Source:http://allidamaale.com/July/warka1546.htmDawladda Hoose ee Magaalada Bosaso oo maanta bilowdey hawlgalo ay ku furayaan wadooyinka Magaalada Bosaso >>>>
Allidamaale Puntland News Center
Muxiyadiin Cali
Bosaso Puntland
Arbaco 08 Jul 2009
Bosaso-(Allidamaale):- Dawladda Hoose ee Magaalada Bosaso oo maanta bilowdey hawlgalo ay ku furayaan wadooyinka Magaalada Bosaso oo ay kusoo bateen Dadka Waratada ah.
Waxaa maanta ka biloowday Guud ahaan Magaalada Bosaso Howlgalo ay qadeen Doowladda Hoose ee Magaalada, Howlgalkasoo lagula dagaalamayo Dadka Danyarta ah ee dhigta Wadooyinka Magaalada Badeecadaha yar yar oo ay kaga raadsadaan qutulyoonkooda.
Waxaa in muda ah isa soo tarayay Cabadashada ay soo jeedinayaan wadayaasha gaadidka Dadweynaha iyo kuwa sida goonida loo leeyahay ee lagu raaxesto, kuwasoo ka cabanayay Waratada ku ganacsada Wadooyinka dhexdooda oo ay sheegan iney khatar ku yihiin isticmaalka Wadoonyinka.
Dowlada hoose ee Magaalada ayaa sheegatay in ay u diyaarisay goobo kale oo Dadka Danyarata ah ee Waratada ah ku fushan karaan Howlahooda Ganacsiga, si ay u maareyaan Qutul daruurigooda ay kala soo baxaan Ganacsiga yar yar.
Dadkaan Danyarta ah ee u badan Ganacsiga wareega oo hadba meel lagu furto ayaa waxey badankood yihiin dadka Muhajiriinta ah ee kasoo barakacay Goboblada Koonfureed ee Somalia, kuwasoo Nabadgalyo iyo Noloolba usoo raadsaday Gobolada Puntland, balse waxey isku dhibana yihiin Dukan leyda Magaalada oo ah kuwo iyagu bixiya Canshurrta Gobolka.
Haa laa kala kiciyo nacalada...They should've of done this a long time ago...crack-down on these squatters that are making areas in Bossaso to congested.