Source:http://allidamaale.com/July/Juxa_Warsaxaafadeed.htm
Wasiirka waxbarashada Puntland oo shaaciyay kulan iskugu yimaadaan maamulada dugsiyada sare ee Puntland >>>>>
abdirahmaan Mohamed koronto
allidamaale.com-(xafiiska-Somalia-Garoowe)
Talaado 14 Jul 2009
Garoowe-(Allidamaale):-Manahijta Waxbarashada puntland oo la midoon doono warsaxafadeed ka soo baxay Wasaaradaasi.
Waxaa maanta shir jaraa,id ku qabtay xaraunta wasaarada waxbarashada Magaalada Garowe wasiirka waxbarashada Cabdi faarax Juxa waxuuna shirkiisu ahaa mid ku saabsanaa kulan dhawaan la filayo in loo qabto erga ka socota dugsiyada sare ee ku yaala deegaanada Puntland.
Kulan kaan maanta iclaamiyay wasiirka ayaa aha mid lugu qabanayo wasaarada waxbarashada waxana qabanayasa wasaarada sida wasiirku sheegay kulan kaan ayaa dhici doona bisha soo socota gaar ahaa 8 bisha ilaa 19.
Shirkaan ayaa noqon doona mid looga doodi doono midaynta manhajyada kala duwan ee lugu dhigo dugsiyada ku yaala deegaanada Puntland gaar ahaan kuwa sare waxuuna ujeedkiisu yahay buu yiri wasiirku sidii loo heli lahaa arday isku mid ah oo qaadata hal manhaj islamarkaana halmar imtixaan u fadhiista sida wasiirku hadalka u dhigay.
Waa markii ugu horaysay ee wasiirka waxbarshada Puntland uu iclaamiyo kulan looga doodayo midaynta manhajyada waxuuna hadlkiisaani imaanayaa xili dugsiya badan oo ah dugsiya sare lugu qaato manhajyo kala duwan.
Allidamaale.com
Your Reliable Sources
Puntland Education minister is holding conference from 8th of july till 19th of july with stakeholders regarding standardizing examinations for high-school students who study the same subject to have the same examinations across the state.

