Post
by usman-84 »
Xingalool:(Nugaalmedia) MCH magaalada Xingalool oo ay shaqadiisu meel fiican higsanayso ayaan wabixin kooban iidinka haynaa Xalaada Caafimaad ee magaalada Xingalool ayaa la Amaanay iyada oo aanu booqanay MCH-ka magaalada Xingalool, saraakiisha Caafimaadka ee Degmada ayaa noo sheegay inay shaqadii Caafimaadku ay meel Fiican Marayso isla markaana ay jiraan Bukaan badan oo ay Daaweeyeen.
Cumar Xasan oo ka mid ah Masuuliyiinta Gacanta ku Haysa MCH-ka ayaa noo Xaqjiiyay inay Daawooyin Bilaash ah siiyaan Dadka Bukaanka ah ee Goobtaasi soo Booqda.
Dr Cumar Xasan waxa kaloo uu sheegay inay 6-Ruux ka sheeqeeyaan Goobtaasi Caafimaad kuwaasi oo mid waliba Shaqo Gaar ah uu qabto.
Dr-ka ayaa ka Dayriyay inaanay Helin Mushaharo Joogta ah balse ay Amaanayaa Hay"adda UNICEF oo Taakulaysa MCH-ka taasi oo 3-Biloodba siisa Daawooyin.
Waxa uu ugu baaqay Jaliyada Dibada ee Reer Xingalool inay eegaan baahida Caafimaad ee Deegaankaasi kuwaasi oo ku Tilmaamay kuwa Habsaamay oo Kaalintoodii Looga Fadhiyay Gabay.
Source:
http://nugaalmedia.com/news.php?readmore=490
