Hargeysa/Sallaxleynews – Ururka Somaliland Forum ayaa sheegay in uu shir caalami ah oo lagu gorfayn doono sababaha hor taagan aqoonsi ay Somaliland ka hesho bulshada caalamka iyo jidka ugu habboon ee loo mari karo uu ku qaban doono magaalada Hargeysa,
kaas oo ay ka soo qayb geli doonaan muwaadniin iyo saaxiibo badan oo ay Somaliland leedahay oo habeen iyo maalin ku hawlan sidii ay caalamka uga dhaadhicin lahaayeen qadiyadda Somaliland.
Shirkaas oo loogu magac daray Somaliland Recognition Conference ama shirka aqoonsiga Somaliland oo bilaha fooda inagu soo haya la qaban doono ayaa waxa si weyn loogu lafo guri doonaa himiladii Somaliland ee ahayd in ay aqoonsi ka hesho beesha caalamka laakiin aan illaa hadda lagu guulaysan.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray guddoomiyaha ururka Somaliland Eng. Cali Cabdillaahi Daahir si shirkaasi uu u noqdo mid sida ugu fiican u dhaca isla markaana ay ka soo baxaan midhihii looga baahnaa waxa Somaliland Forum maalinta Axadda ah qabanayaa shir kaas gogolxaadh u ah oo ay ka soo qayb gelayaan aqoonyahanka reer Somaliland ee ku nool waddanka iyo kuwa debedda ka yimidba, kaas oo hordhac u ah shirka caalamiga ah ee bilaha fooda inagu soo haya la qaban doono. War-saxaafadeedka Somaliland Forum oo dhaysmaytiranina waxa uu u dhigan yahay sidan:
Somaliland waxa ay jirtay in ku dhaw 20 sannadood himiladeeda koowaadna waxay ahayd inay hesho ictiraaf ay caalamka kaga mid noqo. Iyada oo wax badani inooga qabsoomeen dhinaca horumarka, dimuqraadiyada iyo weliba nabadgelyada hadana weli lama gaadhin hadafkii laga lahaa halganka oo ahaa in ictiraaf caalami ah la helo. Waxa iyana xusid mudan in dowladihii soo maray Somaliland ee kela dambeeyay ay iyaguna waxoogaa horumar ah ka sameeyeen sidii himiladan loo xaqiijin lahaa.
Waxa kele oo iyaguna jira muwaadniin iyo saaxiibo badan oo aynu leenahay oo iyaguna habeen iyo maalin ku hawlan sidii ay caalamka uga dhaadhicin lahaayeen qadiyadda Somaliland. Si kastaba ha ahaatee muddadaas dheer Somaliland kumay guulaysan hanashada hadafkeeda koowaad oo ah in la ictiraafo oo ay ku soo biirto bulshada caalamka.
Si loo lafaguro arrimahaasa iyaga ah loona xaqiijiyo hadafka Somaliland ee ah ictiraafka, Somaliland Forum oo la tashaday ururo kele oo badan iyo khubaro caalami ah ayaa waxa uu go’aansaday inuu qabto shir caalami ah oo lagaga wada xaajoonayo sidii Somaliland ictiraaf u heli lahayd kaas oo loogu magac daray (Somaliland Recognition Conference) kana dhici doona magaalada Hargeisa bilaha fooda inagu soo haya.
Haddaba si shirkaasi uu u noqdo mid sida ugu fiican u dhaca isla markaana ay ka soo baxaan midhihii looga baahnaa waxa Somaliland Forum uu qabanayaa shir kaas gogolxaadh u ah oo ay ka soo qayb gelayaan aqoonyahanka reer Somaliland ee ku nool waddanka iyo kuwa debedda ka yimidba. Shirkaas oo ah mid hordhac u ah shirka caalamiga ah waxa lagu lafaguri doonaa arrimo badan oo ay ka mid yihiin caqabadaha ina horyaalla, jidka ugu dhow ee loo mari karo ictiraafka, wixii inoo qabsoomay muddadaa aynu jirnay iyo weliba dhibaatada ay ictiraaf la’aantu ku hayso bulashadeena dhinacyada kala duwan ee bulshada, horumarka iyo ganacsigaba.
Shirkaasi waxa uu ka dhici doonaa Maansoor Hotel maalinta Axadda ah bishuna tahay 19 July 2009. Shirkan oo socon doona muddo maalin keliya ah waxa ka soo qayb geli doona in ka badan 80 aqoon yahanka reer Somaliland ee ku sugan gudaha dalka ah oo ka kala socda qaybaha kala duwan ee bulshada.
Source: www.geeska.net
http://sallaxleynews.com/index.php?opti ... 7&Itemid=1
Ururka Somaliland Forum oo Ku Hawlan Shir Caalami ah oo laga
Moderator: Moderators
- Ducaysane_87
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 3997
- Joined: Sat Jun 06, 2009 1:38 pm
- Location: Financing the Handcutter Company of Ina Godane
- Khalid Ali
- SomaliNet Super

- Posts: 32786
- Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
- Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa
Re: Ururka Somaliland Forum oo Ku Hawlan Shir Caalami ah oo laga
thats good news
shirkii soprii wa in la qabta isaga shirkaasii wa shir aad iyo aad oo wanaagsan ever since siicid meygaag samatar died aun the chariman wala wayee but that was great. that shir used to bring all somalilan diaspora together. 
- Ducaysane_87
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 3997
- Joined: Sat Jun 06, 2009 1:38 pm
- Location: Financing the Handcutter Company of Ina Godane
Re: Ururka Somaliland Forum oo Ku Hawlan Shir Caalami ah oo laga
khalid ali wrote:thats good newsshirkii soprii wa in la qabta isaga shirkaasii wa shir aad iyo aad oo wanaagsan ever since siicid meygaag samatar died aun the chariman wala wayee but that was great. that shir used to bring all somalilan diaspora together.
AUN Siciid Meygaag very great man
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 622 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 2 Replies
- 721 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 4 Replies
- 338 Views
-
Last post by wadaniweyn1
-
- 1 Replies
- 629 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 2 Replies
- 351 Views
-
Last post by udun
-
- 0 Replies
- 450 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 3 Replies
- 509 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 0 Replies
- 1014 Views
-
Last post by PrincessBurco
-
- 0 Replies
- 379 Views
-
Last post by LaY-D_LicK