Warar laga soo xigtay dadkii la qafaashay.

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
MALMAHA
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 960
Joined: Mon Apr 27, 2009 11:16 pm

Warar laga soo xigtay dadkii la qafaashay.

Post by MALMAHA »

this is rubbish blaming the army general and marxum cigal, ahn.
riyale is to blame and his rag-tag regime.
which don't represent the people of somaliland justly.


http://www.somaliland.org/2009/07/13/hr ... omaliland/










Warar laga soo xigtay dadkii la qafaashay.

July 13 - Wareysiyo ay bixiyeen dadkii goob joog ahaa markii budhcadda degmada Gabiley ay dadka jidka u joogsatay ayaa sheegaya in baabuurta ay dadkaasi jidgooyada sameeyey ay isticmaaleen baabuurta booliska ee laga leeyahay Wajale iyo Gabiley.


Gacan ku dhiigalayaashaas jidka gooyey ayaa waxa watay oo baaburka boliska waday gacan ku dhiigle ka tirsan ciidamad booliska ee degaanka Gabiley oo magaciisa la yiraahdo Cawar Xareed. Cawar xareed waxa uu ahaa daydagii iyo dhuljiifkii wakhtigii dagaal sokeeye 1990s. Hase ahaatee imika waxa uu yahay sarkaal ka tirsan ciidamada booliska ee degaanka gabiley.


Waxa uu geystay sida la soo sheegay falal hore oo dil ah 1994 taasoo wax ciqaab ah aan lagu qaadin habayaraatee dilalkaas.
Imikana waxa la soo shegayaa inuu hogaaminayey gacan ku dhiiglayaashan isagoo sitay direyskii dawladda ee booliska iyo baabuurti booliska degmada gabiley.


Dadka la soo daayey ee nolosha ku yimid ayaa sheegay in aanay ujoogsadeen gacan ku dhiiglayaasha laakiinse ay ku digteen baabuurka booliska oo ay u qaateen ciidamadii booliska oo wax ka qabanaya shilal iwm.


Nin kale oo xaajiyad watay oo reer Dila ah aya sheegay inuu isagu jiidhay oo aanu istaagin xabad ay ka soo daba rideenna ay la waayee. Markii ninkaasi jiidhay waxa ay sameeyeen baabuurkii booliska ayey jidka ku gooyeen si ay baaburtu u istaagaan iyagoo u heysta in ciidamadii amnigu ay joojinayaan.


Hadaba dhaman ciidamada booliska ee degaanada Gabiley ayaan imika iyo wixii ka dambeeya lagu kalsoonaan karin madaama ay gacan ku dhiiglayashii iyo iyagii ay isku milmeen oo aan la kala garaneyn. Islamarkaana dagaalkan Ceel- Berdaalana ay yihiin kuwa qeyb ka ah.


Waxa haddaba jirta in dhamaan dhuljiifkii, daydeygii, tuugii ,la wada shaqaaleyey oo mushahar ay ka qaaataan dawladda iyagoo ka tirsan ciidamada Booliska ee degmada gabiley. Sidaasna waxa loo yeelay markii maleshayadoodi xukumaddii Cigaal qarameysay waxa lagu muslaxay inay Boolis noqdaan, laakiin boolis nadiif ah maaha, in magaalo kale la geeyana maha, hadii kale waxay sameynayaan dil iyo toogasho badheedh ah sidii ay u dileen gabadhii yareyd ee Reer Nour wakhtigii diiwangelinta iyo shalay sidii badheedhka aheyd ee ay u dileen wilkii yaraa ee Cabdi fataax.


Markaa haday dawladdu iyaga tahay oo cid soo qabataaba aanay jirin wixii falal dambiyo ee ay geysteen cid loo raacayaa ma jirto.Waxa uun u eg reer Awdal inaan dhulkooda la keenin booliskan dhuljiifka ah ee gashan direyska Somaliland..


Takale warar kale ayaa shegaya inuu gashanle Nuux Taani waxan oo dhan qarinayo oo gacanweyn ku leeyahay. Isagoo og halka ay joogaan budhcadii iyo booliskii dhibkan geystay oo uu ka mid yahay Cawar Xareed iyo ina Raage Qaate Qaate.


Waxa jira warar aan soo kala cadaan oo sheegaya in Gaashaanle Nuux xilkii laga qaaday. Hadii arintaasi ay dhab tahay dhamaan gacan ku dhiiglayaasha waa la soo qaban karaa waayo isagaa ka mid ahaa kuwa qarinaya.


Dhibtan iyo colaadanna waa la joojin karaya laakiin hawl taliyihii loo diray aasayo ama uu qarinayo amaba uu ku gargarayo falakaas waxshinimada ah xal loooma helayo.


laakiin waxaan sugnaaba waa xukuumadda oo soo qabata gacan ku dhiiglayashii falkan geystay ama booliiskii ha ahadan ama yaanay ahaanin. Haday soo qaban weydo oo weli la qarinayo dadkaa xalkooda sameysan haday noqoto is difaac iyo haday noqoto soo qabasahada gacan ku dhiiglayaasba xaqna way u leeyihiin 100%.


Warsanmag.com
User avatar
SahanGalbeed
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19032
Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
Location: Arabsiyo ,Somaliland

Re: Warar laga soo xigtay dadkii la qafaashay.

Post by SahanGalbeed »

Waa caynkas , taani baa day-day ahaan jiray oo asaxaabti bu qarinaya :lol:
Bal waxay ku hadlayaan eega
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”