Page 1 of 1

Hawadle ready to karbash the terrorists

Posted: Sun Jul 19, 2009 12:49 am
by CoolPoisons
Ciidamada dowladda KMG ee Magaalada Baladweyne ayaa waxa ay dhaq dhaqaaq ciidan oo aad u xoogan ka bilaabeen Xaafado ka tirsan Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan.



Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda KMG ee Soomaaliya islamarkaana si aad ah u hubaysan ayaa saacadihii aynu ka soo gudubnay fariisimo dhowr ah ka sameystay xaafada Buundo Weyn gaar ahaan wadada dheer ee laamiga iskuna xirta Buundada ilaa Xarunta Gaalshire ee Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan.



Ciidamadan ayaa markii ay soo dageen xaafadaasi waxa ay bilaabeen dhaq dhaqaaqyo ciidan iyagoo xilliga habeenkii marka la gaaro si aad ah u baaraya Gaadiidka isga kala goosha Xaafada Octoobar.



Saraakiisha ciidamada dowladda KMG ah ee ku sugan Magaalada Baladweyne oo ka hadlay u jeedada ay Ciidamada dheeraadka ah u geeyeen xaafada Octoobar maadaama markii hore ay Ciidamada ku ekaayeen Xarunta Gaalshire ayaa Saraakiisha waxa ay sheegeen in ay kaga gol leeyihiin adkaynta nabadgalyada Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan.



Si kastaba ha ahaatee dhaq dhaqaaqyadan Ciidamada dowladda KMG ah ay ka bilaabeen Xaafada Buundo Weyn ayaa ku soo beegmaya xilli dhawaan Ciidamo ka tirsan Ururka Xisbul Islaam ay weerar ku soo qaadeen Xarunta Gaalshire oo ay ciidamada dowladda KMG ah ku sugnaayeen oo kutaala xaafada Buunda Weyn ee Magaalada Baladweyne.

Re: Hawadle ready to karbash the terrorists

Posted: Sun Jul 19, 2009 12:50 am
by CoolPoisons
When the fight starts in Beledweyne it will starts gobolada kale of Somaliya. Soon Shiskbab will be karbashed in a major smackdown.

Re: Hawadle ready to karbash the terrorists

Posted: Sun Jul 19, 2009 12:52 am
by zingii
Let the count down begin.