maraykanku wa dawlad awod ku lehe dhulka,
arinkedana way socodsisa, indho aya wax ku aragto iyo cilmi aye ku kala ogatoo-na way leyihine, hadad mooden inad idinku maraykanku ledehin, sii kele ma jirane.
yan cidi odhan maraykanku anagu nala socda.
oo ciid kele ugu hanjabiine.
U-qaybsamaha Arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya ee Safaaradda Maraykanka Nairobi oo Xukuumadda ugu Baaqay inay Xaq-dhawrto Xorriyatal Qawlka
Mr. Robert Patterson oo xaqiijiyey in safaaradda Maraykanka ee Nairobi cambaaraysay hadidaada warbaahinta madaxbannaan ee xukuumadda
Hargeysa (Jam)- Mr. Robert Patterson u qaybsanaha arrimaha Soomaaliya iyo Somaliland ee safaaradda Maraykanku ku leeyahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa ugu baaqay xukuumadda Somaliland inay dhawrto xorriyatal-qawlka, isla markaana haddidaada ka joojiso warbaahinta madaxabannaan.
Mr. Robert Patterson oo shalay waraysi khaas ah siiyey telefiishanka madaxabannaan ee Horn Cable Tv, waxa uu si cad u sheegay inuu sax yahay warsaxaafadeed ka soo baxay safaaradda Maraykanku ku leeyahay Nairobi, kaas oo lagu cambaareeyey xadhigga suxufiyiinta ka tirsan Idaacadda Horyaal ee xidhan iyo xayiraada xukuumaddu dalbatay in lagu soo rogo telefishanka Horn Cable Tv, waxaannu u-qaybsamuhu tilmaamay in warsaxaafadeedkaasi uu ku jiro bogga internet-ka ee saxaafaddu leedahay. Haseyeeshee, waxa jiritaanka warkaas oo soo baxay toddobaadkan been-abuur ku tilmaamay qaar ka mid ah warbaahinta xukuumaddu gacanta ku hayso.
U-qaybsamaha arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya ee safaaradda Maraykanku ku leeyahay Nairobi, waxa uu xukuumadda Madaxweyne Rayaale ugu baaqay in aanay doorashada madaxtooyadu waqtigeeda loo cayimay dib uga dhicin, loona baahan yahay in laga wada hawlgalo sidii doorashadaasi u qabsoomi lahayd 27-ka bisha September.
Mr. Robert Patterson waxa uu sheegay in jiritaanka saxaafadda xorta ah ka mid tahay astaamaha dimoqraadiyadda, sidaasi darteedna mudan yihiin in la daryeelo. Waxa kale oo uu caddeeyey in Maraykanku taageero ka geysto kobcinta dimoqraadiyadda Somaliland, iyada oo Somaliland ka hawlgalaan hay’adaha Maraykanku deeqabaha soo mariyo ee IRI iyo EDC.
Mr. Robert Patterson waxa uu carrabka ku adkeeyey inay Somaliland weji-gabax ku noqon doonto, haddii la hor istaago xorriyadda saxaafadda, isla markaana la xayiro shaqadda telefiishanka madaxabannaan ee HCTV, waxaannu ku baaqay in si degdeg loo sii daayo suxufiyiinta xidhan.
Jamhuuriya Online
Printable version
