee lulayay calanka Somaliya oo ay tilmaameen in uu tahay mid aanan meeshiisi joogin isla markaana ah maro aanan waxba ka badalikari qadiyada Somaliland.
:lol:

You should go and post this in the General section and Break the hearts of all the Jabartis who were dancing yesterday ......
User avatar
MALMAHA
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 960
Joined: Mon Apr 27, 2009 11:16 pm

Re: Calankii Somaliya Ee Shalay Mid Aanan Meeshiisii Joogin.Post

Post by MALMAHA »

they dont have no hope.
they are green with envy.
ass they always were,

you know one song beri loo qaday daroodka welba majeerteen was so to the point.

mr miicaad miigane is truly and scholar and a poet,
he is confirming the problem with majereteen is never ending,
and called it sickness, diseases Cancers, backwards.

dadbay meeli buugta

check this -----------------------------
Ereyadii: Miicaad Miigane
-----------------------------
http://www.somalilyrics.net/music/waabe ... eli-bugtaa
inkastoo loo baaqo
oo loo sheego barwaaqo
dadbey meeli bugtaa

aan baranee noo kala
baadhoo beyen u cadee


beyen u cadeeyee
waa booli cunaha
beenlowgiyo tuuga


baryadda aan diidno
miyey ka bukaan


haa :twisted: :mrgreen:


beeraha aan qodano
miyey ka bukaan
haa
baahida aan aragno
miyey ka bukaan
haa
nolosha bidhaantey
miyey ka bukaan
:twisted:

waxaan baabi'iney
boodhka ku aasney
baafinayaan
:oops: :oops:


maxey aheyd
balanteenu
maxey aheyd
:idea: :idea:

ka inaga beydhaa
haynaga baxo :lost:
bax
baasha u leexdaa
haynaga baxo :lost:
bax
dhulka bi'inaayaa :lost:
haynaga baxo
bax
loomaba baahnee :lost:
haynaga baxo

qabiilka dan moodaa
haynaga baxo
bax
midawga ka boodee
haynaga baxo :lost:
bax :lost:
boogi ku taalee
haynaga baxo :lost:
bax :lost:
loomaba baahnee
haynaga baxo :lost:



inkastoo loo baaqo
oo loo sheego barwaaqo
dadbey meeli bugtaa
aan baranee noo kala
baadhoo beyen u cadee

beyen u cadeeyee
waa booli cunaha
beenlowgiyo tuuga

barwaaqada maanta
miyey ka bukaan
haa
barkhada iyo kheyrka
miyey ka bukaan
haa
xaqa la bayaanshey
miyey ka bukaan
haa
beesha is raacdey
miyey ka bukaan

waxey wateenoo
baryahan la waayey
baafinayaan

maxey aheyd
balanteenu
maxey aheyd

ka inaga beydhaa
haynaga baxo
bax
baasha u leexdaa
haynaga baxo
bax
dhulka bi'inaayaa
haynaga baxo
bax
loomaba baahnee
haynaga baxo

qabiilka dan moodaa
haynaga baxo
bax
midawga ka boodee
haynaga baxo
bax
boogi ku taalee
haynaga baxo
bax
looma baahnee
haynaga baxo
User avatar
MALMAHA
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 960
Joined: Mon Apr 27, 2009 11:16 pm

Re: Calankii Somaliya Ee Shalay Mid Aanan Meeshiisii Joogin.Post

Post by MALMAHA »

:heart: :heart: this song maan :lol: :lol: :lol: :lol:
User avatar
salafi_student
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2223
Joined: Mon Dec 19, 2005 3:47 pm
Location: If you would only listen, I can educate you!

Re: Calankii Somaliya Ee Shalay Mid Aanan Meeshiisii Joogin.Post

Post by salafi_student »

Sorry "Happy boys" to disturb your party!

Few old men who got paid can lock themselves in a room and dash out "Baaqs", easy, I can even do that, send "baaq" in the comfort of my bed room.

The Bottom line here is that the crowd spoke loud and clear.



_____________________________________________________
Uniting Muslims is my main concern.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”