Source:http://www.puntlandpost.com/newspage.php?articleid=7953
GAROOWE: Baaq kasoo baxay Isimmada taageersan Puntland ee Gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn (SSC)
Posted to the Web Jul 15, 08:31
Garoowe (PP) - Shir ay yeesheen Isimada Gobalada SSC oo ay mudo ku falaqeynayeen Xaalada Gobalka Sool waxaay ka soo saareen Qodobada hoos ku qoron.
in gudaha iyo dibada si weyn diyaar garoobo sidii dib loogu xorayn lahaa deegaanada dhulbahante lagana saari lahaa Cadowga xooga ku haysta laga soo bilaabo 15- October 2007.
Waxaa ay wararku nagu soo gaarayaa iney shaqsiyaad ka tirsan qurbo joogta dhulbahante ay Nayrobi Kenya ka wadaan qaban qaabo shir, shirkaas oo aanan isimo ahaan wax xog ah aysan ka haynin nala kuna soo wargalin sidaas awgeed waxaanu go’aaminey in shirkaas asaga ah lagu qabto dalka gudihiisa sabaha soo socda awgeed.
Waxaa dalka ka jira Abaar baahasan oo dadkii iyo duunyadii si weyn u saameysay, taas oo aan ergooyinka u saamaxayn ka qeyb galka shir wakhtigaan Daadirka ah loo qabto, habayaraatee
Isimada uqaasha iyo waxgaradka farabadan oo aan marnama shir looga maarmeyn oo aysan u sahlaneyn tagitaanka iyo ka qeyb galka shirka la hindisayo in Nayrobi lagu qabto
Dhaqaalaha ku baxaya shirka Nayrobi lagu qabto waxaa ka fiican in lagu bixiyo shirweyne dalka gudihiisa lagu qabto
Waxaanu marlabad soo dhaweyneynaa shirweyne ku qabsooma Dalka gudihiisa kaasoo ay ka soo qeyb galayaan Ergooyin ka socda dhamaan Jaaliyadaha Dibada ee SSC meelkasta oo ay joogaan, islamarkaasna uu shacbigu gudaha si weyn ugu soo diyaar garoobo shirweynahaasi wuxuu noqonayaa mid ka madax banana fara galinta Maamulada dalka ka jira.
Meesha lagu qabanayo iyo wakhtiga uu qabsoomayo
Waxaa lagu gudoomin doonaa wada tashi dhexmara dibada iyo gudaha Isimada Saxiixay:
Garaad Saleemaan Garaad Maxamed
Garaad C/laahi Garad Soofe
Suldaan Siciid Cismaan Cali
Garaad Abshir Saalax
Ugaas C/laahi Ciise Nuur
Garaad C/salaan Xasan Maxamed
Garaad Maxamuud Cismaan mashaqare
Garaad Saleemaan Buraale Aadan
Ugaas Faarax maxamuud Gurey
Wakiil Garaad Sulub Cali GaasNB: Garaad C/laahi Garaad Soofe iyo Garaad Abshir Faarax waxay kaga qeyb galeen khadadka taleefoonka iyagoo idmaday in go'aanka loo saxiixo.
Siciid C/salaam Siciid
Wakiilka Puntlandpost.Garowe
E-mail loole15@hotmail.com
All SSC Clan Elders Sign Agreement To Support Puntland
Moderator: Moderators
All SSC Clan Elders Sign Agreement To Support Puntland
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 608 Views
-
Last post by abduljrus
-
- 3 Replies
- 554 Views
-
Last post by gemini07
-
- 3 Replies
- 762 Views
-
Last post by abdisamad3
-
- 10 Replies
- 1376 Views
-
Last post by Ismail_Boss
-
- 0 Replies
- 510 Views
-
Last post by usman-84
-
- 34 Replies
- 3299 Views
-
Last post by Executive
-
- 20 Replies
- 297 Views
-
Last post by GENERAL_SNM
-
- 3 Replies
- 600 Views
-
Last post by tightrope
-
- 2 Replies
- 49 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 10 Replies
- 1458 Views
-
Last post by XimanJaale
