Ceerigaabo=Baaq nabadeed oo kusocda Beelaha Ceel-berdaale, Daawo Sawirkooda
Written by Qarannews
Jul 14, 2009 at 06:37 AM
Ceerigaabo(Qarannews) Shir ballaadhan oo ay isugu yimaaddeen Madax-dhaqameedyada, Guurtida, Aqoon-yahannada, Dhallinyarada, Ururrada bulshada iyo Waxgarad kale ee beelaha ku dhaqan gobolka Sanaag ayaa gelinkii hore maalintii Isniinta(manta) waxa lagu qabtay Hoolka shirarka Xarunta Maammulka gobolka Sanaag ee magaalada Ceerigaabo.
Shirkan oo sidoo kale ay goob jog ka ahaayeen badhasaabka gobolka Sanaag (Cali Cabdi Hurre) iyo qaar kamid ah madaxda kale ee laamaha dawladda (heer gobol iyo degmoba) ee Ceerigaabo ayaa nuxurkiisu ahaa baaq-nabadeed oo halkaas looga soo jeediyey beelaha isku haya degaanka Ceel-berdaale ee galbeedka Somaliland.
Madax-dhaqameedyada iyo waxgaradka kazoo kala jeedaha beelaha reer Sanaag ee iyagu halkaas ka hadlay ayaa iyagoo si is daba jog ah in badan ka hadlayey colaadda iyo dagaalladii soo kala dhex maray iyo weliba sidii iyagoo aan dawlad iyo cid kale toonni soo dhexgelin ay uga heshiiyeen una xallileen colaaddaas hore iyo wixii dhibaatooyin ee ka dhashay intaba, waxay beelaha degaanka Ceel-berde usoo jeediyeen hadallo badan oo isugu jira hoga-tusaalaynta saamaynta colaaddu yeelan karto iyo talooyin la xidhiidha soo afjaridda khilaafka sokeeye ee ka abuuranta xilligan degaankaas.
“Halkan colaaddii ka dhacday waxannu qabnaa in aanay meelna ka dhicin, haseyeeshee waxa soo afjaray waa rag iyo talo midaysan iyo wax kastaba oo si daacadnimo ah oo aan hiirtaanyo lahayn iyo isu tanaasul badan kaddib looga wada hadlay, taas ayaa ah tan maanta aannu kula talinayno walaalahayaga isku haya degaanka Ceel-berdaale, waana in miiska wada-hadalka wax kastaba lagu dhammaysro”. “Walaalahayaga degaanka Ceel-berdaale waxannu usoo jeedinaynaa baaqan oo aannu leenahay walaalayaal manta dani innookuma jirto colaad sokeeye oo ka aloosanta Somaliland weliba waxan leeyahay waa inaad ilaalisaan midnimada iyo jiritaanka Somaliland sidoo kalena wax kastaba aad wada hadal iyo isu tanaasulkii laynooka bartay waa inaad ku dhamaaysaan, haddii aad nooga baahataan wixii gacansiin walaaltinnimo ahna diyaar waxannu u nahay in aannaan waxba idin kala hadhin naf iyo maal toonna xukuumadda iyo cid kasta oo ku hawl-lan nabadaynta degaankaasna waxan leeyahay waad ku mahadsan tihiin hana ka daalina”.
Weedhahaasi waxay kamid ahaayeen hadalladii ay halkaas ka yidhaahdeen madax-dhaqameedyada iyo guurtida beelaha reer Sanaag.
Badhasaabka gobolka Sanaag Cali Cabdi Hurre oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa guud ahaan madax-dhaqameedyada iyo bulshada reer Sanaag ee shirkan isugu yimid isagoo si weyn ugaga mahad celiyey sida ay dareenkooda ugu muujiyeen in ay ka xun yihiin colaad ka aloosanta xilligan degaanka Ceel-berdaale iyo guud ahaanba Somaliland wuxu aad ugu dheeraaday nabadda iyo faa’iidooyinkeeda iyo colaadda iyo dhibaatooyinkeeda wuxuna sidoo kale ugu baaqay bulshada degaankaasi in ay so oaf-jaraan colaada soona wada fadhiistaan miiska wada gadalka isagoo intaas kusii daray haddii colaadi ka bilaabanto degaankaas ama degaan kasta oo Somaliland ah iyo deriska toonna in aanay halkaas ku negaanay haddii aan halkeeda lagu soo afjarin taas oo uu sheegay in waayo arag maanta laga yahay.
Qarannews
Ceerigaabo
Somaliland.
Last Updated
http://www.qarannews.com/index.php?opti ... &Itemid=62
Ceerigaabo=Baaq nabadeed oo kusocda Beelaha Ceel-berdaale, D
Moderator: Moderators
- Ducaysane_87
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 3997
- Joined: Sat Jun 06, 2009 1:38 pm
- Location: Financing the Handcutter Company of Ina Godane
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 354 Views
-
Last post by MALMAHA
-
- 1 Replies
- 308 Views
-
Last post by Kornel
-
- 35 Replies
- 1560 Views
-
Last post by Niya
-
- 3 Replies
- 588 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 0 Replies
- 206 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 0 Replies
- 437 Views
-
Last post by Samatr
-
- 9 Replies
- 526 Views
-
Last post by xoogSADE14