Xisbiga KULMIYE wuxuu u arkaa in aanay Dan u ahayn Qaranka dib u dhac Doorasho oo danbe." Muuse Biixi
Hargeysa(Golis) - Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE, ayaa xukuumadda iyo Komishanka Doorashooyinka ugu baaqay in ay si dhakhso ah u fuliyaan shuruudihii furaha u ahaa qabsoomida Doorashada Madaxtooyada ee ay dhawaan la saxeexdeen Saddexda Xisbi iyo Komishanka Doorashooyinku, waxana uu ka digay in ay mar kale Doorashadu dib u dhacdo.
galabta war saxaafadeed ay soo saareen waxay daboolka kaga qaadeen shuruudo deeq bixiyeyaashu ku xidheen dhaqaalaha doorashada madaxtooyada Somaliland ee lagu wado inay dalka ka qabsoonto 27-ka Bisha September 2009-ka.
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa war-saxaafadeed Galabta ka soo saaray Magaalada Hargeysa waxa uu kaga hadlay shuruudii deeq-bixiyayaasha ee ahayd in la bedelo Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka, War-saxaafadeedkaas oo dhameystiranina waxa uu u dhignaa sidan;
"Xisbiga KULMIYE waxa uu maanta soo saaray go'aan cad oo uu ka gaadhay shuruudii deeq-bixiyayaasha ee ahayd in la bedelo Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka, go'aankaasi wuxuu u dhignaa sidan:
Iyadoo aynu wada ognahay wadciga Siyaasadeed ee maanta Dalku marayo iyo shuruuda ay ku xidheen deeqbixiyayaashu maalgelintii doorashada, aragtida Xisbiga Kulmiye waxay tahay:
In Madaxweynuhu isagoo gudanaaya xilkiisa uu raadiyo xalka shuruuda ay deeqbixiyayaashu ku xidheen ee ah eriga iyo wax-ka-bedelka xubnaha Komishanka.
Xisbiga KULMIYE awood sharci uma laha wax-ka-qabashada, eriga iyo wax-ka-bedelka xubnaha Komishanka.
Xisbiga KULMIYE wuxuu mudnaanta koowaad siinayaa qabsoomida doorashada Madaxtooyada. sidaasi darteed, wuxuu ka codsanayaa Madaxweynuhu inuu tixgeliyo wakhtiga yar ee ka hadhay maalinta loo cayimay qabsoomida doorashada oo ah 27 Sept, 2009.
Xisbiga KULMIYE wuxuu ka codsanayaa Komishanka Qaranka iyo Hay'adaha doorashada ku shaqada leh oo dhan inay dardargeliyaan hawlihii doorashada, iyagoo tixgelinaaya mudada yar ee ka hadhay.
Xisbiga KULMIYE wuxuu u arkaa inaysan dan u ahayn Qaranka dib u dhac doorasho oo danbe."
Golisnews Hargeysa JSL
http://www.golisnews.com/view_left.php?articleid=9609
Xisbiga KULMIYE wuxuu u arkaa in aanay Dan u ahayn Qaranka d
Moderator: Moderators
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 213 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 5 Replies
- 467 Views
-
Last post by fagash_killer
-
- 1 Replies
- 626 Views
-
Last post by AsadSL
-
- 1 Replies
- 578 Views
-
Last post by fagash_killer
-
- 3 Replies
- 612 Views
-
Last post by afisoone
-
- 0 Replies
- 527 Views
-
Last post by KingWaslawi
-
- 0 Replies
- 289 Views
-
Last post by AbduQadir
-
- 6 Replies
- 1066 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH