London(Oodweynenews)-Shirkii liiban oo ka dhacay 18/07/09 Galbeedka Magaalada (West London Fatima community), ayaa wuxuu ahaa mid aad loo soo agaasimay oo ay ku kulmeen dad in badan kala baaday. Shirkaas oo socday 4 saacadood.
Waxa lagu furay aayado quraan ah kadib waxaa shirkii furay gudoomiyaha URURKA LIIBAN UK, C/qaadir Siciid Adan, Gudoomiyaha , ayaa kawaramay ujeedada shirkooda, iyo waxa yaalihii loo aasaasay, liiban uk.

Hadalkii gudoomiyahana waxaa kamid ahaa sidan:----
Ururka liiban uk waa urur utaagan midayta iyo horumarka bulshada beesha .
Waa urur kamadax banana siyaasada Somaliland,LIIBAN UK waxa ay ujeedadiisu tahay in uu mideeyo dhamaan dhalinyarada beesha, H.Y ee uk .
Daryeelka arimaha bulshada, sida caafimaadka waxbarashada iyo deegaanka ayaa ah wax yaalaha lafdhabarta u ah LIIBAN UK.
Gudoomiyaha LIIBAN UK oo ka dhawaajiyay sida baahi loogu qabo midnimada dhalinyarada reerka wuxuu yidhi "Walaalayaal , waxaa la soo gaadhay xiligii aan midayn lahayn muruqeena iyo maskacdeena,Waa xiligii aan dadkeena kacaawin lahayn, dhibaatooyinka kahaysta, wax yaalaha nolosha aasaasiga u ah ,sida waxbarashada ,caafimaadka iyo ilaalinta daryeelka deegaanka".
Gudoomoyaha, oo sheegay in arimahan lagu gaadhikaro dhaqaale ururin , lasameeyo, si loo daboolo , baahidan taagan iyo tan soo socotaba.
Gudoomiyuhu hadalkii sii wuxuu ku soo gunaanaday, baaq uu udirayo dhalinyarada beelaha walaala ah ee shaqaaqadu ku dhexmartay galbeedka Somaliland, wuxuuna yidhi " Aniga oo ku hadlaya Afkayga iyo kan ururkaba walaalyaal, waxaan idin leeyahay nabadbaa caano macaan, dagaal wiilbaa kudhitee wiil kuma dhasho, Hala joojiyo dirirta, waa kugudhimay oo kaa dhimay".

shirka liiban UK waxaa kaloo lagaga hadlay, arinta kuulcare, iyo dhamaan midayn lagu sameeyo beesha habar yoonis.
Ururka dhalinyarada liiban uk wuxuu si buuxda utaageersanyahay, iyo shiranka lagu soo dhawaynayo beesha kuul care, sidaa darteed ururka liiban uk wuxuu beesha habar yoonis usoo jeedinayaa in ay ka midha dhaliyaan wada jirka iyo wax wada qabsiga beesah kuul care , loo wado.
sidoo kale wuxuu liiban uk ku dhiirigalinayaa in dhalinyarada H.Y meel kastoo ay joogaan ay hormuud ka noqdaan, arimaha beesha kuul care, H.Y.
Waxaa kaloo goobta shirka kahadlay C/risaq , NAGIIB, iyo xubna kale oo katistan liiban UK.
Waxaa iyana halkaa kahadlay odayaal uu kamid yahay CALI DARMAL, IYO SOOFE, oo dhalinyaradii shirka isugu timid ku guubaabiyay waxwada qabsi iyo horumar.
Waxaa hadalkii soo gunaanaday. Suldaan kamid ah sulaadiinta beelaha H.Y suldaan yuusuf muxumed xiiray , oo socdaal kumaraya cariga in giriiska.
Suldaanku wuxuu uga mahadnaqay shirkooda iyo dadaadlka ay wadaan,Wuxuuna ku guubaabiyay dhalinyada liiban uk in ay noqdaan dad iyaguna wax qabsada dadkoodiina wax uqabta.
ILLAAHAY AYAA MAHADI USUGNAATAY.
LIBAAN CONFRENCE UK
http://www.oodweynenews.com/display_pag ... cleid=9067