Nin ka tirsan shaqaalaha qabriyada u qoda dadka geeroyooday oo dhalashadiisu Turki tahay laguna magacaabo Cabdallah Bar-bar ayaa ku dul geeriyooday qabri uu markaasi u diyaarinayay dadka dhintay, kuwaasoo la geeyo goobaha qabuurayaasha si loogu aaso godadka loo diyaariyay.
Bar-bar oo da`diisu lagu sheegay sideeyameeyo ayaa wadnuhu istaagay isagoona markaasi af-af ugu dhacay godkii uu markaasi u qodadyay in dadka geeriyooda lagu aaso, waxaana dad ka agdhowaa qabuuraha ey ula carareen cusbitalka balse waxaa lagu guuleysan waayay in la bad-baadiyo.
Waxyaalaha cajiibka ah ee ey dadka intiisa badani la yaabeen ayaa waxa ey tahay in godkii uu diyaariyay ninkani isaga qudhiisa lagu duugay, maadaama ey codsadeen ehelkiisa.
Ninkan ayaa qabri qodida goobtaasi ka shaqeynayay mudo dheer, waxaana uu ahaa nin aad looga yaqaan tuulada uu ka howl-geli jiray islamarkaana u diyaariyay godad kumanaan dad ah oo geeriyooday.
Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda
http://www.calanka.com/Wararki-Maanta/warka27733