August 1 Preparation for Celebration Conference
Posted: Sun Jul 19, 2009 1:14 pm
Source:http://allidamaale.com/kulanka-Luulyo.htm
abdirahmaan Mohamed koronto
allidamaale.com-(xafiiska-Somalia-Garoowe)
Axad 19 Jul 2009
Garoowe-(Allidamaale):-Waxaa kulan ku qaatay shaly galinkii danbe xaraunta Dowlada hoose ee Magaalada Garowe gudigii dhawaan loo xilsaaray qaban qabada 1 agust oo ah xiliga loo aqoonsaday in la aas aasay Dowalada Puntland sandii 1998.
Wakhitigaas oo u ahayd dadka reer puntland Wakhtigii ay samaysteen dowalad maamusha Oo la yiraahdo puntland.
Kulan kaan oo ahaa kii labaad ee ay iskugu yimadaan gudigaan ka kooban 13 xubnood ayaa ahaa mid ay ku soo bandhigeen wixii u qabsoomay mudadii uu jiray Gudigaan waxaana la isla gartay in la sii kordhiyo waxqabadka ku aadan u diyar garowga 1agusta
Shirkaan ayaa waxaa goob joog ka ahaa dhamaan xubnihii gudigaan ku midoobay kuwaas uu dhawaan magacaabay madaxwayne ku xigeenka ahna sii hayaha xilka Madaxwynaha Puntland Cabdi Samad Cali shire xiligaa wixii ka danbeyay waxa ay gudigaan oo ka kooban qaybaha kala duwan ee bulshada wadeen dhaq dhaqaaq ku aadan soo bandhigida wixii u qabsoomay.
Ma ahan markii ugu horaysay ee kulan caynkaan oo kale ah isku yimadaan gudigaan waxana jiray kulan kan ka horeeyay oo lugu qabtay xarunta Madaxtooyada Garowe waxaana xariga ka jaray madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdi Samad Cali Shire.
kulamadaan ayaa waxey kusoo aadeen xili ay Dowalda Dimuqaroodiga ah ee Puntland ku gudo jirto siguda amniga Puntland Gaar ahaan Caasimada, waxaan lakeenay Cutubyo dheerad ah oo ka tirsan Ciidamada Daraawishta Puntland, kuwasoo loogu talagalay suguda amniga Caasimada inta ay socoto howlaha Dabaal daga koowada Luulyo.