Page 1 of 1

Gudoomiye Siilaanyo oo dhakhtar dibadda ah loo duulinayo

Posted: Fri Jul 17, 2009 8:59 am
by AbduQadir
Gudoomiye Siilaanyo oo dhakhtar dibadda ah loo duulinayo

Written by Qarannews
Jul 17, 2009 at 03:27 AM
Gudomiyaha Kulmiye Ahmed Siilaanyo ayaa markii ugu horeysay tan iyo intii dhaawucu soo gaadhay qirtey in uu dhaawac culusi soo gaadhay oo aanu ka maarmayn dhakhtar tibadeed inkasta oo intii hore oo dhan ay beeniyeen xisbigiisu dhaawaca culus ee soo gaadhay.
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in maalinta Jimcaha ee barri uu u socdaali doono dalka Kenya oo uu u tagayo hawlo caafimaad, waxaanu yidhi "Waad ogaydeenoo waa tii dhibaato yari isoo gaadhay ee aan salaanka ka dhacay, arrintaasi jug weyn ayay ii geysatay Anigoo markayga horena culays yara lahaa. Nabaro xoogaaya ayay ii gaysatay. Allxamdulilaah aad iyo aad ayaan imika u ladan nahay, waxaan gaadhayaa Nairobi oo aan barrito u baxayo haddii alle idmo, oo aan doonayo inaan ayaamo ku maqnaado, oo aan iyadana illaa heerka u sareeya aan ka gaadho wixii la ii qaban karo, sidaad imikaba arkayseen waxaan ummadda u sheegayaa in caafimaadkaygu aad iyo aad u wanaagsan nahay oo aan olalaha si buuxda uga qeyb geli karo, waan isku soo giigiijinayaa Baabuurtaba Geerash baa la Gashaa, dhibaato kalena meesha ma jirto, waxaan doonayaa in aan shacbi weynaha aadka u tirada badan ee halkan (Guriga ) iigu yimid ama siyaabo kala duwan dareenkooda iigu muujiyay halkan uga mahad naqo, sidii shucuurtooda iyo niyadooda ii muujiyay iyo dadnimo, saaxiibtinimo, ehelnimo iyo qaranimaba."


Md. Axmed Siilaanyo , oo la weydiiyay aragtidiisa ku wajahan shuruudihii deeqbixiyeyaashu ku xidheen dhaqaalaha doorashada oo ahaa in wax laga bedelo xubnaha Komishanka qaranka, wuxuu yidhi "Arrintaas mowqif cad ayaanu iska taagnay haddii aanu xisbiga KULMIYE nahay, Komishanka doorashooyinku sharci ayay meesha ku fadhiyaan, haddii ay muddo badan dhaliili ka jirtay oo ka jirtay Anagu ilaa wakhtiyo hore anagoo eegayna cadaadiska wakhtiga iyo doorashooyinka canaan baanu ka soo jeedin jirnay tiina way socon wayday imikana haddii ay wax iska bedelayaana mar walba way iska bedelaan sida isbedel ku imanayaana haddii aanu xisbiyada nahay awood gamachayaga ku jirta ma aha, qaab bay leedahay, sharci bay leedahay, oo dastuur bay leedahay. Ambo qaadkeeda waxa leh marka ugu horreysa Madaxweynaha, haddii cid dhaliili ka timaado ama wax ku yimaadaan wax kasta dariiq sharci ah ayaa loo maraaye, waa inuu isagu cid u saaro, oo haddii cid xumaato lagu arko sidii dhici jirtay loo gudbiyo Golaha Wakiilada.

Baarlamaanka ayaa diidi kara ama aqbali kara wax xisbi KULMIYE ahaan ama xisbi kaleba u yaala ma aha, taas lafteedana waa in deeq bixiyeyaasha lagala hadlaa oo dhamaan loo sheegaa oo ay ogaadaan."

"Cida kaliya ee awoodaasi leh ee cid u saari karta arrinta Komishanka waa Madaxweynaha dalka, dastuurka iyo sharciga ayaa awoodaha kala bixinaya oo kala caddaynaya, arrintaasi waxay u taalaa inuu talaabo ka qaado, waa Madaxweynaha uma taalo xisbiyada KULMIYE iyo UCID toona,"ayuu yidhi Md. Axmed Maxamuud Maxamuud Siilaanyo.

Guddoomiyaha KULMIYE wuxuu intaasi ku daray in liiskii kama damaysta ahaa ee diiwaan gelinta codbixiyeyaasha laga sugayo in 27-ka BishanJuly ay soo saarto, oo ay eegayaan waxa ka soo baxay.


ahmed Ismail ( xaaji810@yahoo.com




http://www.qarannews.com/index.php?opti ... &Itemid=62