Suldaan Yuusuf Xiiray oo la kulmay xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka UK
Written by Qarannews
Jul 18, 2009 at 10:41 AM
Bristol,(Qarannews)-Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray oo ka tirsan madax dhaqameedka Soomaaliland ayaa maanta kula kulmay xafiiskeeda Mudanaha baarlamaanka Ingiriiska ee laga soo doorto bariga magaalada Bristol Mrs Kerry MCcathy. Suldaanka waxa uu uga waramay safarkiisa iyo in uu jiro xidhiidh dhaqan oo qoto dheer oo ay wadaagaan dadka soomaaliland iyo boqortooyada ingiriisku.
Kulankaas suldaanka oo ay weheliyeen Gudoomiyaha Hayada samafalka wadaniga ah ee GAVO Farxaan Adan Haybe, xubin sare oo ka tirsan ururka CAN (community action network) Bristol Mr Axmed Carab oo ay leeyihiin qaar ka mid ah qurbajooga soomaaliland ee Bristol ahna ururkii ka danbeeyay casuumada ay suldaanka iyo gudoomiyaha GAVO ay ku tageen dalka ingiriiska iyo Axmed Ducaale oo ka socday bulshada soomaaliland ee magaalada Bristol. Suldaan Yuusuf ayaa u sheegay xildhibaanka ugana mahad celiyay dadaalkeeda ku aadan gacan siinta bulshada soomaliland ee ku nool magaaladan Bristol iyo sidoo kale kaalinta ay ka qaadato qadiyada soomaliland. Suldaanku waxa kale oo uu u sheegay xildhibaanka in ay iyagu madax dhaqameed ahaan yihiin kuwo nabada iyo wada noolaanshaha ka shaqeeya balse aanay siyaasada lug ku lahayn waayo waxa ay soomaaliland ku naaloonaysaana ay tahay nabada loogana baahan yahay in boqortooyadiinu in ay gacan saaxiibtinimo iyo mid sokeeyanimaba ay dadka soomaaliland u fidiyaan si aanay halka ay maanta marayaan hore uga socdaan. Ugu danbayn waxa uu suldaanku gudoonsiiyay xildhibaanka hadyad ka turjumaysa dhaqanka soomaalida iyo marti qaad uu ugu fidiyay in ay xildhibaan Kerry soo booqato soomaaliland.Sidoo kale Gudoomiyaha hayada GAVO Mr.Farxaan Aadan Haybe ayaa si balaadhan uga waramay xaalada siyaasadeed ee dalku maanta marayo iyo sida looga soo gudbay nidaamkii dhaqanka maantana loo marayo hab dimuquraadi ah waxa kale oo uu u sheegay halka iyo habka ay mashaariicda horumarintu ka qaataan kaabayaasha bulshada taas oo hadii la sii laban laabo si mug lehna loo taageero ay wax ka tari karto in dadka soomaaliland noqdaan qaar wax badan qabsan kara iskuna tiirsan. waxa kale oo uu si dhamaystiran uga waramay in ay shirar badan la yeesheen jaaliyada soomaaliland ee halkan magaalada Bristol ayna la arkeen hab nololeedkooda sidoo kalena ku dhiiri galiyeen sidii ay gacan uga gaysan lahaayeen horumarinta waxna ula qabsan lahaayeen dalkooda iyo dadkooda ay ka soo haajireen.
Ugu danbayn waxa hadalkii qaatay mudane Kerry oo ka mahad celisay kulankan iyadoo sheegtay in ay aad ugu faraxday xubnaha waftigan oo isugu jira dhaqan iyo horumarinta bulshada oo ah laba arin oo muhiim u ah taabo galinta nolosha bulsho . Xildhibaan Kerry waxa ay sheegtay in ay hore u tagtay dhowr jeer soomaliland balse mararkii ay tagtay aanay dhaafin hargeysa aadna ugu faraxday waxyaalaha u hirgalay xukuumada soomaaliland iyo dadkeeda oo aan leeyahay way dadaashay dadkuna gacan balaadhan ayay siiyeen balse waxa ay sheegtay in ay Mrs Kerry ay danaynayso in ay mar ka danbe ee ay tagto soomaaliland ay soo booqan doonto gobolada kale ee dalka.
Last Updated ( Jul 18, 2009 at 11:11 AM )
http://www.qarannews.com/index.php?opti ... &Itemid=62
Suldaan Yuusuf Xiiray oo la kulmay xildhibaan ka tirsan Baar
Moderator: Moderators
- Ducaysane_87
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 3997
- Joined: Sat Jun 06, 2009 1:38 pm
- Location: Financing the Handcutter Company of Ina Godane
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 502 Views
-
Last post by Ducaysane_87
-
- 14 Replies
- 1421 Views
-
Last post by Rightwing
-
- 16 Replies
- 1487 Views
-
Last post by Ducaysane_87
-
- 0 Replies
- 665 Views
-
Last post by AbduQadir
-
- 1 Replies
- 345 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 552 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 3 Replies
- 841 Views
-
Last post by ina aadan
-
- 3 Replies
- 36 Views
-
Last post by ina aadan
-
- 2 Replies
- 663 Views
-
Last post by AbdiWahab252
-
- 0 Replies
- 769 Views
-
Last post by ACOE1Nuur