Dirta Waqoyi Lock Up 80 Year Old Borama Woman

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Osman-NZ
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 606
Joined: Thu Jul 02, 2009 8:50 pm

Dirta Waqoyi Lock Up 80 Year Old Borama Woman

Post by Osman-NZ »


Badhasaabka Awdal Oo Lagu Eedeeyey Inuu Xabsiga Dhigay Haween 80 Jiro Ah Oo Ka Soo Jeeda Qoyska Reer Sh. Cali Jawhar, Dhulkoodiina Dad Kale Siiyey

“Waxan Illaahay Ka Baryayaa In Qofka Na Haysta, Illaahay Wax Kadeeda U Keeno” Faadumo Sh. Cali Jawhar

Boorama, July 12, 2009 (Haatuf) – Xubno ka mid ah qoysaska caanka ah ee reer Boorama, ayaa guddoomiyaha Gobolka Awdal, Maxamuud Sh. C/laahi Cige, ku eedeeyey inuu kula kacay falal arxan darro ah, kana baxsan shuruucda dalka iyo kan diinta islaamka ah, kaddib markii uu xabsiga u diray haween da' ah oo ka soo jeeda qoysaskaasi, isla markaana dhul-beereed ay ku leeyihiin Boorama uu siiyey dad kale oo ay isaga dano kale ka dhexeeyaan.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal, Maxamed Cumar Sheekh, xubnahan ayaa sidoo kale badhasaabka Awdal ku eedeeyey, nin aan ku dhaqmin shuruucda dalka, isla markaana ciddii uu doonana xidhxidha, wax ka daba hadlaana aanu jirin, sidaa darteedna loo baahan yahay inay bulshada reer Somaliland iyo reer Awdalba kula taliyaan inuu dadka si caddaalad ah ugu xukumo gobolka.

Faadumo Sh. Cali Jawhar, oo ka mid ah saddex haween ah oo dhawaan loo qabqabtay muran dhul-beereed ay ku leeyihiin Boorama oo dad kale ku sheegteen qaybo ka mid ah, ayaa wareysi ay arrintaasi Haatuf ka siisay kaga hadlay arrimo door ah oo ku saabsan caddaalad darro, sharci la'aan iyo arrimo kale oo ay ka tirsanayaan gudoomiyahaasi, waxayna Faadumo Sheekh Cali Jawhar tidhi: ''Dhawr iyo sagaashan sano ayaan jiraa weligayna ma arag xafiisyo dawladeed, ama mid la iiga yeedhaba. Waxaan la yaabay waxa aniga iyo haween kale oo walaalahay ah naga qabsaday guddoomiyaha gobolka Awdal, oo beer aan weligayo Boorama ku lahayn na dul keenay dad aanaan wax naga dhexeeyaa jirin, kaddibna beertayadii badhtankeedii jago ka qabsaday oo leh qasab baan ku dhisanayaa. Waxa dhacday in maamulka dawladda Hoose ogyahay sharcigayaga dhulbeereedkaasi, cashuurtiina aanu bixinnay, isla markaana aanu ku dhaqaaqnay inaanu qayb ka mid ah dhisanno, kaddibna annagoo halkaa marayna ciidan iyo dad shicib ah nala dul keenay oo nalaga burburiyey dhismahayagii, isla markaana xabsiga saldhigga Bileyska nala geeyey. Markii aan nidhi maxaa nalagu haystaana la yidhi dhul baa la idinku haystaa, oo weliba badhsaabku cid uu wato ayaa idinku haysata, waxana nalagu yidhi ma dhisan kartaan. Intaa markay marayso ayaa habeennimadii dambe koox kale dhulkayagii qabsatay oo haddaan doonayo in dhulkayga xoog ku raadsanno, waxay tafiirtaydu maraysaa 72 qof, gabdhaha kale ee ila dhashayna waa intaa in le’eg, mana doonaynno inaan xaqayaga u dagaalanno. Dadkan ma garanaynno, dhul deris ah ma nihin, dhul nagama iibsan ilaa imikana waan garan la’nahay sida wax u socdaan iyo waxa badhsaabku annaga noogu haysto dhul jago ah oo uu dad la doonayo. Waxaan ummadda reer Somaliland, ummadda reer Awdal, muslimka dhulka ku nool, Golayaasha qaranka, iyo xukuumadda sareba ka codsanaynaa in arrintaasi badhsaabku nagu hayo ee tacaddiga iyo dulmiga ah wax laga qabto, loona sheego in dhulka ay shaqo ku leedahay dawladda Hoose, maxkamadda iyo meelaha kale ee sharciga dawladda laga hago, intaaba hanala horgeeyo, wixii intaa ka baxsan waxaanu u aragnaa gef iyo awood sheegasho iyo shaadhka dawladda oo nalagu dhacayo, waxaan Illaahay ka baryayaa in cidda dhibtaa nagu haysa Illaahay keligii meel ka siiyo wax kadeeda.”

Intaa kadib ayaan dadkii deriska la ahaa dhul-beereedkaasi wax ka weydiinnay sida wax u socdaan iyo cidda meeshaa isku haysta.

Ugu horreyn waxan wax ka weydiinnay nin la yidhaahdo Faysal C/raxmaan waxaanu yidhi “Meeshan waxan deggenayn muddo toban sano, dhulkan aan guriga ka dhisannay waxa naga iibiyey reer Sh. Cali, iyaga uun baan meeshan ku ogeyn, waxaanu maalin dhaweyd aragnay ciidan iyo dad kale oo muddo saddex saacadood na haystay, weligayna ma arag.”

Oday kale oo isna ka mid ah odayaasha xaafadda ee jaarka la ah beertaa ayaa isna yidhi “Annagu buuqa waan maqlaynay dadka meesha yimidna waan moodaynay inay reer Sh. Cali ka iibiyeen meesha, waxan ogaannay goor dambe in dadkani meel kale ka soo duuleen oo meeshan uun farta loogu fiiqay, waar Illaahay ka yaaba ayaan nidhi, weyna na maqli waayeen, reerkaasina iyagaan ka iibsannay jagadan aanu deggenahay.”

Si kastaba ha ahaatee muranka dhulka ee magaalada Boorama ayaa haatan cirka isku sii shareeraya oo kolba weji la imanaya, sharcigii dawladda ee lagu kala baxayeyna haatan waa la dhaafay oo waa la maqli waayey, waxayna u egtahay in arrimahan dhulku haddii ay sidan ku sii socdaan ay keeni karaan xasilooni-darro aanay cidi itaal u haynin xalkeeda, daawladdana ay ka soo gaadhi doonto dhibaato kale.
Source:http://www.haatuf.net/2008files/1144.html

DAMNNNNNNNNNNN...80 year old woman :shock:
What a thug region. Viva reer borama ha lagu jihaado snm gaalo
User avatar
AbdiWahab252
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 56715
Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
Location: Unity. Strength. Capital.

Re: Dirta Waqoyi Lock Up 80 Year Old Borama Woman

Post by AbdiWahab252 »

Osman,

Why can't Majeertenia go and retake Las Canood ? What happened to the Hartinimo ?
User avatar
Babygirl-
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12897
Joined: Sat Aug 23, 2008 3:43 pm
Location: Khaatumite soil.

Re: Dirta Waqoyi Lock Up 80 Year Old Borama Woman

Post by Babygirl- »

AbdiWahab252 wrote:Osman,

Why can't Majeertenia go and retake Las Canood ? What happened to the Hartinimo ?
Why can't Hawiye Retake Muqdisho/Shabelada Hose/Dhusamareb what happened to Hawiyenimo?
User avatar
nomadicwarlord
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5946
Joined: Wed Aug 27, 2008 1:56 am
Location: Ayaan Hirsi's guest room

Re: Dirta Waqoyi Lock Up 80 Year Old Borama Woman

Post by nomadicwarlord »

All the Landers should pick up arms and defend SL :up: :up: :up:
User avatar
Osman-NZ
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 606
Joined: Thu Jul 02, 2009 8:50 pm

Re: Dirta Waqoyi Lock Up 80 Year Old Borama Woman

Post by Osman-NZ »

AbdiWahab252 wrote:Osman,

Why can't Majeertenia go and retake Las Canood ? What happened to the Hartinimo ?
Why? because we have secret developments going on with the traditonal heads of ssc. U see your dir wacel only have the support of the likes of xabsade who don't represent the ppl of las canood but represent their back-pocket. Where-as clan-elders of ssc have already given their support to puntland and puntland new administration has released a press conference declaring "They will do what-ever it takes to reclaim las canood" giving a stern-warning to dirta waqoyi.

Now if this warning came from cade muse the previous leader, i wouldn't pay much attention but this came farole administration who doesn't lie but keeps his word. So sland is focked. We beat their ass in 2003 when they were fully armed, but they only beat us when we were half manned. It shows u how weak ur dirta waqoyi really is.


You can read the official press-conference on ssc by puntland administration here. It was just yesterday also.
http://www.dailypuntland.com/pageView.p ... cleid=1406

Abdi-wahab puntland has been silent on it because they have "sir" with the clan-elders but now all the traditional clan-elders have given them the blessing and it has given out press release giving a political warning to hargeysa..next is u can use your imagination :mrgreen:
User avatar
AbdiWahab252
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 56715
Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
Location: Unity. Strength. Capital.

Re: Dirta Waqoyi Lock Up 80 Year Old Borama Woman

Post by AbdiWahab252 »

Babygirl,

Hawiyenimo ensures that nobody messes with the Hawiye Fiqishinni :up:

So sad to see the HArti abandon Las Canood :lol:
User avatar
Babygirl-
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12897
Joined: Sat Aug 23, 2008 3:43 pm
Location: Khaatumite soil.

Re: Dirta Waqoyi Lock Up 80 Year Old Borama Woman

Post by Babygirl- »

Lasanod wiil Dhulbahante baa hesaan jiraay mantana heesta no matter what he supports. & it's peaceful Lakiin Xamar sadly 20 yrs baa dagaal ka soocda.. maa anaga walaan mise wax ba mesha ka qaldaan? :lol: Maa anaga walaan mise Mooryantina iyo Wadadinuu (sheikh Aweys) wa isku Aqli..
Last edited by Babygirl- on Tue Jul 14, 2009 9:20 pm, edited 1 time in total.
User avatar
Osman-NZ
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 606
Joined: Thu Jul 02, 2009 8:50 pm

Re: Dirta Waqoyi Lock Up 80 Year Old Borama Woman

Post by Osman-NZ »

Abdiwahab...hawiye 2 million...darod 10 million...go and count yourself..from the united nations census on each region..

Ogaden 9 million
http://www.reliefweb.int/rw/rwb.nsf/db9 ... enDocument

Darod within somalia 2 million, hawiye 3 million and isaaq 1.1 million and this after i gave hawiye jubba and kismayo and isaaq buhoodle
http://www.fsausomali.org/uploads/Other/962.pdf

And i didnt even bother counting the nfd and tanades in ethiopia...darod is massive bro..10 million mininum whilst hawiye 2-3 million maximum using indepedent statistics..
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”