Hargeysa(Sanaag)- Cuqaasha beesha reer Samatar, ayaa baaq ka soo saaray xiisada ka taagan deegaanka Ceel-Bardaale, waxaanay xukuumada ugu baaqeen in la fuliyo go’aamadii Guurtidu ay ka soo saartay dhawaan colaada deegaankaasi ka oogan ee sababtay dhimashada iyo dhaawacaba.
Qoraalka cuqaashaasina wuxuu u qornaa sidan:-
“Beelaha reer Somaliland laga soo bilaabo 1991-kii ka dib shirarkii is daba jooga ahaa ee lagu qabtay Berbera,Burco iyo Boorame waxay ku naaloonayeen nabad gelyo taasi oo saldhig u ahayd xalinta wixii khilaafaad jira oo loo maro wada-hadal iyo isu tanaasul. Shirarkaasi waxyaabiyihii lagu heshiiyay waxa ka mid ahaa in la is cafiyo, la isku celiyo wixii hanti ma guurto ah ee la kala hayay amaba ku kala maqan beelaha reer Somaliland illaa maanta.
Haddaba, beryahan dambe sida aynu wada ognahay waxa deegaankan Ceel Bardaalle ka taagnaa khilaaf u dhaxeeya labada beelood ee walaalaha ah ee wada degaankaasi oo kaasi oo keenay dhimasho iyo dhaawaca illaa imikana aan la soo af-jarin loona baahan yahay in la soo afjaro sida ugu dhakhsaha badan si aanu ugu baahin dalka intiisa kale.
Haddaba, haddii aanu nahay beesha Samatar Cabdalle cuqaashoodii iyo wax-garadkoodiiba waxaanu soo jeedinaynaa:-
1-Waxaanu cambaareynaynaa falkii foosha xumaa ee dilka ahaa ee ka dhacay wadada u dhaxaysa Kala baydh iyo Dilla, falkaasi oo ahaa mid ka soo horjeeda kana baxsan sharciga islaamka iyo dhaqanka suuban.
2-Waxaanu tacsi u diraynaa eheladii iyo qaraabadii falkaasi foosha xun dhibaatadu ka soo gaadhay.
3-Waxaanu cambaareynaynaa falkii foosha xumaa ee ka dhacay magaalada Boorame ee lagu gubay calanka Qaranka JSL, kaas oo aanu u aragno qaran dumis iyo in lagaga soo horjeedo jiritaanka Jamhuuriyada Somaliland.
4-Waxaanu codsanaynaa in cadaalada la hor keeno cid kasta oo dambi ka gashay qarankan iyo deegaankaasi.
5-Waxaanu u aragnaa in khasaaraha halkaas ka dhacay ay masuuliyadeeda cid gaar ahi leedahay, cidaasi oo ah dawlada iyo fulin la’aantii Go’aankii Golaha Guurtida.
6-Waa in dawladu ay fulisaa go’aankii Golaha Guurtidu soo saareen, kaasi oo aanu u aragno inuu saldhig u yahay nabad ka dhacda deegaankaasi.
7- Waxaanu ka codsanaynaa labada beelood ee walaalaha ah ee khilaafku dhex maray inay muujiyaan dul qaad iyo samir kana wada shaqeeyaan nabada iyo soo af-jarida colaadaasi.
8-Waxaanu u soo jeedinaynaa madaxdhaqameedyada, culimada, Ganacsatada, waxgaradka,siyaasiyiinta iyo bulsho weynta Somaliland oo dhan inay ka qeyb qaataan nabadeynta labada beelood.
Cuqaasha qoraalkan saxeexay:
1)- Chief Caaqil Cali Cabdilaahi Cabdi
2)- “ “ Aadan Gaax-nuux Cali
3)- Caaqil Aw-Daahir Aw- Xuseen Aw-Cigaal
4)- “ Bakayr Wayrax Aw- Jaamac
5)- “ Baaruud Yuusuf Jaamac
6)- “ Ibraahim Yuusuf Cabaade
7)- “ Axmed Meegaar
8)- “ Axmed Mahdi
http://sanaag.org/details.asp?id=912&dt=news
Beesha Reer Samatar Oo Xukuumada ugu Baaqay Inay fuliso go’a
Moderator: Moderators
- Ducaysane_87
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 3997
- Joined: Sat Jun 06, 2009 1:38 pm
- Location: Financing the Handcutter Company of Ina Godane
- Khalid Ali
- SomaliNet Super
- Posts: 32728
- Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
- Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa
Re: Beesha Reer Samatar Oo Xukuumada ugu Baaqay Inay fuliso go’a
who are these reer samatar ma garanaysa ducaysanow
- Ducaysane_87
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 3997
- Joined: Sat Jun 06, 2009 1:38 pm
- Location: Financing the Handcutter Company of Ina Godane
Re: Beesha Reer Samatar Oo Xukuumada ugu Baaqay Inay fuliso go’a
khalid ali wrote:who are these reer samatar ma garanaysa ducaysanow
waxan uu malaynaya - Sacad Muse - Reer Samatar -
- Khalid Ali
- SomaliNet Super
- Posts: 32728
- Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
- Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa
Re: Beesha Reer Samatar Oo Xukuumada ugu Baaqay Inay fuliso go’a
Ooh then its my clan wa reerkayagii 

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 244 Views
-
Last post by adam2000
-
- 1 Replies
- 330 Views
-
Last post by The_Patriot
-
- 4 Replies
- 849 Views
-
Last post by MujahidAishah
-
- 9 Replies
- 1323 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 12 Replies
- 1231 Views
-
Last post by sahal80
-
- 3 Replies
- 617 Views
-
Last post by Murax
-
- 2 Replies
- 533 Views
-
Last post by subeir123
-
- 2 Replies
- 1285 Views
-
Last post by oldenglish