Page 1 of 1

Wafti culus oo ka tirsan xisbiga Kulmiye oo booqday Boosaaso

Posted: Mon Jul 20, 2009 3:14 pm
by Ducaysane_87
Boosaaso(Oodweynenews)-Wefdi balaadhan oo ka tirsan xibiga mucaaradka ee KULMIYE, ayaa maalmahan-ba ku sugnaa magaalada dekeda ah ee Boosaaso ee maamul-goboleedka Puntland. ma cadda ujeedada dhabta ah ee safarkan.

Haseyeeshee, sida ay xaqiijiyeen ilo xogogaal ah oo ku sugan magaalada Boosaaso xubnaha wefdiga oo uu hoggaaminayo ganacsadaha sida aadka ah ugu ololeeya xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Shugri, ayaa la sheegay in booqashada safarkiisu la xidhiidho oloe dhaqaale loogu raadinayo xisbiga KULMIYE doorashooyinka soo socda.

Waxa kale, ilahaasi tibaaxeen in booqashada wefdigaasu ka dhalatay codsi uga yimi dhinaca Guddoomiyaha Ololaha doorashooyinka xisbiga KULMIKYE ee GOBOLADA Bari Md. Maxamed Cabdi Gaboose, waxaana wararku intaa ku darayaan in wefdigu sida ugu dhaqsaha badan ugu soo noqon doonaan dhinaca Somaliland, gaar ahan magaalada Hargeysa .

Maxamed Shugri ayaa ka mid ah xubnaha ugu fir fircoon ee ka tirsan golaha dhexe iyo ka fulinta ee xisbiga Kulmiye, sidoo kale waxa uu ka mid yahay gudi dhawaan xisbigu u saaray in ay ururiyaan dhaqaale lagu galo doorashada fooda inagu soo haysa taasi oo ay wararku xaqiijinayaan in uu socdaalkani uu hada Boosaaso ku joogaa uu ka midyahay mid arimahaasi la xidhiidha, waxa uu Maxamed Shugri uu mari doonaa meelo badan oo xisbiga Kulmiye u qorshaysan, oo la filaayo in uu dhaqaale ka heli doono xisbiga Kulmiye.

Xisbiga kulmiye ayaa geed dheer iyo mid gaabanba isugu taagay xiliganbi sidii uu dhaqaale uga heli lahaa, doorshada soo socota ee madaxweynaha iyaga oo isku dayi doona cid kasta oo ay ka helayaan dhaqaale kuwaasi oo ay ku jiraan cadawga shicibka Somaliland, sida ay hada wadaanba, waftigan Maxamed Shugri ayaa dhuumasho dalka kaga baxay iyada oo uu isagu ku macneeyay socdaalkiisa mid ganacsi, hase ahaatee xaqiiqda ka fog.

Saalim Xasan
Freelance Journalist/ Boosaaso
Somalia


http://www.oodweynenews.com/display_pag ... cleid=9075

Re: Wafti culus oo ka tirsan xisbiga Kulmiye oo booqday Boosaaso

Posted: Tue Jul 21, 2009 7:55 am
by paidmonk
Are they taking notes in Puntland on how elections work since most of them haven't seen one since their last child was born...?

Re: Wafti culus oo ka tirsan xisbiga Kulmiye oo booqday Boosaaso

Posted: Tue Jul 21, 2009 8:02 am
by Khalid Ali
paidmonk wrote:Are they taking notes in Puntland on how elections work since most of them haven't seen one since their last child was born...?

fara taag is simple jamac farax , futoolu ugu riiday
daahir afqudhac Ilkamouse buu ugu riiday
wa barlamaanka puntland wa very simple :mrgreen:

Re: Wafti culus oo ka tirsan xisbiga Kulmiye oo booqday Boosaaso

Posted: Tue Jul 21, 2009 10:38 am
by sheekh-Farax-zero
it could be the DAWARSI of the century if confirmed.
War wuxu ma waasheen,, sootay somalia ka go'een, maxay naga rabaan,,
Xisbiga kulmiye ayaa geed dheer iyo mid gaabanba isugu taagay xiliganbi sidii uu dhaqaale uga heli lahaa, doorshada soo socota ee madaxweynaha iyaga oo isku dayi doona cid kasta oo ay ka helayaan dhaqaale kuwaasi oo ay ku jiraan cadawga shicibka Somaliland
Haddaa cadawgaaga saxiib u aragto walaalkana cadaw u aragto dhikeeday leedahay :lol:

Re: Wafti culus oo ka tirsan xisbiga Kulmiye oo booqday Boosaaso

Posted: Tue Jul 21, 2009 11:34 am
by Khalid Ali
Sheikh faraax don’t get your self to existed its just propaganda , non of this news was confirmed by the kulmiye sites . No Somaliland party would go and sit with the cadaw Jeberti. :down:

Re: Wafti culus oo ka tirsan xisbiga Kulmiye oo booqday Boosaaso

Posted: Tue Jul 21, 2009 11:56 am
by sheekh-Farax-zero
i hope that it's just propagada coz Bosaso is sweating with the southern IDP's
we can't afford to accomodate IDP's from north, it's beyond our capacity. :lol: