Loser Aweys fears for his life and wants to run to egypt

Historical reference for Somali armed militias.

Moderator: Moderators

AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Loser Aweys fears for his life and wants to run to egypt

Post by AhlulbaytSoldier »

Topnews:-Xasan Daahir oo Masar DKMG kullan kula gali doono iyo Khawaarijta Godane oo billaabay in ay ugaarsadaan.


Mogadishu - 17 July 2009 Waagacusub Media

Hoggaamiyaha Xisbul Islaam, Xasan Daahir Aweys, ayaa la sheegay in uu
wadahadal la gali doono dowladda KMG ah ee Soomaaliya, kadib markii uu
naftiisa uga cabsada Khawaarija Godane

Xasan Daahir, oo ay talada ka luntay, ayaa ka faa'iideysanaya fursad ay
dowladda Masar dhawaan ku sheegtay in ay duri doonto wadahadal
dhaxmaraya dowladda KMG ah iyo kooxaha mucaaradka ah ayaa la filayaa in uu dhawaan u duulo Qaahira.



Listen Radio1 Radio2 Radio3 Radio4 Radio5 Radio6 Radio7 Radio8 Radio9

Wadaadka mayalka adag ee Mr. Aweys, ayaa wadahadalo muddo dheer uu kula jiray Khawaarijta ayuu ku guul dareystay in uu ka dhaadhiciyo in uu wax la qaybsado, waxayna taasi ku qasabtay in uu ka fakaro in uu ka
faa'iideysto fursadda ugu dambeysa ee dowladda Masar ku sheegtay in ay
ku dhaxdhaxaadineyso dowladda iyo mucaaradkeeda.

Xasan Daahir, ayaa waxa ku sii kordhaya cadaadiska saaran markii
Khawaarijta ay ku sheegeen in uusan aheyn mujaahid dhab ah, waxayna haatan xaajada ka mareysaa laba daran mid dooro oo ah Shriifka ay colaad culus kala dhaxeyso in uu la heshiiyo iyo in uu u diyaar garoobo shirqool
qarsoodi ah oo ay ku dilaan khawaarijta caalamiga ah

Hoggaamiye Xasan Daahir ayaa la sheegay in culeyska ugu badan ee haatan haysta uu yahay garoonkii uu ka duuli lahaa maadaama garoonka Num. 50 ay kaga horreeyaan kooxaha khaawrijta ah oo fursad ku gaadaya.

Beesha uu ka soo jeeda ayaa dhawaanahaan waxa ay saareen culeys xoogan si uu uga tanaazulo laynta dhalinyarada beesha oo aan la garaneyn wax ay ku dhimanayaan iyo qadiyadda ay difaacayaan.

Dhinaca kale Ilo lagu kalsoonayahay ayaa muujinaya in Khawaarijta ay
billaabeeen in ay shirqool u dajiyaan Xasan Daahir, oo ay u arkeen in
ay marka hore is-dhaafsiiyaan ka hor inta aysan ridin dowladda Shariifka

Khawaarijta ayaa haatan waxa ay Xasan Daahir ku go'doomiyeen xaafadda
Suuqa xoolaha oo ay taageerayaashiisa ku badan yihiin, iyagoo sidoo
kale ku amray Xasan Turki in uu si degdeg ah isaga baxo magaalada
Muqdisho

Khilaafka soo muuqanay ee soo kala dhaxgalay Xasan Daahir iyo
Khawaarijta ayey dad badan u arkaan Jab wayne oo soo gaarey Xisbiga Hasan iyo Khawaarijta Godane, inkastoo Khawaarijta ay soo aruursadeen dagaal yahano shisheeye ah iyo dhalinyaro ay maskaxda ka waaleen


Also in other news Hizbul Muawiya lost two french agents to the khawaarijta alshabaab:
Xarakada Alshabaab oo ugu dambeyn la wareegay labadii nin ee faransiiska

Xarakada Alshabaab ee ugu tunka weyn kooxaha Islaamiyiinta Soomaaliya ayaa gacanta ku wada dhigay La heystayaashii Faransiiska oo kol hore gacanta ugu jiray Ururka Xisbul Islaam, iyadoo shalay isku afgarteen inay kala qeybsadaan.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Maleeshiyaad ka tirsan Xarakada Alshabaab ay si xeeladeysan ku qaateen ninkii Faransiiska ahaa ee u haray Xisbul Islaam, iyadoona isku daygaas uu ka dambeeyay kadib markii uu khilaaf soo kala dhex galay Saraakiisha Xisbul Islaam oo ku aadan heysashada ninka faransiiska.

Saraakiisha Xisbul Islaam ayaa qaarkood niyad jab ku dhacay, kadib markii laga wada fara maroojiyay labadii nin ee Faransiiska, oo ay horay u heysteen, iyadoona qorshaha uu ahaa mid ay Alshabaab ku wada dooneyso inay ku hanato.

Lama oga tallaabada ay qaadan doonaan Alshabaab hase yeeshee waxaa jira qorshayaal ku aadan Maxkamadeynta Raggan oo la filayo inay dhacdo maalinta berri.

Hadal heynta ugu badan ee Magaalada Muqdisho ayaa ah la wareegitaanka Labada nin ee Kooxda Alshabaab, waxaase la ogeyn sida ay ka yeeli doonaan, waxaase la sheegayaa in ay tahay arrin aan sahlaneyn
User avatar
Hyperactive
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 34541
Joined: Fri Feb 09, 2007 7:36 am
Location: "Some people are so poor, all they have is money."

Re: Loser Aweys fears for his life and wants to run to egypt

Post by Hyperactive »

mesha wa wada toogo deen ko shaqeysanaya.
paidmonk
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11989
Joined: Wed Dec 31, 1969 7:00 pm
Location: http://majerteen.blogspot.com/

Re: Loser Aweys fears for his life and wants to run to egypt

Post by paidmonk »

Booo!! Shame on him, he didn't kill enough Hawiyes!! :down:
AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Re: Loser Aweys fears for his life and wants to run to egypt

Post by AhlulbaytSoldier »

hyperactive wrote:mesha wa wada toogo deen ko shaqeysanaya.

WHAT THE HECK ARE YOU SAYING :lol:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Factions”