Source:http://www.puntlandpost.com/newspage.php?articleid=7998
GAALKACYO: Malleeshiyo saakay ku dagaalamay Koonfurta Gaalkacyo oo khasaare nafeed sababay
Posted to the Web Jul 19, 01:10
Gaalkacyo (PP) - Iskahorimaad saakay waaberigii hore ka dhacay xaafadda Gargaar ee koonfurta degmada Gaalkacyo ayaa sababay dhaawaca hal qof oo ka mid ah dhinacyadii hardamayay.
Dagaalkan oo ahaa mid u dhexeeyay maleeshiyo kasoo wadajeeda hal beel ayaa salka ku hayay dagaallo horay uga dhacay duleedka degmada Gaalkacyo, halkaasoo ay dagaallo u dhexeeya malleeshiyadan horay uga dhaceen.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in ruuxii dhaawaca la ahaa la dhigay Isbitaalka Koonfureed ee Gaalkacyo, iyadoo rasaastuna ay istaagtay, xaaladduna haatan waxaa la sheegay inay tahay mid daggan, iyadoo malleeshiyadu ay kala tageen.
Dhanka kale, mas'uul ka tirsan maamulka Galmudug oo lagu magacaabo Cali Diiriye Alloore ayaa ku eedeeyay ciidamada Puntland ee ku sugan koontaroolka koonfureed ee Gaalkacyo inay dhaawac u geysteen Cali Yuusuf Dhoorre oo ka mid ah mas'uuliyiinta Galmudug.
Madaxa amaanka ee DG-Puntland C/nuur oo ka hadlay dhacdadan ayaa ku tilmaamay mid mas'uuliyad darro ah, isagoo sheegay inay talaabo ka qaadayaan ciidamadii geystay, isagoo u baryay mas'uulka dhaawacmay caafimaad.
Degmada Gaalkacyo oo ay dhawaanahan ka jireen khilaaf u dhexeeya mas'uuliyiinta Galmudug, ayaa haddana waxaa ka dhacayay kala dhac gaadiid iyo weliba dagaallo beeleedyo soo laalaabtay, kuwaasoo galaaftay nolosha dad badan.
Maxamed Xuseen Jantiile
Wakiilka Puntlandpost - Muqdisho
E-mail: Jantiile@gmail.com
South galkacyo Puntland shaqo kuma leh. Just stay across the green-zone galmudug or ahlul sunnah or whatever administration represents you. The last thing South Galkacyo needs is war. South Galkacyo is not apart of Puntland administration nor do we want it to be. 15 year peace-agreement must not be broken.