Source:http://www.allpuntland.com/article/anmv ... a=5593&z=2Garowe: Bayaankii ka soo baxay dowladda Puntland ee ay uga hadashey SSC, DFKMGS iyo dagaalka Muqdisho...Akhri..
14. juli 2009
Print This Article | Daabaco warkaan
Garowe(AllPuntland)- Dowladda Puntland ayaa maanta soo saartay bayaan ay kaga hadashey xaaladaha gobalada Sool, Sanaag, Cayn, arimaha dowladda Soomaaliya iyo ayada ka dhaxeeya iyo lakulankii Isimada gobalada SSC.
Waxaana Bayaanka Saxaafada uga waramay Wasiir kuxigeenka Warfaafinta Puntlad C/shakuur Mire Aaden, wuxuuna uqornaa Sidan.
Qodobka koowaad ee Warsaxafadeedka
Dawladda Puntland waxaa marwalba ka go’an dib u soo celinta deggaaneeda ka tirsan ee gacanteeda ka maqan, waa waajib saaran oo muqadas ku ah dowladda Puntland dib isugu soo celinta dhulka Puntland iyo khariidiisa ku jaan go’nayd xilligii la asaasay
. Waa ka warhayaa maamulka Puntland xaaladaha dhabta ah ee ka jira degggaanadda Sool, Sanaag iyo Cayn, haday ahaan lahayd dhinaca Amaanka, bulshadaba, duruufaha dhaqaale iyo mida nololeed, mana ahan arrin la moog yahay xaaladda Goboladaasi ku sugan yihiin, iyadoo dowladda Puntland ku howlan tahay qorshayaasheed u gaarka ah sidii wax looga qaban lahaa arrimahaas.
. Laga soo bilaabo 15 Oktoobar 2007 waxaa maamulka isku magacaaba Hargeysa ku soo siqayay dhulka Puntland, iyagoo isla waqtigaas gacanta ku dhigay Laascaanood oo ahayd xarunta gobbolka Sool.
Sidaas darteed Dowladda Puntland iyo hoggaankeeda xilligan maskaxdooda marna kama maqna, kamana maqnaan doonto dibu soo celinta deggaanadda Puntland ee maqan, iyadoo hab walba oo lagu soo celin karo loo marayo.
. Ma ahan caqli gal in dadweynaha reer Puntland ee Gobolada Sool Sanaag iyo Cayn u dhega raariciyaan dacaayadaha lagu jaahwareerinayo yoolka dowladda Puntland higsanayso, mana ahan in qof waliba uu doono taladda xasaasiga ah inuu lug ku yeesho, waana waajib saaran dowlada iyo shacabka reer Puntland u wada guntadaan dib u soo celinta deggaanadda ka maqan.
Mana ahan talaabada dib u soo celinta deggaanada maqan mid mugdi ku jirta ee aan muuqan, amaba Puntland qorsho cad ka lahayn.
Qodobaka Labaad Ee Warsaxaafadeedka -Kulankii Madaxweyne ku Xigeenka iyo Issimadda Sool, Sanaag, iyo Cayn ee Garowe 10 July, 2009.
· Waxaa maalmahan warbaahinta qaarkeed si aan hufnayn oo been abuur ah uga hadashay kulan qado sharaf ahaa oo uu Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland ahana Ku Simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shire 10 July 2009 la yeeshay Issimadda Sool, Sanaag iyo Cayn
. Kulankaas ayaa ujeedadiisa dhabta ahi waxay ahayd sidii xog-ogaal loogu noqon lahaa duruufaha dalka( Puntland) ka jira ee dhinacyadda Amniga, Bulshada iyo nolosha, gaar ahaan Gobolladda Sool, Sanaag iyo Cayn, waxaana uu ahaa kulankaasi is xog waraysi iyo wada tashi Issimadda Sool, Sanaag iyo Cayn iyo hoggaanka dowladda Puntland.
· Sida warbaahinta qaarkeed buunbuunisay kulankaas lagagama wada hadlin shir la sheegayo in lagu qabanayo Nairobi caasimadda wadanka Kenya, ""Wax la eryo been ayaa ugu gaabisa"".
Waxyaabaha ay ka wada hadleen Madaxwene ku Xigeenka iyo Issimadda Sool, Sanaag iyo Cayn ciddii doonaysa inay xaqiiqada ogaato waxay weydiin karaan Issimaddii ka qayb galay kulankaas qado sharafta ahaa.
Waayo Issimadu waa ka nasahan yihiin in lagu been abuurto.
· Waxaa Dowladda Puntland cadaynaysaa in aysan waxba ka jirin hadalada shakhsiyaad yar ee ka soo horjeeda Puntland ku hadaaqayaan oo ah in Issimadda Sool, Sanaag iyo Cayn u af duuban yihiin Dowladda Puntland "" Xagalo Geel wax Guntiga la geliyo ka weyn"" Issimadu waa hoggaan dhaqameed laf dhabarta u ah Bulshada oo leh ixtiraamkooda u gaarka ah.
Sida ku cad Dastuurka cusub ee ay dhowaan ansixiyeen Golayaasha Dowladda Puntland.
Qodobaka Sadexaad Ee Warsaxaafadeedka Dowladda Federaalka iyo Puntland.
· Ma jiro ergay gaar ah oo ka socda xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo kulan la qaatay Ku Simaha Madaxweynaha ahnaMadaxweyne ku Xigeenka Dowladda Puntland .
Shakhsigaas ku andacoonaya inuu wakiil ka yahay Ra’iisulwasaaraha waxaa uu Madaxweyne ku Xigeenku u qaabilay sidii muwaadin reer Puntland oo caadi ah.
Qaabilaadaas oo uu xaq u leeyahay qof kasta oo Puntland u dhashay.
Ma jiro qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha DFKM oo soo gaaray Madaxtooyadda Puntland oo cadaynaya in shakhsigaasi yahay ergay ka socda xafiiskaas uu sheeganayey.
· Siyaasadda dowladda Puntland ee xilligan waa mid ku dhisan wada tashi iyo go’aan wada qaadasho, dhamaan gollayaasha Puntland, sidaas darteed ayaa waxaan jirin wax heshiis oo sharciyeysan oo dowladda Federaalka iyo dowladda Puntlan isla meel dhigeen, ama wada shaqayn iyo is faham labada dhinac wada yeesheen.
Waxa keliya oo jira oo dowlada Puntland ku dhegan tahay nidaamka Federaalka e ku qeexan Dastuurka Federaalka eek u Meel gaarka ah, oo Nasiib daro la moodo in beryahan mugdi la gelinayo.
· Waxay dowladda Puntland qiraysaa inay waxyaabo badan oo jira ku saluugsan tahay DFKM ee iminka jirta.
· Xukumada Puntland si cad weli looguma war gelin imaanshaha Ra’iisul Wassaraha DFKM.) sida ay warbaahinta Soomaalidu qaarkeed sheegaan).
· Dowladda Puntland waxay mar kale ku baaqaysaa in si deg deg ah loo joojiyo dagaaladda iyo Colaadaha ka socda Koonfurta Soomaaliya gaar ahaan Caasumadda Muqdisho., lana isugu wada yimaado miiska wada hadaladda. Si xal loo gaaro. Taasoo ay Puntland diyaar u tahay inay qayb weyn ka qaadato, gogolna u fidiso walaalaha Soomaaliyeed ee dhiigoodu isku daadanayo.
Ugu dambayntii marwalba Puntland waxay u taagan tahay in Soomaaliya ahaato, kuna dhaqanto nidaam Federal ah sida ku qeexan Axdigii la isku waafaqay Shirkii dib u heshiisiinta Soomaalida ee lagu soo yagleeday DFKM.
It is official sool, sanaag, cayn..This is Puntland land....Puntland won't give up on that land be it today or 1000 years.. I think plannin to attack, usually before an attack they give political gestures like this...
