Burco (BuraOonline) 14.07.09 Guddida guud ee beesha (HabarJeclo) ayaa baaq nabadeed u diray beelaha wallaalaha ah ee ay shaqaaqadu ku dhex martay degaanka Ceel-bardaale, isla markaana ka codsaday in ay collaada iyo dagaalka joojiyaan una hoggaansamaan baaqyada nabadda iyo cidda ku dhex jirtaba, iyagoo dhinaca kale ummadda reer Somaliland ugu baaqay inay arrintaas cid kastaa gacan nabadeed ka geysato.
Weriyaha Haatuf ee gobolka Togdheer, Axmed Aadan Yuusuf oo nuqul ka mid ah baaqaas ay guddida guud ee beesha HabarJeclo soo gaadhsiiyeen ayaa waxa uu qornaa sidan:
“Haddaanu nahay guddida guurtida guud ee beelaha Habarjeclo Salaadiinta, Cuqaasha iyo waxgaradka beesha waxa aanu aad uga xunnahay dagaalka dhimashada iyo dhaawaca keenay ee Ceelbardaale ku dhexmaray Beelaha wallaalaha ah ee Somaliland isla markaana waxa aanu tacsi u diraynaa dadkii ku dhintay eheladooda, kuwa ku dhaawacmayna waxa aanu u rajaynaynaa caafimaad degdeg ah.
Waxaanu ugu baaqaynaa kana baryeyna beelaha wallaalaha ah ee waxyeeladu soo kala gaadhay in ay si dhakhso ah u joojiyaan collaada isla markaana sida dhaqankeenu yahay arinta wada hadal lagu dhameeyo, isla markaana ay u hoggaansamaan baaqyada nabadda iyo cidda ku dhex jirtaba, waxa dhacay iyo waxa ay kala tirsanayaanna ay labada dhinacba isu tanaasulaan taas oo dhaqan inoo ah haddaynu nahay reer Somaliland, cadhada iyo caadifaddana laga fogaado.”
Baaqan ayaa waxa uu ka soo baxay guriga Guurtida Beelaha Habarjeclo ee Magaalada Burco.
Dhinaca kale, Madax-dhaqameedyo ka soo jeeda gobolka Sanaag oo isugu jiray boqoro, Salaadiin iyo cuqaal, kaashanayana madaxda degmada Ceerigaabo iyo gobolka Sanaag ayaa si wada jir ah shalay uga digay in la siyaasadeeyo shaqaaqada ka soo cusboonaatay degaanka Ceel-bardaale, isla markaana waxay xukuumadda Madaxweyne Riyaale ku eedeeyeen in ay ka caga-jiiday wax ka qabashada xaaladda degaanka Ceel-berdaale oo ay ku tilmaameen mid in badan soo jiitamaysay.
Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Sanaag, Maxamuud Siciid Ducaale, madax-dhaqameedku waxay sidan ka sheegeen shir ballaadhan oo ay shalay ku qabteen magaalada Ceerigaabo.
Boqor Maxamed Nuux Aadan oo ugu horeyn shirkaas ka hadlay ayaa hadalkiisa ku bilaabay oo yidhi: “Waxaan uga tacsiyaynayaa dadkan walaalaha ah ee ku dagaalamaya Ceelbardaale dadkii kaga dhintay intii shaqaaqadani socotay, waxaan ugu baaqaynaa beelahani in ay xabadda joojiyaan soona fadhiistaan miiska wada-hadalka, sidaas darteedna waxaanu xukuumadda ka dalbaynaa in ay gacan bir ah wax kaga qabato cidii nabadda jebinaysa.”
Waxa kale oo isna halkaas ka hadlay Caaqil Cali Maxamuud Cismaan, ayaa ka digay in la siyaasadeeyo xaaladdan ka aloosan degaanka Ceel-berdaale, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa oo uu yidhi: “Waxaanu ka digaynaa in la siyaasadeeyo xaaladdan ka aloosan Ceel-bardaale. Waxaanu halkan isugu nimid oo aanu ka damqanay waa colaadda ka soo cusboonaatay Ceelbardaale, waxaanuna leenahay joojiya xabadda si bilaa shuruud ah, sababtoo ah ma jirto dabkaasi cid ka badbaadaysa.”
Sidoo kale waxa iyaguna halkaasi ka hadlay cuqaal aad u faro badan waxayna dhamaantood ka digeen in la siyaasadeeyo xaaladdan ka aloosan Ceelbardaale, iyagoo xukuumadda ku dhaliilay in ay ka caga-jiiday wax ka qabashada collaadan oo soo jiitamaysay muddo badan.
Dhinaca kale waxa iyaguna halkaas ka hadlay Badhasaabka gobolka Sanaag iyo Maayarka magaalada Ceerigaabo, kuwaas oo uga tacsiyadeeyay qaranka Somaliland iyo eheladii ay ka geeriyoodeen dadkii ku dhintay intii colaadani socotay, waxay ku baaqeen in ay xabadda joojiyaan.
Buraoonline
Baaq Nabadeed from Beesha Habar Jeclo...
Moderator: Moderators
- LiQaaye_TDH
- SomaliNet Super
- Posts: 15857
- Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
- Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...
- SahanGalbeed
- SomaliNet Super
- Posts: 19032
- Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
- Location: Arabsiyo ,Somaliland
Re: Baaq Nabadeed from Beesha Habar Jeclo...
Hooyada u sheeg , la na soo safo gadabuursiga haddad rabto Liqayso !
- Ducaysane_87
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 3997
- Joined: Sat Jun 06, 2009 1:38 pm
- Location: Financing the Handcutter Company of Ina Godane
Re: Baaq Nabadeed from Beesha Habar Jeclo...
^^^
do you think Hj will side with Gadabursi

- LiQaaye_TDH
- SomaliNet Super
- Posts: 15857
- Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
- Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...
Re: Baaq Nabadeed from Beesha Habar Jeclo...







why is This nurse Crying? Is your Jibril Abokor getting Massacred By Riyaale? or Gedabuursi?
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 206 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 24 Replies
- 2268 Views
-
Last post by gurey25
-
- 8 Replies
- 866 Views
-
Last post by KingMJ
-
- 20 Replies
- 1348 Views
-
Last post by Cali_Gaab
-
- 9 Replies
- 1192 Views
-
Last post by Monk-of-Mogadishu
-
- 19 Replies
- 1345 Views
-
Last post by Honestbroker
-
- 2 Replies
- 1339 Views
-
Last post by SahanGalbeed
-
- 1 Replies
- 329 Views
-
Last post by original dervish
-
- 1 Replies
- 305 Views
-
Last post by original dervish