Qebdiid prevents somali doctor from doing his duty

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Talo alle udaa
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2739
Joined: Thu Apr 16, 2009 4:03 pm
Location: Evaluating the African mind

Qebdiid prevents somali doctor from doing his duty

Post by Talo alle udaa »

Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda KMG oo howshiisa ka hor istaagay maanta Agaasime ku xigeenka Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.
Posted: 7/16/2009 8:16:00 PM
Shabelle: MUQDISHO
Qalalaase ayaa ku yimid shaqada isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho kadib markii ciidamo ka tirsan booliska dowladda KMG ay maanta is hortaageen Shaqada Agaasime ku xigeenka isbitaalkaasi Daahir Max’ed Max’uud (Daahir Dheere).



Qalalaasaha ku yimid habsami u socodka howlaha isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho oo kamid ah isbitaalada fara kutiriska ah ee sida weyn uga howlgala magaalada Muqdisho ayaa kadanbeeysay kadib markii warqad kasocota taliyaha booliska ee dowlada KMG la gaarsiiyay cubitaalka gelinkii hore ee shalay taasoo shaqada looga joojinayay Agaasime ku xigeenka cusbitalka ahna dhaqaatiirta ugu cad cad ee isbitaalkaasi Daahir Max’eed Maxamuud (Daahir Dheere).



Waxaa saakay isbitaalkaasi tagay ciidamo boolis ah kuwaasi oo ka hor istaagay dhaqtarka in uu galo cusbitaalka si uu shaqadiisa maalinlaha ah halkaasi uu uga guto.



Xiligaasi kadib ayaa waxaa goobta kadhacay shaqaaqado kadib markii ay goobta yimaadeen ciidamo kale oo doonayay in dhaqtarka uu galo isbitaalka si uu uguto shaqadiisa inkastoo aanay usuuro galin arintaasi oo markii danbe uu dhaqatarku halkaasi isaga tagay.



Arintaani ayaa waxa ay keentay in qaar kamid ah shaqaalaha isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho ay shaqadooda joojiyaan iyadoo qaar ka mid ah shaqaalahaasina ay bilaabeen in ay ka gadoodaan shaqada isbitaalka.



Mar aan isku daynay in aan xariir la samaynayo taliyaha ciidamada Booliska ee dowladda KMG ee Soomaaliya Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid islamarkaana aan wax ka weydiino arintaani ayey insoo suurta gali weysay in aan qadka teefanka ku haleelno.



Aritani ayaa waxa ay saameeyn ku yeelankartaa shaqada culus ee uu isbitaalkaani uu u hayo bulshada Soomaaliyeed iyadoo (Daahir Dheere) uu kamid yahay dhaqaaiirta fara kutiriska ah ee ku haray magaalada Muqdisho.



Ilaa iyo hadda lama oga sababta dhabta ah ee ka dambaysay arintaani,waxaana xariir aan la samaynay Daahir Dheere uu ka gaabsaday in arintaasi uu inooga waramo.



Isbitaalka Madiina waxaa haatan ku jira in ka badan 300 oo bukaan kuwaasi oo ku waxyeeloobay dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Magaalada Muqdisho,waxaana maanta bukaanadaasi ay ka qal qaleen arinta ka dhex dhalatay Maamulka isbitaalka oo la sheegay in si hoose ay isku maandhaafsanyihiin.



Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.



Dhageyso wararka 7:00-Fiidnimo Habeen walba adigoo raacaya tilmaamaha Wabseydka.



Fadlan wixii Qalad ah Nala Soo xariir radioshabelle@ymail.com
User avatar
hanqadh
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2786
Joined: Mon Mar 23, 2009 1:03 am
Location: soo dhalin la wada garan wali suuqa dhagaxbuur dhiigoodu ma qoyana!

Re: Qebdiid prevents somali doctor from doing his duty

Post by hanqadh »

this cat with nine lives kheyrdiid, cadho ilaahay maxay korkiisa ku dhacday, tolow haguu ku danbayn.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”