Dagaal xoogan

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Dagaal xoogan

Post by AhlulbaytSoldier »

Dagaal xoogan caawa ka socda wadada Maka Almikarama degmada Hodan ee Gobolka Banadir iyo madaafiic ku dhaceysa degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag.

Dagaalkaa xoogan oo u dhaxeeya ciidamada dowlada KMG ah ee Soomaliya iyo ciidamada Amisom oo dhinac ah iyo xoogaga ka soo horjeeda ayaa caawa waxa uu ka soconyaa wadada Maka Almikarama degmada Hodan ee Gobolka Banadir.

Daagaalka caawa soconaya ayaa bilaawday ka dib markii xoogaga hubeysan weerar ay ku qadeen ciidamada dowlada Soomaliya iyo ciidamada Amisom ee fariinsinta ku leh wadada Maka Almukarama sida dadka deegaankaasi ayaa sheegayaan.

Dagaalka waxa leysku adeegsanayaa madaafiic ayaa waxa ay ku dhacayaan xafado ka tirsan Degmooyinka Hodan iyo howlwadaag ee Gobolka Bnaadir, tiro madaafiic ah ayaa waxa ay ku dhaceen Bakaaraha qeybaha Dawad,qudaarta iyo meelo kala.

Sidoo kale madaafiic ayaa iyana waxa ku dhacayaan xaafado ka mid ah Degmada Hodan gaar ahaan Siigaale iyo agaarka Seydka hasa,ahaatee waxana ilaa haatan la ogeyn qasaaraha ay geeysanayaan dagaalka iyo duqeymaha caawa isbarbar socda maadaama dagaalka uu wali soconayo.

Waxana xaafadaha qaar ee ay madaafiicda ku dhacyaan lagu arkayaa gawarida gurmad deg dega ah oo soo bixinaya dadka rayidka ah ee caawa dhaawacyo dagalka iyo duqeeynta ay ka soo gaartay.

Are you surprised?
User avatar
kambuli
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 17268
Joined: Thu Jul 28, 2005 3:20 pm
Location: Proud Toothless Old Faqash Woman

Re: Dagaal xoogan

Post by kambuli »

Medku waa ayo?

Alshabaab(Somali) + Alsunna(Somali)+ Al wahaab(Somaali) +TFG (Somali)===== Kuli wada Somali..

Yaa goblamay? Hooyo Somaaliyeed..
Yaa agoomoobay? Caruur Somaaliyeed.
Yaa Asay qaaday? Hooyo Somaaliyeed
Yaa xaaskiisii Waayay? Abbe Somaaliyeed

Yaa Rogmaday???? Somali :!:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”